Madaxwayne Farmaajo iyo RW. Abiye oo Arimo muhiim ah ka wada hadlay

Muqdisho ( kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Labada Masuul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhamaaday Shirka 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay.

Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howlgalka AMISOM.

Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika.

Sidoo kale Farmaajo iyo Abiyo ayaa ay isla soo qaadeen Sarkaalka Itoobiyaanka ah Tigabu Yilma Wondimhunegn oo la wareegay Taliska Guud ee Howlgalka AMISOM, waxeyna isla qaateen in wadajir looga shaqeeyo ciribtirka Shabaab

Madaxweyne Farmaajo khudbadii uu ka jeediyay shirkii 32-aad ee Ururka Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay hoggaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha oo Soomaaliya si gaar ah ay u taabaneyso, iyadoo shirka uu fadhiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Adeer waa ku salaamay..
    Maalin dhaweyd waxaad arakayey adiga oo mucaaradka dowladda igu dartay..
    Anigoo ujeedadaydu meel kale u socotay oo ah Somalia mardambe shaqsi madax ka dhiganay in dhulka nala gelin oo waxa nagu dhacay markale nagu dhicin..
    Waxaan u baahanahay dowladda shacabka u taliyaan oo marka u bogi waayaan iska tuuri karaan.
    Wax Farmaajo iyo Khayre ku kooban maaha, waxay qusaysaa kulli madaxda ka dambayn doonta.
    Dowlad fuck off ku dhahno ayaan rabaa ee dowlad naga adag oo godka Jilicow haldoorka bulshada ku xiniinyo siiba ma rabno ama dila.
    you get it.. cappiche,!🤘
    kkkk

  2. Land of Punt says:

    Waa run in iri Ina Cabdishakuur iyo Cali Maxamed Geedi mid after Farmaajo doorto garan maayo..
    Somali waad ogtahay oo qabiil wax ku saleeyaan, nin Darood ah in markale la doorto, way adagtahay.
    kkkkkkkk
    Haddii Farmaajo dalka wax fiican u qabto oo dimoccrat yahay og in dictatornimo dhamaatay oo la xisaabtamin, hadday Somali doorasho ugu celiso aniga aad ayaan u soo dhaweyn ee waxaan diiday, la ima mucaaradi karo iyo waa rag xanaaqsan.. taas muxuu ka wadaa? Kacaan diid…
    kkkkkk.
    🤩

  3. Land of Punt says:

    mr Bahal
    Ninyahow habeen dhaweyd waan kugu goobanay…kkkkkkk
    waagii yaraa ninka lagu goobto oo jilicsan ayaan la safan jiray..
    Laakiin adigu dadka meel laguugu difaaci karin iyo Ugaarsato oo wax waxa ka aqoon iyo in beesha Darood miis wada saarto ayaan ku dhex rafatay.
    waan ku raaxaystay sida laguu karbaashay habeenkaas..kkkkkkk
    Gaar ahaan Xaange.
    Marka saas u arag doodana noo furan.. fikirkaaga xaqbaad u leedahay, waana soo dhaweyn qof walba fikirkiisa.
    🤙

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP saaxib Salaan ka dib cappiche ma garan saaxib.
    Adeer mid DAANWEYNA ayyaan. wada qayileeyna ee waa noo hadhoow INSHÀALLAAH. WBT

  5. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    kkkkkkkkk
    adeer qaadka waa drogo ee iskadaa.
    aniga af Talyani ma aqaan oo anoo yar dalkii kasoo tegey…kkkkkkk
    Aabe ayaa markuu rabo in warkiisa: haa, iraado oran jiray Kabiishe, anigana ku jawaabi jirey, Kapiishe…kkkkkkkk
    Afsomali moodi jirey..kkkkkkkk
    waa af-Talyani= ma fahamtay/garatay.
    Daanwehnana goorma ayey qaadka barteen! raga Majeerteenka ugu akhlaaq wanaagsan ahaan jireen..🤘
    kkkkkkkk.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...