Ciidanka AMISOM ee dalka ka baxaya iyo Deegaano ay Banayn doonaan

Baladwayne  ( Kalshaale ) Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu soo wajahay walwal dhinaca ammaanka ah.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay ka bixi doonaan degmooyinka Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Jowhar iyo wadada xeebta ee ka baxda Muqdisho oo ammaankeeda ah mid la isku haleyn karo, iyadoo tan iyo markii Ciidamada AMISOM la wareegeen deegaanadaas aanay wax weerar ka dhicin.

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto Hirshabeelle ayaa sheegay in aanay xilligan munaasib aheyn ka bixitaanka AMISOM, isla markaana cabashada ka timid Maamulka Hirshabeelle ay u gudbin doonaan dowladda Federaalka.

Taliska AMISOM ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in 1,000 askari ka socda Burundi ka bixi doonaan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha dhimista Ciidamada AMISOM iyo u diyaar garowga ka bixitaanka sanadka 2021, si Ciidamada Soomaaliya ula wareegaan Amniga.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Nuurkanederland says:

    Move GORILE.
    WAR NINKAAD KABO KA TOLANSYSO KABIHIISAA LAFIIRSHAA!!;.
    GORILAYAASHAASI WAXAA MEESHA KEENSADAY KII MUSHAHARKIISA BIXINAYEY DAN SOMALIYEDNA UMAYSAN JOOGIN.
    HA ILAWIN
    I.S.I.S=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE(SUICIDE MISSIONRY).
    ISIS LEADER (ELLIOTE SHIMON)HE WAS MOSSAD AGENT.GO FUCK YOUR SELF,YOU ARE JEWISH MISSIONRY & TERRORIST.
    IS NOT MUXLIMS.sure.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...