Siciid DENI Muxuu uga Duwanaan Doonaa C.raxmaan Faroole iyo Gaas ?

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bil iyo seddex maalin kadib soo magacaabay golaha wasiirada maamulka Puntland, kuwaasi oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah musharixiintii la tartantay.

Tirada Wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlahaasha maamulka Puntland ayaa hadda ka dhigan guud ahaan inay gaarayaan 47 Wasiir, waxaana uu lamid noqday wasiiradii uu ku bilaabay madaxweyne Gaas markii xilkaasi uu qabtay sanadkii 2014.

Labadii madaxweyne ee ka horeeyay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bilaabay golaha wasiirada xubno aan badneyn balse markii dambe ayay labadoodaba gaarsiiyeen ku dhawaad 60 Wasiir.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa bilowgiisii magacaabay 38 wasiir, ku xigeen iyo wasiiru dowle balse markii xaalka ku adkaaday ayuu kordhiyay tirada wasiiradii maamulkiisa waxaana uu gaarsiiyay 54 wasiir.

 

Sidoo kale madaxweynihii ka horeeyay Saciid Deni, C/welli Gaas ayaa bilowgiisii magacaabay 47 wasiir, iyadoo ugu dambeyn uu gaarsiiyay 57 wasiir, waxaana la sheegayaa inay taasi culees ku noqotay dhaqaalaha Puntland.

Marka la eego dhaqaalaha loo qoondeeyo Puntland iyo kuwa ka yimaada deegaanada kala duwan ee Puntland, waxay dib ugu laaban karaan shaqaalaha maamulka iyo masuuliyiinta xilalka haya, waxaana adkaaneysa mar walbaa in dadweynaha ay helaan adeegyada ay doonayaan.

Dadka la socdo dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa mar walbaa ku taliya inay muhiim tahay in la yareeyo wasiirada oo la xulo xubno tayo leh, iyada oo laga eegayo dhaqaalaha iyo waxqabadka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la isweydiinayaa miyuu ka duwanaan doonaan kordhinta golaha wasiirada labadii madaxweyne ee ka horeysay, mase wasiiradan ayuu ku adkeysan doonaan inaysan intaan laga badin.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Land of Punt says:

    Deni in shaqada ummada u dirsaray si fiican u qabto oo ka fiican wixii raggii ka horeeyey qabteen wax kasii fiican ayaa laga dugayaa.
    Dadka ayaan dulqaad lahayn laahiin Faroole intii Puntland, Somalia iyo killilka u qabtay u malayn maayo in Deni qaban karo.
    Gaas wuxuu xooga saaray, waxa ugu yeeray kaabayaasha dhaqaalaha, infrustracture.
    Puntland meel fiican ayey maraysaa.
    Deni ishaa lagu hayaa taas ayaana kugu qiimayn doona.
    Faroole in 5 sano loogu daro rabay, hadana in Gaas loogu daro rabay. Waayo hadba nin cusub ama tuug cusub oo wax kasoo socdo aqoon in la doorto ma rabin.
    Deni hadduu wax fiican ummadda u qabto in loogu daro taageerin haddii kale in daanyeer yahay dadka u sheegin.
    Good luck Deni. Vivo Dhulka Uduga.👌🤙✌️

  2. Dabshid says:

    Wuxuu uga duwanyahey waa Nin Cismaan Max’uud ah,

    Muxuu yahey farqiga weyn oo u dhexeeyo 3 nin oo jufo yar oo Max’uud Saleemaan ah.

    Waa maxey farqiga u dhaxeeyo Quraanjo iyo Maroodi.

    – Afsoomaaligii wuu TAHRIIBEY




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...