Eng. Yariisow oo markii u horeysay ka hadlay arrinta Maqaamka Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid lahaayene gobolada kale ee dalka.

Eng. Yariisow ayaa la hadlay shacabka degmada Yaaqshiid, isagoo markii u horeysay soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan weli cadeyn, isla markaana ka jiro muran siyaasadeed.

“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xuquuqda Gobolada kale ay heleen oo kale ay heli doonto Muqdisho, isla markaana taas ku imaan doonto wadajirka iyo midnimada dadka reer Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Garqaad says:

    Waa in la ceyriyaa haduuba soo hadal qaaday Maqaamkii muqdisho iyo xuquuqda reer muqdisho.

  2. nuurkanederland says:

    MUQDISHO WAA CAASIMADII SOMALIYA.LKN INTA ODEY XAAD IWM AY LEEYIHIIN ANAGAA LEH MUQDISHO SIDAASAY AHAANEE MAQAAMKEEDUA MADAXTOOYADA UUN BAY TOOS UHOOS TEGI.KII SHALAY DADKA KU DILAYEY MUQDISHO BAA MAANTANA LASOO TAAGAN ANAGAA LEH.HADEER MUQDISHO LOOMA SAMAYN KARO MAQAAM SIYAASADEED ILAA AY DADKEEDU KA BISLAANAYAAN,OO AY FAHMAYAAN MUQDISHO INAYSAN AHAYN MAGAALO QABIIL LEEYAHAY.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWISH.
    I.S.I.S=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS MADE IN ISRAELI(SUICIDE PROJECT & ISRAELIAN MISSIONERY= ELLIOTE SHIMON GROUPS,FUCK YOUR SELF.

  3. Land of Punt says:

    Xamar beel iskama sharixi karto xildhibaan ahaan, laakiin shacabka Mugadishu dega marka wax doonanayaan degmo walba gobolka Banadir ninka rabaan dooran.
    Waxa la isku haysto waa in kusoo galo golaha shacabka iyo golaha sare in qabiil ahaan u leeyihiin.
    Ma fahamteen farqiqa.
    Macnaha Xamar qabiil malaha lakiin degaanka waa lagu kala badan yahay…
    Xamar haddii qabiil sheegto caasumad Somali ma noqon karto…
    Waa Noirobi oo Kikuuyo sheegatay ama Addis Abeba oo Oromo sheegatay ama Asmara oo Tigrey sheegtay……..
    Maxaa la isku murmin..
    Aniga yaan Baraxley la iisoo dhaafin… Banadir hadaan MJ nahay waan ka tashanay, Somalinimo diyaar…hadaad sheegataan dee qaata aniga iigama duwana Cadaado, Dhuusamareeb, Burco, Baydhaba iyo Hargeysa oo beelo degaan…oo dad gooni leeyahay..
    Mideeda kale aniga oo nool Reer Mataan Balcad ayaa ugu socaysay, Daauud waxaa ugu socaysay Adan Yabaal…..!
    Xamar.. Siciid Barqash ragiisa, Cadcad, mushunguli..
    Waagii Cali Yusuf Lacag yar uga gatay, Talyani yimid, rest is history…
    Maxaad ku sheegan Xamar ma guryaha kuyaal ayaad dhisatay mise dadka qabuuraha Xamar ku xabaalan ayaa awoow kuu ah??????
    Allow run u hiili…
    Ku habso.com

    😮
    Dee in Puntland u tasho oo isku filnaado igu dhiira gelin..

  4. Land of Punt says:

    Car caawa ragga Yariisow ku jiro oo maha unukaa leh ku haya; kkkkkkkk hala waydiiyo meesha aabihiis iyo awoowgiis ku dhasheen? Adan-Yabaal kama soconayso, aniga markaan yaraa dadka Xamar dega lahajad gooni lahaayeen.. Reer Bari= Ari Boowe, reer Xamar Aboowe..etc.
    Xaayow iyo Xiimaay u niqiin oo kuma jirin ciyaalka wada ciyaarno.
    Meesha awoowgaa ku xabaalan yahay ayaad u dhalatay..
    Qabuurihii Hindiga ee Waliyow-Cadde ku yaalay ayaa ka badan inta Abgaal ku leeyahay 90 sano ka hor..
    Hawiye kale ilow..kkkkkkkk
    Dee qaata Xamar, yaa idiin soo socdo haddii Bossaso deeqa dhisan oo nolol ka samaysanwaayo…..maha unukaa leh i dheh oo ii diid, maalintaas adiga ayaa leh!
    😜

  5. Land of Punt says:

    Gobolo u diyaar ayaa jira in Caasumad noqdaan ogol meeqaam u gaar ah caasumadda, cidna ka sheegan doonin.
    Ragga maha anukaa leh, ku haya oo gobolada dhexe kasoo haajiray, sida Murursade, Habargidir, Mudulood, Sheekhaal.. Kuli hadda Xamar ku habsaday oo in Somali ka dhaxayso ogolayn..
    Dee haloo daayo….
    Walaan Hargeysa, Bossaso, Kismaayo, iyo Baydhabo etc.. Cidna kusoo hiranayn in caasumadiisii tahay ayadoo sida Garoowe iyo Cadaado iyo Dhuusamareb, Burco iyo Laascaanood beel sheeganayso.
    Maha unukaa leh, xoogaa aqli ku dara: sidee ku yeelayay?
    Ma guryahaad leedahay ku dhisan mise awoowgaa ayaa ku xabaalan oo qabrigiisii difaacaysaa?
    Good quetion to answer!!!!😮




Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...