SAWIRRO: Axmed Madobe Muxuu u tegay Afmadow iyo Ciidamo uu kusoo Bandhigay [Wararkii ugu dambeeyay]

Kismaayo ( Kalshaale )  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe ) ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan, Wuxuuna  sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeedhayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada Dagaalka Argagixisada lagu qaadi doono ayuu  hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deegamada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Wiil Ciise wuxuu yiri; “SAALA SAALÒ WALLE SAAKANA KA HARIN” Ahmed sammi godkuu kugu riday GAAS cidina kaama soo saari karto ee ka gabo gufaacada CIILMOOGE & CAGJAR. WBT

  2. Garqaad says:

    2 sano hor Reer gedo wexey jubaland axmed madoobe ku raacsanayeen xaq iyo baadil. Wey kasoo hor jedeen maamulkii villa somaliya. Maanta wexey kasoo hor jedaan Axmed madoobe. Jubaland wexey biliqeysteen madaxtoyadii gedo. Wexey tageersan yihiin villa somaliya. Calashaan farmaajo ayaa villada fadhiyo. Mareexaan sow ma muujin in ay yihiin qabyaaladda abohood?

    Hadaba wiilka ogaadeen ee maanta kismaayo joogo. maxaa didaayo in uu villa somaliya kasoo hor jeesto ilaa uu villada fadhiisto wiil ogaadeen?

    Wiilka habar gidir ee galmudug joogo maxaa didaayo in uu villa xamar kasoo hor jeesto ilaa uu villada fadhiisto igaar habar gidir?

    Somalidu malahan qadiyad aan qabyaalad iyo hunguri aheyn.

    Tolow mudulood goormeey qabyaaladda baran donaan.

    Adeerkeey faarax gololeey ayaa laga sheegay ilaahow imaanka naga qaad si. Aan Reer mudug wax ula qeybsano.

    Sacbiye yarisoow waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bedelaa ileen wuxuu soo hadal qaaday MAQAAMKA Reer muqdisho iyo hilitaanka xuquuqda ay leeyihiin.

    HATAGO TAANGIGA AMISOM MINAADAN TEGIN WEYGU TAAL.

  3. nuurkanederland says:

    NINKAANI WUXUU KU ITAALAY INUU. KISMAAYO KALIYA NABDEEYO & INUU YAREEYO QAYLADA SIYAASADEEED EE J/LAND GUDAHEEDA AH.
    LKN WAA RAGII LASOO SHAQEEYEY MAXAAKIIMTII!!!!.
    HA ILAAWIN DIGNIINTAYDII:-
    WHO REALY IS ISIS!!!!!??.
    I=ISRAELI
    S=SECRET
    I=INTELLIGENCE
    S=SERVICE.

  4. somalijecel says:

    ACWW:Akhyaarta waan idin salamayaa
    @GARQAAD waan ku salamayaa salaan sare arrimaha aad ka hadashay iyo arrinta Axmed madoobe(Been boode/Been daac)
    1-Awalan reer Gedo Axmed wey taageereen si kastaaba haku timaado balse aan u badaniyo inta aan xogta ka hayo qoor-ka qabasho Gabre/Afeey.Reer Gedo kama soo horjeedin villa markuu Xasan joogay laakiin duqa seedigay waa madaxweynihii ugu horeeyay oo Somaliyeed inta uu tago degmo dagaal ka jiro ankee aan dhihin ciidankii iyo shacabkii qoraxda u istaagay intaan biyo kuma caba ciidankana dhiiri galin ha u noqoto(Garbohaarey)sow ceeb ma ahan?
    2-Maamulka Jubaland ma ahayn mid ku yimid rabitaanka shacabka Jubaland waxaa keensaday Kenya/Ethiopia sidaa oo ay tahay caqliga in uu shaqeeyo waa wax fiican xukum iyo maamul Marexan uma ciil qabso sida ay ila tahay waxba degaannadooda yaanba looga qabane,balse sad bursigaan ila fiiri.
    A-Dastuurka Jubaland wuxuu qabaa degaan in wax lagu qaybsado 3 degmo oo Jubaland ahna ay yeeshaan MP ugu badan(Kismayo,Baardheere iyo B/Xaawo)tii ma dhicin.
    B-Heshiis hoosaad qabyaaladaysan oo Absame/Sade dhex maray wuxuu ahaa in Sade madaxweyne ku xigeen+wasiirka arrimaha gudaha duqa kismaayo ay qaataan taana ma dhicin.
    C-MP waxaa lagu helayaa oo kaliya dadka degan degmo hebel tusaale ahaan Jilib absame iyo daarood 1 qof kama joogo sidoo kale Jamame iyo Saakow absame jilib/jamame min 1 MP oo qasab ah ayay ku darsadeen Saakowna 2 MP FG:Ogow ankee qof daarood ah ma joogaan marka laga reebo qoysas itaaxdii ahaan jiray oo Marexan ah oo Saakow degan mana siiyeen MP waa illaa 20 qoys.
    D-Ciidankii Jubaldn waliba Kimsayo wuxuu noqday kaliya Absame sidee ciidankaa loogu kalsoonaan karaa?
    E-Wax kastaa oo lagu helo magaca maamulka ma soo dhaafaan Axmed iyo dhowr eey oo uu keensaday oo aan qaadka iyo qamriga ka kicin ayaa cuna.
    F-Waxaa heshiika ku jiray degmooyinkii Afey/Gabre ka reebeen MP in lasoo magacaabo sida Buurdhuubo/Ceelcade taa ma dhicin.
    G-Waxaa qorshuhu ahaa in Maamulada heer gobol degmo iyaga soo doortaan dadkii maamuli lahaa,waa loo sheeko xumeeyay haddii Gego oo ugu weyn Jubaland ugna dad badan ay sdaa yeelaan beel kastaa oo reer Jubaland ah sidaa ayay yeeli yaad xukuntaa marka?Axmed waxaa u cadaatay in ay u soo harayaan Afmadow Badhadhe iyo qayb Buaale ah tiina waa diiday.
    Waa suuro gal in dadka qaar ay Farmaajo ku taageeraan qabaail,laakiin is weydii kee noo roonaa Farmaajo iyo Xasan Sheekh?
    Xasan sheekh dawladiisii waxaan ku lahayn
    Wasiir A(Gaashaandhiga)2 Wasiir B-Maaliyada iyo mid kale 4 Agaasime guud.abaandulaha ciidanka,2 safiir.
    Faraamjo+1 wasiiro dawlo D- ah cadaalad.
    wasiir ku xigeen ma jiro,4tii agaasime 2 ayuu ka qaaday midna absame ayuu siiyay midna Hadame ayuu siiyay calaashaan madaxweynihii ayaan haysanaa NO PROBEM HADDII WALAAL SOMALIYEED KU QANCAYO.
    Inta mashaariic meelaha loo saxiixay Kamtamka caabudwaaq iyo jaamacadda caabudwaaq oo aan waxba laga qaban wax ay dadku iskood u qabsadeen mooyee.Sidaa oo ay tahay Marexan waa vicitim Ethiopia iyo Kenya,sababtoo ah Axmed ayay keeneen isagiina siduu caqligu qabay uma shaqayn
    Bal fiiri 34 agaasime ee Jubaland 29 waa Absame kkkk 25 ka mid ah waa ogadeen 20 ka mid ah waa reer Cabdule kkkk waana xaqiiq haba qaataane dad wax wadi karaa waa laga waayay.
    Arinta maqaamka Muqdisho,kkkk sx meesha ka sareysa ee la gaarsiin lahaa waa halkee?caasimaddii ummadda Somaliyeed waxaan filayay in aad intaa ka koreyso,mise maqaamka waxaad ka waddaa MP halgu helo?haddii ta danbe ay tahay waxaan qabaa in ay tahay arrin aan fiicnayn haddii MP ay noqdaan reer gaar ah Muqdisho waxaa ay luminee wax badan oo ay ku hesho magaca caasimada, dadka Muqdisho(Hawiye waliba Abgaal)mayor kaliya ayaan dhihi lahaa ha ku qancaan sababoo ah Muqdisho waa wada leenahay ha noqon abtiyaashay shalay iyakoo qori dhabarka ku wata soo galay Muqdisho haddana leh Muqdisho ankaa iska leh waa fool xumo aragtidayda dal aan lahayn caasimad ma jiro caasimadna waa sypol oo dal leeyahay lama kala lahan ma ahan tuulooyinka yaryar ah oo kale Muqdisho ma ahan Ceeldheer cabudwaaq kismayo garawe etc.kor haloo kaco.

    Axmed anigu taageere ayaan u ahaa laakiin markuu Absame la shiray oo yiri dagaal sokeeye ayaan bilabayaa Marexan ayaa duulaan igu ah ayaan ka haray qofna qabiil kuma taageerayo Farmaajo ma ahan Marexan.Marexan ma ahan Farmaajo ciidanka dawlada qolo kastaa ayaa ku jirta ninka Gedo ciidanka uga ababaulaayo waa Maxamuud sayid iyo Cabdirashid janan(cayaalkii Gabre)maxaan dhahnaa marka iyagu yay yihiin?




Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...