Puntland : Xubno Daacish ku biiri lahaa iyo saad loo sii waday oo la qabtay (Sawirro)

Boosaaso ( Kalshaale )  Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhinteen xubno doonayay inay ku biiraan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh buulaha deegaanada Puntland.

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa la sheegay in xubnaha ay qabteen ay ku wajahnaayeen buuraha Cali Miskaad oo Puntland ka tirsan halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin kooxda Daacish.

Qoraal lagu daabacay barta ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay qabteen shaqsiyaad si dhuumaaleysi ah tababar u qaadanayay kuwaasi oo ku wajahnaa buurta Cali Miskaad.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in lagu qabtay saad loo waday ciidamada Daacish ee ku sugan deegaanka.

“waxay shalay 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso”

“Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”ayaa lagu yiri qoraalka.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa dadweynaha Gobolka Bari ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka hortagga Daacish iyo Al-shabaab.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...