SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxda Ku sugan Itoobiya Caawa Kulmay

Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee berri ka furmaya Addis Ababa.

Madaxwaynaha ayaa  ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 32aad ee Midowga Afrika oo diiradda lagu saarayo sanadkan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. Kalahage says:

    Muuse biixi uma jeedo kamid ma aha miyaa madaxda Africa.

    Been fakatay run ma gaadho.

    Uma jeedo wax u dhaxeeya muuse iyo madoobe.

    Maamul gobaleedka ugu tugtug roon waa loo ogolyahay balse wixii intaas dheer waa riyo maalmeed.

  2. Kalahage says:

    Qosolka ka baxaya ma u jeedaa Farmaajo iyo geelle malaha waxay leeyihiin hal dawlad oo kale ayaa inaga maqan.

    Inkasta oo aan jeclaa in geele la badalo soo fadhi xumadiisii baa badatay.

    Kuwo ka soo jeeda maamulka gooni goosadka ah baa ugu sheekeeyey qolyo ajinabi ah dawlad baanahay.

    Ajinabigii ayaa weydiiyey wax cadayn ah. Maarkaasay tuseen calan barbaro leh.

    Inyar kadib waxaa yimid qolyihii fadaraal keeb la yuurar iyaguna calamo barbaro leh bay la soo baxeen.

    Ajinabiigii baa bay saa anaa la soo baxay calankii soomaliya ee buuluuga ahaa.

    Waxaan weydiiyey calankan ma garanaysaan? Haa bay dheen.

    Waxaan ku idhi calamada barabarha leh waa calamo gobaleed ka buulaga ahna waa kii qaranka.

    Haaaaa bay dheheen anaguba waan leenahay calamo gobaleed iyo kabaniyeed.

    Ka biqleyso.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Kalahage, jooji affaare Nordka! Muuse asaagi Xaafba ma jooge maxaad Muuse kaliya u tebtay? (ishana dabay). WBT

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Kalahage, bal yaysan ciyaal KOLEEJANIMO ila tegine WAXAAN ka wadaa Somaliland & Maamulka Galmudug waa isku darajo. *Qoraalka hoosana la soco. WBT

  5. Dabshid says:

    Nin gaabnaa ayaa islaantu moodey Wiilkii cidda u weynaa markaas ayey la kacdey mar uu roob soo daatey, markey Caruurtii ku wada hubsatey aqalka ayey dhahdey

    – War maxaad iska adkeyn – Ha dhow ayuu rabaa inuu qoyaanka nala soo galo

    – wuxuu dhahey SHIMEE i keentey aniga

    ” Alla waa wiilkeygii waxa roobku qooyey.

    ( Hadda Shimee u dambeysay SIYAARO ADDISS u aadaan MAAMUL BEELEDYADU.

    Siduu sheegey Madaxweyne Farmaajo – Fatahaadii keligaas waa la soo moosey.

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    ASC.
    -MA RUNBAA INAY SOMALIA & XISBIGA WADDANI ISU OLOLAAN?-
    °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° .
    SOMALIA & Xisbiga WADDANI waxay ka midaysanyihiin iney yihiin HAL ummad . *Bùdiba hadday taatahay WAXAA haray sidii loo geed qaadi lahaa dariiqii midnimo. *Dhab ahaantii waxay degaannada Waqooyi Galbeed ay yeesheen waji jadiida WAXAANA isbedelay miisaanki siyaasadeed iyo awoodeed ee Gobolladaa Waqooyi Galbeed SABABTA oo ah Khaatumo State of Somaliya oo MADI ahayd ayyaa heshay mattaan ay isku aragti, Damaq & ujeedo dhaba yihiin oo leh waayo aragnimo siyaasadeed. *Qodobada quwaddaan saldhigga looga dhigay WAA kuwaan;
    1.Waxay caddeeyeen ula jeedadooda Midnimo Somali.
    2.Inay helaan TIRADA ugu badan ee shacabka Gobollada Waqooyi Galbeed ayyagoo adeegsana Warbaahinta & Saxiibkaa dhegta ugu sheeg.
    3.Awooddaan jadiidka waxay goosatay inaysan Dawladda Somalia xiriir toosa la yeelan ilaa ay ka helaan reer Waqooyi midaysan.
    ***Awooddaan maalin kasta sii ballaaranaysa Waxay si sahala u Tirtirtay damaqi Qabiil Maadaama ay maalin kasta ku soo biirayaan beelo kala abtirsiina; Isaaq, dhulbahante, warsangeli, Gadabuursi & Beelaha degaannadaa looga badanyahay. *Maamulkii Muuse Bixi wuxuu WAAYAY cid uu shacabka farta ugu fiiqo KALSOONIDI ciidankina wey yaraatay Maadaama ay saraakiil badani ka goosteen MARKAASAY masùuuliyiinti ku hareeraysnayd kula taliyeen Muuse inuu Waddankiisi 2baad Jabuuti aado Warbaahintana ku dhaho “usbuuc baan Jabuuti ku soo nasan” isna waa ka yeelay. *Madaxdi kale ee maamulkii Muuse Biixi oo wada jira waxay warbaahinta ka sheegeen inay hayàdaha; Militeriga, Boliska, Nabadsugidda & kuwa kalaba ay ammaanka magaalooyinka ay gacan bira ku qabtaan Dabadeedna lagu heeso WAABAA BERYAY. ***Madinimo igu kooban. WBT

  7. Kalahage says:

    Axmed s

    Galmudug ayaa darajo saraysa maxaa yeelay dawlada soomaliya ayaa aqoosan.

    Iyagu dhicaana ma jiraan dhinacanna ma jiraan.

    Aqoonsigii xamar yeelay ayey London u doonteen.

    Aragaannee intuu qaato.

  8. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Kalahage; “Galmudug ayaa darajo saraysa maxaa yeelay dawlada soomaliya ayaa aqoosan”. *Adeer waa runtaa 100%. WBT.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...