Go’aankii DF Somalia ku diiday Kenya Airways oo muujiyey qiimaha dowladnimo

Nairobi ( Kalshaale ) Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday.

Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn.

Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa.

Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda.

Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo.

Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro.

Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Dabshid says:

    Go’aankii Dowladda Soomaaliya ku ogolaatey Ethiopia Airline oo muujiyey Qiimaha Dowladnimo.

    Afsoomaaligii waxaa xataa ku dhacey Inflation, labo Gumeyste ayaa ku tartamahayo control xag siyaasad iyo dhaqaaleba, midbaad ogolaatey aanan waliba ku laheyn hantida Soomaalidu ku leedahey Kenya, markaas ayaad ku qiimeyn iney tahey Qiimo dowladnimo.

    – Kistii yareyd waxey ku dhamaatey Amaan iyo imada daalih. Axsan Rasalwasaaraha ayaa la shaahey Dhalinyarada Beerta Nabadda.

  2. Haliye says:

    Wadamo lagama hadlin ee waxaa laga hadlay diyaarada tayadeeda waxaana u fahmay inaadan garanayn noocyada diyaaradaha iyo maqaamka first class iyo business class, aan ku fahansiiyee sheekadu waa sida daawo dhacday iyo mid aan weli dhicin, cid kasta oo daawa dhacday kuu keenta waa diidi.

  3. somalijecel says:

    @Dabshid waan ku salamayaa,waa runtaa af Somaligii waa is bedelayaa.
    Qoraalku wuxuu ku salaysan yahay in dalku dawald leeyahay oo aan diyaaraddo ankee Kenya dhexdeeda ka mamnuuc ah aan loosoo dirin Somaliya.Caqliga addoonta ayaa ah in wasiirku yahay reer hebel lacag yar haddii la siiyo uu ogolaanayo.
    Haddii Jabuuti,Brundi Soth Suden Rwanda diideen in aan diidno in ay tahay wax fiican la iskuma hayo,waliba waa astaan fiican oo ku tusaysa in ay jiri karaan kuwo ilaashanaya dadka iyo dalka sidaa ayaan u fahmay dib ugu noqo qoraalka sx.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...