Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Soo Saarista Shidaalka, kadib Shirkii London

London  ( Kalshaale ) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay soo saaristan iyo bandhigga kheyraadka dalka,kaddib kulan ka dhacay magaalada London.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay  dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee  dalka. 

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in  arrintaan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London halkaasi oo uu  kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah  faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu  soo gabagabeeyay magaalada London.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in  ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka  baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha  arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. mohamed abdi jama says:

    Adeer soomaliyada aanu jaarka nahay patrolka dhawaan baanu ceelkii u horeeyey soo saaraynaaye awalba anakaa idiin caqli ahayne ood nagu dayan jirteene nagu daydoo deg dega u meel mariya si aydaan uga dib dhicin xiligay jam somland soo saarayso waa intaa waxan aad la deg degaysaa waanu u sheegnay copnayda in laydiin soo saaro laakiin yaa idonka damaada ? Somaliya xaq uma meh heshiis patrol loo soo saaro ha qaldamina ? Ma yaallo qaramada midoobay in laydiin soo saaro in cidi damiin idinka tahay mooyaane ? Ogaada waanu idinka noqon karnaa damiine?

  2. mohamed abdi jama says:

    Inay jam somland idinka noqon karto qaramada midoobay waydiiya haday been noqoto yaan wax danbe layga qorin ama ingiriiska waydiiya ama washigton waydiiya? Adeer waa cilmiyan iyo caqliyan waxaan idinkula hadlayaa ? Waan idin damiinan karaa idina isma ogidin faraqaasaa inoo dhexeeya? Adeer isama og baad tihiin muruursadaa idiin taliya kkl maxaad ka garan kartaan inaan idin damiinan karo

  3. Nuurkanederland says:

    QABAXALAAH…..
    WAR MAALIN OIL BAYNU JOOGNAA?MAYA LKN WAXAY KUDEGDEGAYAAN WAA MALAYIN LAALUUSHA OO SHIRKADU SIISO OO KU SIISO QAYRAADKEENA,
    MIDA KALE.
    WAR NINKA MUSHAHAR SHAQAALE CUNEY MA QAYRAAD BAA LAGU AAMINI KARAA & HESHIISYO SHIRKADO HOREY USOO CUNEY MUSANBIIK IWM?.
    HA ILAAWIN:
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS is ISRAELIAN MISSIONRY & TERRORIST GROUP.FUCK YOUR SELF.
    ISNOT MUSLIMS




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...