Muqdisho: Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo Haweenay Gacan u qaaday oo Xabsiga la dhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaalka la xidhay ayaa lagu magacaabayay Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqda muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

Muuqaalka baraha bulshada hareeyay ayaa ahaa mid ay si toos ah ama Live u soo gashay gabadha xilliga muranka u dhaxeeyay, waxaana sarkaalka xilligaas uu xirnaa dharka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Wiilkii Reer Mudug ee xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey +Jacaylkiisa [Dhegayso]
- Jan 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku ...
Daawo: Sheikh Kenyaawi iyo Ciidanka Booliska Somalia Wixii dhexmaray iyo Dardaaran uu siiyey Maanta [Muuqaal]
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana ...
Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...