MUUQAAL: Faarax Macalin oo Wariye Isku Bedalay, Barnaamij uu ka Qaban Doono TV Caalami ah, Waxa uu yahay

Garoowe  ( Kalshaale )  Siyaasiga Reer Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa kasoo muuqday muuqaal xayaysiin u ah barnaamij uu ka qaban doono mid kamid ah Taleefishinnada ku yaala dalka Kenya.

Intii u dhaxeysa 2007 ilaa 2013 Wuxuu Faarax Macalin ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad kaga hadlayay arimaha gobolka.

Muuqaalka uu kasoo muuqday Siyaasiga dadka hadal hayaan inuu wariye isku badalay, ayaa wuxuu ku sheegay inuu kaga hadli doono xaaladaha ka jira dalka Kenya gaar ahaan Sharci dajinta iyo dhaqaalaha.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Kadib wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay inuusan isaga isku badalin wariye balse uu doonayo in barnaamijkaasi uu ka qabtaa mid kamid ah TV-yada dalka Kenya si loo taxliiliyo xaaladaha dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO FAARAX MACALIN

”Maya anigu wariye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada dooda ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo wariyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Faarax Macallin.

”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigi ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. gaafaw says:

    beelkasta shaqsi xun ayuu leeyahay kan beesha absame kanbaa ugu xun

  2. Dabshid says:

    Faarax iska imow Goof Hiraab, sida Ducaale ma taqaanid sida loo Caseeyo Kabaha Gumeystaha Madow.

    Dhiig Ceyr ayaa ku jiro Dabo-qoodhi nadiif ah ma noqonkaro.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...