DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo sharaxay shan arrin oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya (Muuqaal)

Muqdisho ( Kalshaale )   Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa Shaaciyay Shan arrin oo uu sheegay inay caqabad ku noqoto dowlad kasta oo loosoo dhiso dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.

Madaxweynaha dalka wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanan inta badan loo sheegin waxyaabaha dalkooda u diidaya dowladnimada waarta, waxaana uu sheegay in dhibaatada kaga timaada caalamka ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee dalka ka dagi la’yahay.

Arrinta ugu horeysa wuxuu ku sheegay inay tahay Kheyraadka tirada badan ee ku jira dalka Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed oo heysta hal dhaqan, Diin iyo Af oo wadamo badan oo caalamka ah ay u arkeen in haddii dowladnimo wanaagsan ay helaan Soomaalida ay caqabad ku noqon karan dalalkooda.

HALKAN KA DAAWO HADALKA MADAXWAYNE FARMAAJO

Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa Xanaaqsan ay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in danta Guud ay ka hormariyaan dantooda gaarka ah.

Warbaahinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay kuwa ay ka dagi la’yahay dalka, gaar ahaan kuwa ka hadla arrimaha Soomaaliya ee dibadda ku yaala oo uu sheegay inay kaliya diiradda saaraan dhibaatada dalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dowladnimada Soomaaliya.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Waxaan dhagaystay barnaamij ula jeedadu ahayd in looga hadlo Dastuur Somali BALSE hareer maray oo u ekaaday FADHI KU DIRIR. *Dastuurku waa waxa ugu qaalisan ee uu shacbi ku dhaqmo QURAANKA ka dib. *Shaqsi ahaan aniga wuxuu igu hayyaa welwel weeyn oo waxaan taaganahay KII 1961Di boorka halaga jafo oo ay (Fawsiya Xaaji igu raacsan) wixii aan la socon karin wacyigaan halaga saaro. *Sababta aan saa u leeyahay waa HADDII la yiraan mid jadiida hala qoro Waxaa shaki làaana inuu yeelan RAAD Qabiil Taana waa jab aan laga kabsan karin. *Bal dhegaysta ninkaan Xuseen Bulxana oo la leeyahay waa aqoonyahan weyn MARKAA waad ka niya jebi wax la yiraah WADA HADAL. WBT

  2. NUURKANEDERLAND says:

    HoRTA WUU KA FIICAN YAHAY XASAN QOSLAAYE LKN LAA TA AAMIN SIYAASI SOMALIYED OO QARNIGAAN JOOGA!!!.
    WAAW HA ILAAWIN DIGNIINTAYDII:-
    I.S.I.S=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE..(ALMASHRUUC ALYUHUDIYAH).
    Is not MUSLIMS.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...