Qoyska Maamulihii DP-World ee lagu dilay Bososo oo Soomaalida siwayn u difaacay ( Arin aan la Filaynin)

Boosaaso ( Kalshaale)  Qoyska Maamulihii la dilay ee dekadda Bosaso Paul Farmosa oo wareysi siiyey jariirada Independent ee Malta ayaa difaacay shacabka Soomaalida iyagoo ka digay qoraalo ay internetka ku baahiyeen cunsuriyiinta Malta oo lagu weerarayey dadka Soomaalida ah.

Sarah Formosa oo ah gabarta uu dhalay Paul Farmosa ayaa sheegtay inay yihiin Soomaalida dad wanaagsan, sidaan uu mar walba u sheegi jiray aabaheed intaanan la dilin.

“…Wuxuu mar walba noo sheegi jiray in 10kii qof ee Soomaali ah oo uu arko ay 8 kamid ah yihiin dad wanaagsan, halka laga yaabo 2 qof oo xun inay ku jiraan…” ayey tiri Sarah Formosa oo sheegtay in ay maalmihii lasoo dhaafay jireen cunsuriyiin ku nool dalka Malta oo faafinayey qoraalo ka dhan ah Soomaalida.

“Maaha Magaca Aabahay in loo adeegsado falalka Cunsurinimada ah, dadka Soomaalida ah waa dad wanaagsan oo shaqeysta kuwooda xuna waxay lamid yihiin Cunsuriyiinta aan halkan ku heyno ee Malta, ayey tiri Sarah Farmosa oo markii ugu horeysay warbaahinta la hadashay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...