DAAWO: Dawladdaha Somalia iyo Turkiga oo galay heshiis cusub iyo Muhiimada Soomaalida ugu Jirta

Ankara  ( Kalshaale ) Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga  gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay  Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.

Kulanka oo yimid kadib marti qaad  uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga  u fidiyey  Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray  iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen.

Wasiir Ciid ayaa dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo  mashruuca biyo xireenka  magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.

Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay  in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo  qeybaha kala duwan ee beeraleyda  Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan  kana kooban 10 qof.

Ugu dambeyn labada Wasiir  ayaa kawada qaybgalay  bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir,  iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan  , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. mohamed abdi jama says:

    Adeer horaan idiinku sheegay in jam somland ay ahayd motorka wixii soomaaliya la isku odhan jiray ? Hadana u fiirsada wasirka beeraha jam somland oo martiqaad ka helay turkiga ayaa qaar xamar joogaa hinaase la tageen izmir waddo markay samaysanayso jam somland way samaystaan wiiganna ciyaaro ayey marti gelisay jam somland waad maqlayseen xamar eretariya ayey isku qaadeen inay keenaan xamar kkk adeer naga varta maamulka iyo dawladnimada




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...