SAWIRRO: Gudoomiye Mursal, Jawaari iyo Madoobe oo go’aano kasoo saaray doorashada iyo Xaalada K/Galbeed

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa Magaalada Muqdisho kullan xasaasi ah ku yeeshay gudoomiyayaashii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha haatan ee golaha Shacabka, waxa ayna kullankooda kaga doodeyn doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Prof Mohamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Shiikh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo dhamaantooda kasoo jeeda Maaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullankooda kaga hadlay in ay muhiim tahay in doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay tahay in ay u dhacdo si cadaalad ah oo danaha shacabka maamulkaasi ku jirto.

Waxa ayna kullankooda kasoo saareyn qodabadaan hoos ku xusan,

In ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah

Ineysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebaayo Doorashada

Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay Khalad.

Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kusii jeeda indhaha Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda kasoo jeeda maamulkaasi waxaana laga dhur sugayaa sida ay wax u dhacaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. Jabhad says:

    Guulaysta reer baydhabo sida reer kismayo dad

    Adag noqda oo roobow doorta axmed cade iyo

    Robow isku tariikh bey ahayeen xasan dahir haduu

    Tol lahaan lahaa banadir buu madaxwayne ka

    Noqon lahaa lakiin xabsi ayaa lagu ilaaway

  2. Dabshid says:

    Kkkkkk

    Jabhad

    Axmed Daahir waa Habar-Gidir, haddii Kursiga loo dhiibo yaa dalka Difaacaa.

    Duqii Hiraab ayaa ugu duceeyey dagaal joogtaa, Mudulkana waxaa loogu duceeyey Weel buuxo oon baroobin.

  3. Dabshid says:

    = Xassan Daahir

  4. Dabshid says:

    Rasalwasaare Kheyre ayey u taal asagaa Mursal kursiga saarey without election.

    Labada qodob ee kale waa sax, laakiin Kismaayo, Dhuusa-mareeb iyo Baydhabo, Jowhar, ma diidikaraan Ciidamada laga keeno Xamar, maadaama ay ka midyahiin Maamulka Banaadir State.

  5. Mr BaHaL says:

    Jabhad

    Maxaa tidhi?

    Rag adag noqda kkk

    Maxaad rag adag u noqonwaydeen markii uu Gabre farta idiinku yeedhayay ee aad u dhibayseen dad ka badan 1000 qof oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen?

    Somaliya waa meel dhaqanka Inangumeedka u taqaana Geesimo.Madaxwaynaha wadankaaga diid taladiisa,ka soo horjeejo,marka uu nin shisheeye yimaadna kabaha u qaad.Kaasi waa dhaqanka lagaga dhaqmo Somaliya.

    Waa waxa ilaa maanta 30 sano loo waayay dad Somaliyeed oo wada shaqaynaya.

    Ninkan Mursal shaqadiisu waa Gudoomnka Golaha shacabka.Wax shaqo ah kuma laha Ceedanka geeeyay Baydhabo.Arintaasi waxaa Ciidanka waxaa u xilsaaran dawlada.

    Hala joojiyo dhaqankan uqdada iyo qabyaalada ku dhisan ee Somaliya hadheeyay.

    U daaya Madaxwaynaha shaqadiisa oo shaqadiina qabsada.

    Tuugii Shariif Sakiin ayaa meel la saaray oo Tuug kale ayaa iskeenaya.

    Roobow waa dhagar Qabe u baahan in maxkabad la saaro oo Bulshada laga qabto.

    Dumarkii Gabre waa in laga siheeya Somaliya.

    Dalmida

  6. Jabhad says:

    Mr bahal

    Inan gumednimada iska dhaaf somaliya waxay wax

    Ku qayb sata qabiil ragii argagisada ahaa hadii qar

    Madax noqdeen qaarna xabsi lagu ilowbey manaa

    Kenay sudanta adiga adeerka wasiirka maliyada

    Laga dhigay xolihii umadana wuu dhacay fidnadii

    Uu aburay weli way socotaa barlamankii bu madaxa

    Isu gelyey

    Madaxwaynaha somaliya D kan jubaland D kan

    Puntland D kan somali galbeed D manaa sudanta

    Kenay

  7. Mr BaHaL says:

    Jabhad

    Marmarbaad iska dhigtaa sida Land Of Punt .. isaga ayaa soo tiriya Tulooyin la haysto iyo meel cidla ah.

    Nfd,Kililka 5naad, Bayland,Jubada sare.waxaa ayuu shubaa.

    Haatan waxaad soo tirisaa – dee Ina Ilay,Axmed Madoobe,laakin anuu waxaan ku leehay – isku wada daroo Somali oo dhan ayaa Zero taagan.

    Mida Mr Bayle,Wasiirka Maaliyadu lacagtaasi kuma maqna.

    Warka oo dhan waxaa weeyi in uu meeshaasi ka shaqaystay Xasan sheekh Maxamuud iyo waliba shaki laga qabo Jabuuti.Aduu waxbaa is-barkan.

    Mr Bayle waa Oday ah Reer Wali Asumaal Dynasty.Farmaajo waa Xalaal cun oo waa Misgiin.
    Khayre waa maal qabeen wayn oo uma baah lacag uu ka dhaco dawladiisa.

    Anyway,mhore haloo socdo.

    Dalmida




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...