Dawladda Itoobiya oo sheegtay go’aan La Xiriira Shidaalka laga helay Dhulka Soomaalida iyo Qorshaha uga degsan

Hargeisa ( Kalshaale ) Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in muddo seddex sano ah lagu soo gabogabeynayo qorshaha soo saarista Shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida, kadibna la bilaabi doono iibinta shidaalkaasi.

Waxay taasi ka dhigan tahay in seddex sano kadib dowladda Ethiopia ay bilaabeyso dhoofinta Shidaalka laga helay deegaanka oo tijaabooyin kala duwan maraya.

Agaasimaha waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Macdinta Qasala Tadese ayaa shaacisay in ka hor inta aan lasoo saarin shidaalka in marxalado kala duwan la marayo, kadibna uu bilaaban doono iib geynta shidaalkaasi.

Waxay sheegtay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Qasale Tadese, ayaa sidoo kale sheegtay inay baaritaan shidaal ka bilaabi doonaan deegaano kale oo Ethiopia ka tirsan, islamarkaana an lagu ekaan doonin kaliya deegaanka Soomaalida.

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

Dr Aby Axmed ayaa horey u shaaciyay in Ethiopia ay shidaal badan soo saari doonto, taasi oo dhaqaalaha qeyb weyn ka qaadaneyso, waxaana la qorsheynayaa in maalintii lasoo saaro 450 Fuusto oo shidaal ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (10)

  1. gaafaw says:

    shidaalka ogaadeeniya wuxuu kuyaalaa ilaalo oo godey ujirta 70 km kakalana wxuu kuyaalaa shilaabo ,xadka soomaliyana ujira 100 km,hadab axagee laga dhoofinayaa ,shidaalka ,wali layskuma afgaran

  2. gaafaw says:

    12 million waye dadka kilil5 hadaba dadkaas wa iney helaan boqolkiiba 40%,
    dadkan absame waa somali nobles
    dhoodaabn
    sayidka
    wiilwaal
    sh cali suufi
    cmc
    sangub
    nuuradiin faarax
    markaan dhaho dadku dhaho dadku waa absame oo magaca badashey yaad ilayaabtaan

  3. gaafaw says:

    admiral maxamed cimar cusmaan
    maxamed faarax caydiid
    axmed madoobe
    saahid qamaan
    qamaan bulxan
    raage ugaas
    mataan ciideed
    cabdirashiid cali suufi
    yuusuf xaaji
    cagjar
    bare aadan ducaali
    war kudara liiska
    somali nobles

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    Gaafow
    waxad ilwday ninki ugu mihiimsana cigaal shiidaad kudar

  5. Dabshid says:

    Gaafaw

    Reer Baadiyihii Naagaha iyo geela kala dhicijirey miyaad na bareysaa.

    Sayidka ayaan ka gartey oo ku dhintey Boondheere 1920, asagoo xoreynhayo Xamar.

  6. Dabshid says:

    Shariga Caalamka wuxuu dhigahayaa inaan dhul xoog lagu heysto laga qodikarin wax shidaal ah, ilaa Shacabka degan deegaankaas la siin hayo xoriyad ay isku maamulaan.

    Waa looting waxa Ethiopia ka waddo Dhulka Somaligalbeed, meel kastana waan ka sheegeynaa.

  7. khaatumo haanoolaatoo says:

    Dabshid daanyeer xaasid.com

  8. Garqaad says:

    Gafaaw.
    Kkkkkkkk.

    Beryahaan abtirsi ayaad ku jirtaa. Wax dheef miyaa la sheegay. Reerku wexey badan jireen marka hunguri la sheego.

    Laandheere waxaan idiin qirayaa markaad ina ileey luf luf amxaaro xoog uga soo deysaan xabsiga.

    Marka lasheegi tago badanaa oo tayo yaraa ma abooraa.

    Axmed somali ayaad hilmaamtay.

    Sheekh axmed deheeye ayaa yaabay.

  9. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Garqaad adeer, haddii dhiigiisa layga miiro QALAF waa ii dhammaatay. WBT

  10. Asad says:

    ASC garqaad ina iley sow iyagu maxidhin Mar horaa lasoo deyn lahaa e ogadeen buu uxidhanyahay




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...