Madaxwayne Siciid DENI oo ka Qayb galay Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada, Maxaase laga hadlay (Daawo)

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiiradda Puntland, iyadoo uu wehliyo madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee la doortay Axmed Cilmi Cismaan, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo kala wareegi lahaa.

Deni ayaa si deg deg ah u faray wasiirrada, guddoomiyaasha gobollada iyo agaasimayaasha guud inay dib ugu noqdaan shaqadda, si loo dardar-galiyo howlihii dowladda ay u haysay shacabka.

Madaxwayne deni ayaa xusay inuu Dhamaaday Wakhtigii ololaha iyo kala qaybsanaanta, loona gudbay wadajir, wada socod iyo shaqada dowladda. Sidoo kale waxa uu ka digay inan laga faa’ideysan waqtiga kala guurka, isagoo hay’adaha ammaanka iyo shacabka ka dalbaday in la ilaaliyo amniga guud iyo dowladnimadda

Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub oo bedelaya wasiirada hadda shaqeeya.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Land of Punt says:

    Puntland gob gob dhashay…
    Gaas oo kursiga uga durkay Deni.
    Waxaas ayaa kala dambayn lagaa yiraadaa.
    I will always love dr.Gaas
    Vivo Dhulka Uduga, beeyada iyo fooxa.
    I am proud to be Puntlander
    💝

  2. Land of Punt says:

    Siciid Deni, you get good start in Puntland
    Shaqo fiican u qabo Puntland ama in daanyeer tahay lagu ogaan sanad gudahiis.
    Do your job.. Or fuck off!




Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...