WARAYSI XIISO LEH: Maxaa kala Qabsaday TARSAN Iyo Xamdi Kadiye “Guri la’aan ayaan ahay, Dhaqaalle ma haysto”

Nairobi ( Kalshaale )  Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Nuur Tarsan ayaa Waraysi Xiiso badan waxaa la yeelatay Wariye Xamdi Kadiye , oo ka howl gasha Telefishinka Universal Wuxuuna shaaca ka Qaadiy Arimo badan.

Tarsan  ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,  Taasi oo ka dhigan inaysan lahayn wax miisaaniyad ah oo ku filan.

Waxa uu intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO  WARAYSIGA IYO SAFIIR TARSAN

Tarsan ayaa dhinaca kale sheegay in xitaa uusan haysan Guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan.   “Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, Waxaa sitaa Calankii Qaranka oo aan Metelayaa, Safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada  kale,  sida isagaba loo casuumo” ayuu yidhi Tarsan.

“Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan (Safiirkii) uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Cadaado says:

    Somalida daanyeernimadooda, waxeey rabaan kuligood in eey noqdaan public workers, oo dowlad magaceeda ku shaqeeyaan, waxna ku cunaan. Sababtoo ah, daanyeerkii kaligiis taliye madaxweeyne Siyaad Barre, ayaa dadka barray in qofkii dowladda u shaqeeya uu ka buuran yahay dadka kale, sababtoo ah, xoolo uusan shaqeeysan, isaga oo shaqo fiican qaban ayuu cunayaa. Taas ayaana ugu wacan in daanyeerta Somalida kuligood rabaan in dowlad u shaqeeyaan. Waa sababta qabiil walba u sameeystay madaxweeyne bug ah, golle wasiir, xildhibaano, iyo wax lamid ah. Tii daanyeernimada ee dowladda dhexe ayaa ku filnaan weeysay.

    Daanyeernimadaas dad fahamsann waa yaryahiin. Sidee beey ku dhacee, dal dhan, oo qof kasta magac dowlad wax in uu ku cunno rabba. Daanyeer. Kuwa qurbahana, waa sababta eey u yahiin Somalida dadka ugu badan ee ceeyrta qaata, marka loo fiiriyo “proportions to their numbers” tirada dadkooda iyo inta ka qaadata Ceeyr. Waxaa kaloo jirra kuwa kaloo badan oo “fraud” musuqmaasuq lacag ugu xaddo day care, adult day care, home care, meelaha caruurta lagu hayo, meelaha dadka waaweeyn lagu hayo, iyo meelaha dadka caafimaad maskax amaba jir uu heeysto.

    Waa daanyeer u badan tuugo. Culumadoodana ma soo hadal qaadaan, maroodigaan qolka ku dhex jirra. 24 saac waxeey ka sheekeeyn falastiin iyo israil, oo wax ka galay eeysan jirrin.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...