MUUQAAL: Madaxwayne Siciid DENi “Mashruuca Soomaliland waa mid khaldan, wayna soo Xad-gudbeen”

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi DENI oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay ineysan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhaleed, Balse iyaga lagu soo xadgudbay.

Siciid Deni wuxuu sheegay ineysan Dhulka maqan ee Puntland gor-gortan kala galeyn Maamulka Somaliland, Kana yeeli doonin in lagu andacoodo Xaduudkii Wakhtigii Gumeystaha Ingiriiska.

” Hadii Somaliland Noqotay Ingiriis, Anagu ma nihin Talyaani, Mashruuca Somaliland way mid khaldan, Khilaaf nooma dhexeeyo, ee way soo Xad-gudbeen Halkoodi haku Noqdaan “

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA UU SIIYEY BBC-SOOMALI

Arinta Fedraalka ayuu balan qaaday inuu isugu ka shaqeyn doono sidi loo dhisi lahaa Dowlad Fedraal ah oo sal adag.

“Anigu waxaan Rabaa inay horumarto Dawladda dhexe, waxaa hada lagu jiraa Marxalad Dib u dhis, Khilaaf ma jiro anigu waxaan ka shaqaynayaa dhismaha Dawlad soomaaliyeed oo sal-adag”.

Mar la weydiiyay Golaha iskaashiga Maamul goboleedyadu ayuu sheegay inuusan dastuurku diideen in Gole la dhisto wixii ay maamuladu xaq u leeyihiina Ku dhaqmayaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (23)

  1. Kalahage says:

    Odaygu malaha suaashii aan bogga hoose ku qorey buu arkay oo uu ka jawaabayey.

  2. Aarka hargaysa says:

    Faanbadanaa waar hortaa jiraba heliwaa ee yaan adna yoocada lagaa faramarojin kkkkkkkkkkkkk kkkkkkk

  3. cabdi yare says:

    waar sokaa wadadii gaas maray waxa wacan in u xaqiqada indhaha ka, qarsan

  4. Idoor liqe says:

    Ereyga Mashruuc , anigu snm waligay baan u aqaanay . Snm waa Mashruuc dhamaanaya (an ending project)

    Xuduudaha puntland ma aha mid marnaba Gorgortan lala Galayo. Caqligu na siinmaayo wiil ka yimid Gabilay iyo hargiesa inuu ku soo xadgudbo xuduudahayga !!!!!!!

  5. Zaki says:

    Hayska hadlo,lkn Horaa loo Soconayaa oo Yoocade ayaa lagu ruqaansanayaa.
    Kkk
    Ciidamada Puntland Ee ku sugan Jiida Hore Dagaalka ayaa Goordhaweyd Ka Baxay Jiida Hore Tukaraq.
    Ka Bixitaanka ciidankan Ee jiida waxaa ka hadlay General Asad Diyaano oo qoraalkan Hoose Soo Dhigay Bartu ku leeyahay Facebook.
    ‘Waxaan si xushmadi kujirto uga codsanayaa Ciidanka Difaaca Puntland ee kasoo baxay Furimaha Cadowga ay ku hor fadhiyeen Inay ku laabtaan Xarumahoodii hore wixii tabasho ama Sheegasho ah Waa lagala hadlayaa lagana qancin doonaa.
    ‘Dalka inagaa leh madaxweyne walba oo yimaadana asagaa Hogaaminaya waajibna tahay in lala shaqeeyo, walaalayaal Guud Ahaan Ciidanka Difaaca Waxaan leeyahay haddii Qofkaa Taageerada u ahaydeen ama Masiirka dalka samatabixintiisa u arkayseen aan La dooran maahan inaa Cadowga aad hor taagnaydeen kahor wareegtaan.‘Waxaan rajaynayaa inaan Kulan deg deg ah La qaato Ciidanka Soo baneeyey Furimaha dagaalada Isla markaasna tabashadooda dhagaysano, Sidoo kale Dowladda Puntland Iyo madaxweynaha Cusub Waa muhiim Inay dhagaystaan Ciidanka Sheegashadooda.
    Kkk
    Is daad raacin buu wadaa ee waxba meesha kuma hayo.

  6. Garqaad says:

    Bahdilkii lagu sameeyay cali ciise. Waa in ay dhulbaante kuwooda wax galka ah ka jawabaan. Soona xiraan xuduudkii woqooyi.

    Hadalku meel loo dhinto ayuu leeyahay dhulbahaante waa in ay wax la qeybsadaan hargeysa.

    Waa sidaan anigu yeeli lahaa.

    Daroodnimo ma sheqeyso wax jirana maaha. Waayoo hadeey sheqeyso madaxweyne farmaajo ayaa difaaci lahaa abtiyaashii tolkii. Markeey caawin weydiisteen albaabka ayuu ka xirtay wuxuu ugu jawaabay halkaan daroodnimo kuma imaan. Wax darood ah oo wax igu soo kordhiyana majiraan. Sorry

    Hartnimo ma sheqeyso waa la ogaa wixii garoowe ka dhacay. Cali ciise waxaa lagu reebay halka kobaha lagu siibto.

    Dhulbaante sharaftoodu wexey ku jirtaa iyagoo hargeysa wax la qeybsado oo isku dayo in ay hargeysa xukumaan. Iskana dayaan waxaan la yiraa daroodnimada ee beenta ah. Markaa kadib wax loo raadiyo. Woqooyi iyo koofur.

    Ninka pudland xukumo waa cusmaan maxamuud waxaa adeer u ah jaamac cali jaamac wuu ogyahay markii harti iskugu tegay adeerkii oo loo baacsanayay xamar ayaa laga soo diray halkii uu ku badbaaday waa dhul somaliland. Marka weligiin haka suginina in uu Somaliland dagaal iska daaye xitaa uu xagooda fiiriyo.

    Somaliland. Baarka ayey farta ku hayeen doorashadii pudland waayoo wexey ka baqayeen in la doorto cali ciise. Laakiin markii cali ciise la bahdilay wey guuleysteen.

    Xamar iyo somaliweyn wey niyad jabeen.

  7. Aarka hargaysa says:

    Garqaad ma waxay kulatahay in hadii cali ladoran lahaa in wax is badali lahayeen warla aan ayaa kuhaysa sxb xaqiiqada wajah sxb calaad sheegtee bal puntland oo dhan wada dhulbahante dorataa walaahi in garoowe laga qaxi

  8. Garqaad says:

    Aarka hargeysa.

    Awoowe ma jiro qof somali ah oo dhul uusan laheyn xoog ku haysan karo. Ilaa ay ka hagayaan la jiraan dadka degaankaas.

    Hadii dhulos loo dooran lahaa pudland. Dad badan oo xagiina idinka ka caawiyay halka aad joogtaan ayaad weyn laheydeen.

    Dhulbahaante intiisa taladu ka go.ado wexey la jiraan Somaliland. Wexey aaminsan yihiin pudland in ay tahay maamul qabiilka maxamuud salebaan. Madaama ay hoos fadhiisan lahayen dad aan ka badneyn kana tayo badneyn wexey door bideen in ay dhulkooda Somaliland kula heshiyan wuxuu u gooyana ay sharaf ku qataan. Hadiise pudland loo dhiibi lahaa waxaa meesha ka bixi lahaa fikirkaas waxaad la kulmi laheeydeen culees keeni karo xitaa in aad dib u gurataan. Laakiin maanta guul ayaad joogtaan.

    Hadaad aaminsan tahay in aad awood kaligaa ah sool iyo sanaag ku joogto waad lunsan tahay.

    Tukaraq waxaa tegay Somaliland lawada leeyahay oo dhulbahaante hogaaminaayo.

    Hadaadan taas aaminin riwaayad ayaad isu sheegtay.

  9. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Ama bilaa Caqli baad tahay ama dadka reer puntland baad isku direysa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Caqligaaga baad hadashay uun kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Madaxweyne Farmaajo iyo dowlada dhexe in ay qabiilo Somaliya Degan la kala safato wax macquul ah ma aha.

    Arinta Ali Ciise Abdi aniguna ma doorteen , sababo jiro awgeed .

    Puntland qabiil wax ma doorto , ee 66 xildhibaan baa wax doorta , 66 xildhibaana Majeerteen ma aha . Simple .

  10. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Beenawaas baad tahay . Dhulbahante noo sheeg cida taladu ka godo oo hargiesa jooga ???

    Aan aheyn afar xabagale indho indho , Ina Cali Koore iyo Ina duaale qambi oo waligiiba Hargiesa degana .

    Talada waxay ka goada isimada , waxayna joogaan Garoowe . Hadii snm ay rabaan isimadii Laascanood bay Tagi la ahayeen.

    Hargiesa afar xabagale oo maandooriyaha jaadka cuna baa jooga , kuwaasna Xataa Caruurtooda masuul kama aha .

  11. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Hadii puntland noqotay maxamuud saleebaan , snm iyaduna maxay noqon ? Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Bahal bilaa caqli ah baad tahay walahay .

    Ninka dhahay Farmaajo qabiil qabiil
    Kale Somaliya Degan ha uga Hiiliyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Adeer noocii dalka naga Burburiyey baad tahay . Awoodaadiina Comments bay noqotay . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. Idoor liqe says:

    Hadii aanu rabno snm markii la dhisayey baanu tagi la aheyn !!!!!!!!!!

    Lkn aasaaskii puntland 01/08/ 1998 , isimadii Dhulbahante waa joogeen . Taasi macnaheedu waxaa weeye puntland anakaa leh .

    Puntland khaladway sameysay oo cadow bay dhulkii ku sii daysay . Lkn waa la saxaya khaladadkii dhacay . Dadka deegaanka iyo dowlada puntland baa dhulka cadowga ka saaraya insha allah .

    Rabitaanka shacabka lama Celinkaro

  13. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Sxb anoo laascanood ku dhashay oo ku koray inaad comments wixii caqligaaga ku jira I sheegtid dee ma aha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Anigu burburkii dalka ka dib wax dowlad la dhaho , waxaan arkay dowlada puntland kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Waligey Laascanood Habeen baa lay xidhay waxaana I xidhay dowlada puntland . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Waxaa naloo sheegay markii nala sii dayaayey , Hadii Mardanbe laydin soo qabto in Garoowe laydin gudbin doono kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. Garqaad says:

    Idoor liqe.

    Dalku waa woqooyi iyo koofur. Aarka hargeysa ayaan kala hadlayaa waxaan woqooyi uga baahdo. Ileen adigu ma jirto meel wax lagaa weydiiyo.

    Farmaajo haduu qabiiliste yahay iyo haduusan aheyn adiga waxba kaama galaan waxna lagaa weydiin maayo. Wuxuu xukumaa banaadir state.

    Hadeey noqoto dhulbaante in aan wax weydiiyo. Khaatumo cali galaydh ayaan weydinayaa.

    Inta aad meesha lasoo istaagi lahayd dowladda pudland ayaa dalka xureyneyso in aad iska aamusto ayaa laguu qaatay.

  15. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Kkkkkkk dee Farmaajo haduu Banaadir state xukumo soo adigii dhahay Hargiesa iyo burco ha ku duulo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Bal adba !!!!!! Cajiib

  16. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Ma xuma , aarka Hargiesa waad kala hadlikarta arimaha waqooyi Galbeed Somaliya (hargiesa /Burco) . Muwaadinkasta oo Somaliya u dhashay xaq buu u leeyahay in fakerkiisa la dhageysto. Lkn ku laabanmayno wixii 1991 kii dalkeena Soo maray.

    Ciidamada dowlada puntland kuma xadgubikaran , dhul isaaq leeyahay , sidoo kalena anaka waa in ay noo xushmeyaan .hadii taasi dhiciwaydo xaq baanu u leeyahay inaan is difaaco oo dhulkeyga la saarno cadowga !!!!!!

  17. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Sxb Somaliya dagaal sokeeye galimeyso Mardanbe . Snmna xuduudkeeda baanu ku celineyna . Puntland xuduud bay leedahay . Lolz

    Ciidamada dalkeena Somaliya hal xabad ku ridimaayaan muwaadin Jamuuriyada Somaliya u dhashay ( haduusan aheyn SOMALIYA-DIID) khatar ku ah Jiritaanka JAMUURIYADA barakeysan ee Somaliya . Taas macnaheedu ma aha isaaq oo dhan dalkooda Somaliya bay neceb yihiin . Waxaa jira shakhsiyaad isaaq ah oo dowladnimada qaranka Somaliya diidan , kaligoodna ma Xataa koonfur iyo puntland bay joogaan dad dowladnimada iyo qarankeena diidan. Lkn kuwaas labo mid weeye in la Toogto iyo in dalka isaga cararaan simple … qarankan Somaliya Bilaash kuma iman sxb .

  18. Garqaad says:

    Xuduudka aad shegeyso yaa xureynaayo?

    War ileen annagaa wax aragnay.

    Hadaad talo iga maqleyso xaqaaga hargeysa u doono.

    Barlmaanka Somaliland adigaa xukumo.

    Wasiirkii arimaha dibadda waa adiga.

    Isku day next doorasho in aad hargeysa xukunto.

    Dowladda xamar joogto. Somaliya ma xukunto ee wexey xukuntaa banaadir state.

  19. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Sxb hadad soo dhawaatay kkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Xoreynta dhulka waxaa waajib ku yahay dadka Deegaanka iyo Dowlada puntland . Hada Garoowe waxaa jooga dhamaan isimadii Sool , Sanaag Iyo Cayn . Taas macnaheedu waxaa weeye in la tashado oo Beelwalba Ciidan keento . Laguna daro Ciidanka dowlada puntland .

    Wasiir hargiesa , waxaa ka horeeya inaan isku mowqif nahay . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  20. Idoor liqe says:

    Garqaad

    Aniga kaliya waxaan kugu jawaabay , inaadan been sheegin , oo aadan Been ka sheegin Muwaadinka Laascanood ku dhashay ama ku nool sideyda ee aaminsan Qarankeena Somaliya , iyo dowlada puntland .

  21. Ahmed Najaad says:

    Idoorliqe
    Garqaad iyo dabahid
    Waa niman xanuun la yiraahdo puntland la il daran.
    Kulahaa dhulbahante pubtland wax kuma haysto.
    Oo haddaa ma somaliland bay wax ku haystaan?
    Waligood kuwa jooga madaxwayne ku xigeen xitaa ma noqdeen?

  22. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Doorashadi ka dhacday Puntland KA hadlimaayo inti fiicnayd ee WAXAAN doonaya inaan daloolada ka soo baxay CUFEEYO Taaso ah CUQUUBADA loo yeertay ee ah in XAQQI haweenka la biliqaystay NIN abwaanahaa AUNTE C. Dhuulle ayyaa yiri; “NABSIGAAD GASHA WAA DAMBUU KUGU GADUUTAAYE +INTAA WAA KU DABA GAAMBIYA GAARNA KAA YAHAYE +GABASHUU MARKAA KUGU HELA KUNA GAADAAYE+ WAXAAD GEYSATU KAA GUDA GOOR IYO AYYAANE”. *HADDA iyo Dan Somaliyey siiba WAQWAQLA YAASHA Barxadda Kalshaale ka booda oon kow ka ahay WAA inaan u hiillina gabdhahaa Xaqqoodi la bililiqaystay. *Sidee baan ugu hiilli karna? WAA inaan 20tan 20tan $ iska uruurina Beeldaaje C/Raxmaana qasnadi ka dhigano. *Ciddi kale oo Somalinimadu ka dhabtahayna ee shaloonkadaa ka qayb galaysana aan u MAHADINO. *Tani waa soo jeedintayda. WBT

  23. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Waxaan arki jiray HOOYOOYINKEN oo AAGAAN weyn duudka u saarantahay oo la daala dhaca MAANTA laga dar oo MJ baa yiri; “Aagaanta kuu saaran Biyo AAD cabto kama shuba kartid. *ALLAAH amar ku taaglayntu WEYNA. *Waxaan ka codsana SALAADIINTA Puntland inay Xaqdarradaa daaweeyaan. *War waxa laga hadla MA AHA shaqsiyaad la xaqiray ee waa DIINTI oo laga booday. WBT.




Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...
Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa helay, Kana hadlay Shirqoolkii uu ka badbaaday + Kulankii Mustafe Cagjar
- Jan 21, 2019
Jigjiga  ( kalshaale ) Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin ...