Madaxwayne FARMAAJO oo ka hadlay Qaraxii Miino ee lagu dilay Saraakiisha

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (11)

  1. Cadaado says:

    Jaale Madaxweeyne daanyeernimada inta aad joojisid dadka runta u sheeg. Sow ma’ogid beenta in eey xaaraan tahay? Sidee beey labadaan nin iyo askarta kale ee dhimatay naftooda uGu hureen dalka iyo dadka Somaliyeed? Wax guul ah oo eey sameeyeen, amaba kusoo kordhiyeen amniga Mogadisho iyo Koonfurta Somaliyeed miyaa jirta? Meel eey kula dagaalameen ciidanka dowladda argagixisada alshbaab, kana saareen, siina joogeen ciidankaan daanyeerada ah ee Somaliyeed miyaa jirta?

    Qof xataa naftiisa sugi waayay, naf kale iyo shacab amnigooda ma sugi karro. Si nafta dadka loo sugana, waa in si geesinimo ah loola dagaalamaa argagixisadda alshbaab. Taasna ma dhicin 16 sanno oo ciidan been ah oo mooryaan ah la malmaluuqayay. Fashilka uGu weeyna maahan ciidankaas ee waa dadka hogaamiyayaasha ah iyo madaxda dowladda dhexe, oo aad adiga hadeer kow katahay jaale madaxweeyne.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. narsa says:

    bal ninkan bacalwaan eega siduu ugu dhameyey M WAYNIHII VILA XAMAR
    KULAHAA MADAXDA SOMALIYA LOOGAMA OGOLA TACSI WAAYO WAXA LA WAAYAA CAAWIMADII caalamka farmajo wuxuu yiri waa nabad dalku intaan imi ama 10 ama 100 aday kuu taal ALLU AKBAR

    http://kalshaale.ca/2018/12/06/madaxwayne-farmaajo-oo-ka-hadlay-qaraxii-miino-ee-lagu-dilay-saraakiisha/

  3. Land of Punt says:

    Meesha waxaa qarxiya..8 kooxood oo dagaalka.
    1. Qolo cadow neceb Somali oo in Somalia degin raba.
    2. Cadowga kuwo la shaqeeya oo contract ka qaadatay.
    3. Mooryaan dagaalka ku taajiray oo in nabad dhacdo rabin iyo dowlad timaad oo bililiqo waardiyeysta.
    4. Mafia caadi ah oo ninka Lacag siin waaya dila.
    5.Alshabaab oo aan diin shaqo ku lahayn contract ka qaata ninka dirsada, waana wiilal yaryar, marka la qabto 100 dolar la isiiyey yiraada, markii horena naag la kufsaday laga dhalay oo dagaaladii ka dib dhashay.
    6. World politics oo Somali la isku haysto Somalia, Qadar, Emitares, Sauudi, Turki, Europe. USA iyo wadamada deriska oo qoloba kuwo taageerto oo islugoynaya marmar isqaarijiya.
    Amisom oo in baxdo rabin, inta Amisom jirto Musazeni waa joogin oo dagaal ku jiraa oran, askar dolar wadata u dirin cidda dalkiisa mucaarad ku ah, hubna lagu siiyo.
    8. Dad walaal oo dagaalada ku waashay oo hub iska sita oo qof jid maraya xabad isaga dhufan, mid la qabtay oo la yiri, maxaad ninkaan ku dishay kuye: Anaguu shaar qurux badan noo gashaday.
    Yaab.. Qaar kale jiraan.
    This will take long time, daanyeertaan Khayre iyo Farmaajo intay howlahaan wax ka qaban lahayeen oo ciidan dhisi lahaayeen ku mashquulsan, Sakiin, Madoobe iyo Gaas shaarubaha dhulka ugu xir.
    😕😞
    Isma weydiiyaan hadday baxaan madaxda maamul goboleedka maxaa ku xiga!

  4. Mr BaHaL says:

    https://youtu.be/dv19oRNT54w

    Raxanwayntu aadbay ugu dhawyihiin Canfarta iyo dadyoow badan oo dhinaca Ethopiya innaga xiga.Gaar ahaan dadka yidhaa Agew-ga.

    Si kastaba dhaqan quto dheer lama laha Ugaadhsatada.

    Bal ku yara nasta ciyaartan

    Dalmida

  5. Garqaad says:

    Mr bahal.
    Kkkkkkk.

    War ninyohoow mexno ayaad tahay. Waxaad jeceshahay dhaqanka tulooyinka Somalida dhan in aad barato.

    Samaroon ka yimid boorame ee hadana jecel in uu barto tuulo kasto oo Somaliya ah waxa yaalo adigaa iigu horeeyo. Inkastoon leeyahay asxaab badan oo Reer boorame ah.

    Ciyaartaan waan ka helay.

  6. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Sxb,waan badhaa dhaqadama Somalida ee degmooyimnka kala duwan iyo waliba dadyoowga inagu xeeran.

    Dalmida

  7. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Laalays, Rooble & sOmalilander oo wada socda ayyaa soo agmaray mid reer Wanlaweyna & 3Gaala oo Dagaalama. *Wiilka reer Wanlaweyn wejigiiso dhan waa bararsanyahay, isha bidxe korkeedana wax yar oo dillaaca baa ka garay. *Roobla yiri WAAR wiilku waa Somali. *sOmalilander baa yiri maxaan yeelna?. *Laalays baa ugu jawaabay WAR naga kaxeeya Waa Wanlaweynti caqliga xumeyd oo meel kastaba isku tuuri–jirte. *Roobla yiri waxay ila tahay inaan wax ka qabano. *Laalays baa yiri WAR kuwaani ma istaahilaan in loo hiiliyo ee INA mariya. *sOmalilander walle waa jaahwareer. *Laalays war namariya Waxaani nama quseeyaane. *Wiilki reer Wanlaweyn dhibaato loo geysay isna wax gaysay. *Qoladi reer ISAAQ waxay qaateen taladi Laalays Socodkoodina iska sii wate. WBT

  8. cabdi yare says:

    asc waar axmed somaali war bixintan ad so gudbisay miyaad ku riyootay sxb mise waa mana awaal oo xaal koofurta ayaad aragtay in ay waxba kaso naasa cadden iyo alka ay taagan yihiin reer waqooyi siday noqotaba maxuma sida aad udhigtay ee maad tashataan reer waqooyo marhore ayuu tashaday sxb lkn haddad talo naweydisaan diyaar ayaanu unahay lkn waa in aad markahore hurdada ka kacdaan oo aad khiyaaliga kabaxdaan

  9. Nuurkanederland says:

    Alshabab,ISIS,iwm dabcan waxaa laga fangareeyaa Xalane,Balidoogle,iwm.
    Waa isugu kaymid Xalane & Alshabab.why?midna wuu u soo dejiyaa waxyaalaha qarxa.
    Midna wuu Qarxiyaa.
    They are ONE group.
    Tusaale:
    I=Israeli
    S=Secret
    I=Intelligence
    S=Services.
    Donald Trump says:Obama he founded of ISIS.
    Israeli did 9/11=weerarkii 2001.

  10. cabdi yare says:

    waxa an jecelahay walaalahay reer koofur in ay nabada an ku nolahay oo kale ay helaan allena waxba kuma ah in uu siiyo lkn wa imtaxaan waxa haysta mar un ayayna kabaxayaan inshllh




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...