Dakhliga P.land oo siwayn isku dhimay iyo DENI oo Wareegto ku Joojiyey Lacagii Hay’adaha Madaxa-banaan

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku joojiyay isticmaalka lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray Hay’adaha dowladda ee madaxa banaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabto dowladda.

Madaxweynuhu wuxuu ku sababeeyay go’aankiisa inuu jiro isdhin dakhli oo baaxad wayn, ayna adkaatay in la bixiyo musharaharaadka shaqaalaha dowladda iyo hawl socodsiinta dowladda.

” Waxaa la farayaa madaxda ay warqad ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in curaaraha loo qabto hay’adaha dowladda ee madaxa banaan, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha dakhliga dowladda khidmadda laga siiyo, curaaraha dowladu maamusho IWM, dhammaantood loo isticmaalo bixinta musharaadka iyo Hawl-sicidsiinta dowladda” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Siciid deni.

Hay’adaha dowladda ee sida tooska ah ay u saamaynta doonto go’aanka madaxweynaha waxaa ka mid ah hay’adda biyaha iyo tamarta ee PSAWEN, hay’adda wadooyinka ee PHA iyo mashruuca dhismaha wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo. Waxaa kaloo wareegtadani ay saamayn doontaa shirkado gaar loo leeyahay oo adeegyo u qaban jiray dowladda Puntland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa dhaqan-gal noqonaysa inta ka horaysa ku noqoshada miisaaniyadda xukuumada oo la filayo in barlamaanku ka doodo bisha soo socota ee Maarso 2019ka. lamana garanayo sida hay’adaha dowladda qaarkood u bixin doonaan musharahaadka iyo kharashaadka howlihii ay u qaban jireen shacabka.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...