Taliyihii Qeybt 12 April ee Ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay Qarax

Muqdisho ( Kalshaale ) Faaf-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax Miino oo ka dhacay ka dhacay deegaanka Dhadhaane ee gobolka Shabeellaha Hoose oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka wadada Xeebta

Wararka ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay qaraxa, Kadib markii Kolonyo uu la socday Taliyaha lala eegtay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Jen Cumar Dheere ayaa dowladdii KMG aheyd wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka, Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Cadaado says:

    Ninkaan Generalka laleeyahay, wax uu horay uGu qabto shacabka Somaliyeed iska daa’ee, xataa naftiisa ayuu amnigeeda sugi waayay. Ileeyn markii horeba qalad iyo daanyeernimo ayaa General la’iskaga magacaabay.

    Bal caqlixumadaas arka, jidka uu kusocda, xataa ka leexleexo, iyo si’aanan la fahmi karrin, oo qarsoodi ah u soco. Waxyaabahaan waa caqli iyo maskax Ilaaheey dadka siiyo, iyo tababar lagu sii darro.

    Daanyeer kastaba oo xataa amnigiisa sugi karrin ayaa Generallo ah, 16 sanno kabadan, wax ciidan eey sameeyeen majirto. Xataa 500 oo askari oo nadiif ah majirto ilaa iyo dowladii uu hogaaminayay Cabdiqaasim ilaa iyo tan hadeer iyo waxii u dhaxeeyay.

    Waa kaas daanyeernimada marka eey umadda horboodayaan nijaaso daanyeero ah, oo aanan wax caqli ah laheeyn. Iyo shacab iyagaas kasii caqli xun. Finish, waa meel eber ah.

    Shariciyo iyo doorasho, iyo blah blah, iyo bulshit ayeey ka hadlaan maalin kasta. Waa dad nacasyaal wada ah. Aduunka waa uu fiirsanayaa, oo isha ayuu ka qoslayaa.

    Dhiinaca kale, mafia camal, ayeey argagixisada alshabaab iyo kuwaan kale ee ISIS isku sheega, oo qabiilo ahaan u abaabulan, waxeey iska daldashaan daanyeerta Xamar joogta ee cawaanta ah, ee lacagta dabadda gashta, ayeey baad iyo handadaad iyo dil iskugu darraan.

    Umadda marka eey daanyeero tahay, sida ayeey nolosha ku dhameeysan. Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. mohamed abdi jama says:

    Maalinta 12 04 1957kii ama 12 april waa maalintii ingiriisku u sameeyey ciidanka xoogga qaranka jam somland ? Sii ay hore u yeeshay yaan loo nicin 12 apriloo maalinta ciidanka qaranka jam somland ay leedahay ee yaala qaramada midoobay ha tuurina maalintan jam ssomlandeey ee u xusa sida 26 06 1960kii oo maalin taariikhiya ay oo ay xorowday jam somland? Yaan jaahilnimadu inagu badanin waxaynu leenahay ee qaramada midoobay inoo yaal yaan xamar ama soomaaliya loo nicin

  3. mohamed abdi jama says:

    Somaliya iyadoon xaq u lahayn ciidan milatari iyo saanad ciidanba waxay kaga baxday 12 april oo jam somland u ogolaanaysay awood ciidan oo ingiriisku inoo sameeyey tan kale ee iyana soomaliya kaga baxday qoqobkii kambaniyada caalamka inaay heshiisla geli karin keenii jam somland bay kaga baxday adeer indhaha fura oo talada qaata madaxda jam somld ? Todoba7 sano ayaan guruubkii aaffo lahaa waar xusa 26 06 1960kii waa taariikh u gaara jam somland dhegeey jalaq xasad iyo hinaase iyo aqoondarro awgeed mr biixi markaan wep site kan kalshaalle ugu qoray wuu qaatay wuuna xusay dib u waydiiya oo baadha wep site kan kalshaale ninkii beenmoodayoow adeer waan ku farxay aduunkiina way isu soo keen taageen xusidii 26 06 1960kii ururiyaxogta dhabta ah ee ay ku faaiidayso taariikhna ay u leedahay jam somland

  4. mohamed abdi jama says:

    Haddii madaxda jam spmland beentay u haysato waydiiya dawlada ingiriiska ama qaramada midoobay adeer been idiin qorimaayo sida reer xamarka ? Haday beentay noqotana qof kasta oo jam somlnd u dhashay wiil iyo gabadhba haysoo naclado haday beentay noqoto adeer soomaaliya waxay inoo daba socotaa waa diin qolofkii laga qaaday sidaasaana u ah abadiyan qolpf la’aantaa inshaallah

  5. mohamed abdi jama says:

    12 april waxaan filayaa 1947kii iyo ka inay ahayd waan baadi dooni ama kasii horaysay




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...