Hooyo Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo Australia iyo Dhacdo Ku saabsan Gabdhaheeda

London ( Kalshaale )  Hooyo Soomaaliyeed ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Queensland ee dalka Australia, ayada oo loo haysto inay gudniin fircooni ah ku fulisay laba Gabdhood oo ay dhashay.

Labada gabdhood oo kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay in Soomaaliya loo kaxeeyey, kadibna ayaga oo ku cayaaraya dibedda guriga ayeydood la waday laguna soo fuliyey gudniinka.

Hooyada dhashay gabdhahan ayaan magaceeda la sheegi karin sababo xagga sharciga ah dartood.

Hooyada ayaa diiday inay qirato dambiga laba dacwo oo ku saabsan inay canugeeda ka wadday gobolka si loo soo gudo.

Labada gabdhood oo da’doodu kala tahay sagaal iyo 12 ayaa Soomaaliya joogay un dhowr maalmood markii gudniinka lagu sameeyey bishii April 2015, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Way ogaayeen in gudniin lagu sameynayo, wayna soo jeedeen markii howlgalka uu dhacay, taasi oo xanuun darran ku keentay dhowr maalmood, maxkamadda ayaa sidaas dhageysatay.

Toddoba bilood kadib markii ay kusoo laabteen Australia, waxay booliiska u sheegeen “inay wax lagu sameeyey” ka hor inta dhaqtar uusan xaqiijin in qeybo ka mid ah xubnahooda dumar laga gooyey.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...