Saddex Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Somaliland oo Muqdisho ka degay (Akhriso Magacyada)

Hargeisa  ( Kalshaale ) Saddex wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland ee uu Hogaaminayey  madaxweyne Axmed Maxamed  Siilaanyo ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xubnahan ayaa kala ah 

1- Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil.

2- Wasiirul-Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye.

3- Wasiir ku Xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Keyse Gurey.

Siyaasiyiinta Iyo Ganacsatada Somaliland ayaa si joogta ah inta badan ugu xidhan magaalada Muqdisho, Waxaase Xusid mudan in Cabudhinta ugu badan ay Shacabku kala kulmaan  Markay Booqdaan Muqdisho, ay soo Bandhigaan Aragtidooda ku aadan wadajirka Soomaalida.

Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah, waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. mohamed abdi jama says:

    Xamar waa daciifnimo haysara oo jaahilnimo ah kolba gabadh yar iyo wasiiro hore oo sibila oo ay mootooyin ku soo dhaweeyaan maxay u taraysaa iyo maxamed carte iyo mahdi bidaar oo ciil sokeeye dartii ula jooga inta miisaanka jam somland ku leh dalkay ka taliyaan masiir umadeed weeye jiritaanka jam somland ee seddex tuug oo idiin yimaada maaha

  2. mohamed abdi jama says:

    Adeer bal idinba qiimeeya ninkii shalay wasiirka ka ahaa jam somland ee barakaysanmarkii xilkii ka dhamaaday ee dawladdii mr biixina dooran wayday bay idiin yimaadeen bal maxay qiimo leeyihiin idinkuba miisaama waa daayeero gaajooday oo khasnaddii laga xidhay

  3. Hooyo Soomaaliyeed says:

    Bulshada Soomaaliyeed waajibaadka saaran waa inay meeL Saartaa!!!
    Madaxda Soomaaliyeed Haddii Diinta Qadarineysaan u Naxa Dadka!!!
    Adduunka waa Laga Tegeyaa ee intaad Nooshihiin Caddaalad iyo Isku Tanaasul iyo Isku Xidhnaan Bulshaweynta Soomaaliyeed ku Haga si aad ALLAH (SWT) Aad Wanaag ula Hortagtaan!!! Dadaal, Dareen iyo Daacadnimo ku Iibsada Xisaabta Akhiro!!! Fadlan si aad “Suaasha” Jawaab Sax ah ugu Heshaan!!!
    Culimo Iyo Abwaanadu wax Badad bay idiin Digeyn!!!
    Smaqal baa loo Baahanyahay!!!




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...