Muuqaal: Jilayaasha Maraykanka ugu Caansan oo Filim ka samaynaya dilkii Wariye Khashoji, kana degay Istanbul

Istanbul ( Kalshaale) Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu filim ka sameeyo dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul dalka Turkiga horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Sean Penn oo ay weheliyaan koox ka kooban toban ruux oo ay ka mid yihiin ilaalo gaar ah ayaa lagu arkay iyagoo jooga afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu.

Sidoo kale jilaaga ayaa lagu arkay afaafka hore ee dhismaha uu ka degenaa magaalada Istanbul qunsulka Sacudi Carabiya.

Jilaaga ayaa lagu wadaa in uu la kulmo gabadhii u doonayay inuu guursado Khashoggi ee Hatice Cengiz sida laga soo xigtey wargeys taageera dowlada Turkiga .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA 

Penn ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee socda uu aflaam ka sameeyay, waxana lagu xusuustaa isaga iyo aktarada Mexican-Americanka ah ee Kate del Castillo markii ay wareysi ka qaadeen ninka caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman weliba xilli la baadigoobayay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...