DAAWO: MD. Farmaajo oo la kulmay Madaxda Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika (Sawirro)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (9)

  1. Cadaado says:

    Ar Farmaajo ii geeya!
    Daanyeero. Kabacdi 15 sanno kudhawaad oo ciidan Afrikaan ah caruurtooda u ilaalinayeen iyo naagahooda, oo hadeer laleeyahay qaar ayaa ciidanka Afrikaanka baxayaan, waa eey sameeyn waayeen daanyeertii iskaga dambeeysay ee xukunka dowladdda dhexe qabata, in eey ciidan ilaaliya madaxtooyada sameeystaan.

    Dad noocaas ah ayaa laleeyahay waa dadkii Somali uGu fakfakbadan, imagine, qiyaaas shacabka caadiga ah kartidooda iyo caqligooda, hadii kuwa madaxda ah eey intaas karri waayeen.
    Daanyeernimo.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Aarka hargaysa says:

    Farmaajo shirarka madaxwayna yaashu way kadhuuntaan sababtoo ah shaxaad kiisa iyo calaacalkiisa ayaa badan midba marbuu luuqyada u istaagaa oo uu kuqabtaa

  3. Caamir says:

    Arka
    Ictiraaf kkkkkkkkk
    Ingar bare inooga Shimano
    Meel.Muuse Mooryaan uu maamulaayey yaa aqoonsanaya
    .fiiri sxb Adiga hal qabiil dowlad ma U aqoonsanayad? Qabiilada waqooyiga dagane ma rabaan s/land xataa iidoorka badidiis
    Xaaraan ku naaxayaasha musuq maamsuq dishey daaraha jeexdey Koontoyin dibadaha ka furtey jeebkooda aan buuxsamin
    Maskin walba hakugu yraahdaan Ictiraaf
    Daciif foqaldaciif

  4. Caamir says:

    Arka
    Ictiraaf kkkkkkkkk
    Inyar baa inooga dhiman Ictiraaf
    Meel.Muuse Mooryaan uu maamulaayey yaa aqoonsanaya
    .fiiri sxb Adiga hal qabiil dowlad ma U aqoonsanayad? Qabiilada waqooyiga dagane ma rabaan s/land xataa iidoorka badidiis
    Xaaraan ku naaxayaasha musuq maamsuq dishey daaraha jeexdey Koontoyin dibadaha ka furtey jeebkooda aan buuxsamin
    Maskin walba hakugu yraahdaan Ictiraaf
    Daciif foqaldaciif

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    ===KA ROG OO HADDANA SAAR===.
    Haddaanan qaldanayn askariga AMISOM wuxuu qaataa $1000 ama ku dhawaad Askariga Waqooyi Galbeedna wuxuu qaataa $0.70 haddaba waxaan FARMAAJO/KHAYRE kula talin inay keenaan Askar 1000 ah oo ka kooban beelaha WAQOOYIGA Somalia dega ayyadoo say u kala badanyihiin loo tixgelin. *”Haddii dhaxal walaalkaa…..waa dhadhamisaaye”,HALLAY SAXO. WBT

  6. Garqaad says:

    Axmed somali asc.

    Adeer caawa waad I maagtay. Laakiin marqaan ayaad tahay. Waxba kuu qaban maayo. Mar kale ayaan xisaabtaneynaa. Marqaan wacan.

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Waxaan halmaamay, askariga Waqooyi Galbeed waa in mushaarkiisa uu ahaado ugu yaraan $400. WBT

  8. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Garqaad adeer, ii sheeg gefkaan kaa galay AAN kaa raalli geliye mise waa gedeedii. WBT

  9. Garqaad says:

    Axmed somali.

    Adeer markaan hadalkaagii fasiray ayaad igu dhahday. NABIIB ayaad tahay.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...