Baarlamaanka Puntland oo Cod u Qaaday Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland Ansixintooda

Garoowe  ( Kalshaale ) Golaha Baarlamaanka ee Puntland ayaa fadhigoodi maanta uga doodey xukuumadda cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda, qaabka loo ansixinayo. Fadhiga waxaa ku sugnaa ilaa 53 Xildhibaan.

Ajandaha ayaa ah in laga doodo qaabka Xukuumadda loo ansixinayo iyada oo dastuurkii hore ee xiligii Faroole wax laga bedeley sheegaayey in golaha wasiirada mid mid Baarlamaanka loo horkeeno, laakiin hadda ay noqotey xeer hoosaad.

Shir guddoonka golaha wakiilada ayaa codeny galiyey waxaana ay ku kala baxeen cod aad u yar. Xildhibaano gaaraya 26 Mudane ayaa u codeeyey in si duuduub ah Baarlamaanka loo horkeeno xukuumadda kadibna la ansixiyo, 24 Xildhibaan ayaa u codeeyey in mid mid loo horkeeno golaha Wasiirada kadibna qofwalba kartidiisa lagu qiimeeyo, saddex Xildhibaan ayaan codeynta ka qayb qaadaan oo ka aamusay.

Xiligii Madaxweyne Faroole ayey bilaamatey in duuduub loogu codeeyo Golaha Xukuumadda, si lamid ah tii Cabdiweli Cali Gaas, laakiin ma dhicin in baarlamaanku ka sii doodo xukuumad aan weli la shaacin qaabka loo ansixin doono.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan ku soo dhisin xukuumadda mudadii loogu talo galay, waxaana uu Baarlamaanka weydiistey muddo kordhin taas oo ku eg maalinti berri ah ee Isniinta. Dhismaha Xukuumadda ayaa waxaa saameyn ku leh madaxweyne ku xigeenka, Xildhibaanada, Siyaasiyiintii ololaha ka qayb-qaatey, Isimada, iyo Kaabo qabiilada.

 

????????????????????????????????????

Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Rooble says:

    Axmed somali marka hore waxaan kaaga jawaabi qoraal aad ku taamayso inu xusbiga wadani uu yahay somaliwayn adigoo raba inaad caruurta idoor ku didsato?
    Waxaan uga socdaa garxajis waa somaliland
    Xusbiga wadani waa somaliland midkale
    Waxaan reer somaliland qaadan anaguna qaadanmayno ama aanu isaaq qadan qadanmayno ? Wbt

  2. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Rooble adeer, horta waxaan qabaa inuu Garxajis u qabiranyahay jawiga maanta Somalia ka jira WAXAAN qabaa inuusan raalli ka ahayn jawiga siyaasadeed ee maanta ka jira Gobolladaa Waqooyi Galbeed HADDABA muxuu suubiya? ma gooni buu u goosta oo yiraah ANIGU deegaankaygaan ku EKAAN oo waxba la qaysan-maayo beelaha kale? ma qaska ka taagan Koofurtuu ku biira? Beesha Isaaqna maxay noqon Garxajis làaan adeer dhan kastaba waa KADAR oo dibi dhal. *Adeer inta ILAAHAY SWT faraj u furi Mucaaradnimadiisa wax u dhaama lama arko. *Xal raadisna waxaa ka mida Qoraalkaygi. *Tankale adeer ii sheeg magaci loogu yeeri degaanadaa KG 1884di ka hor?. soo soco. WBT




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...