Muuqaal: Guddiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo soo saaray shuruudaha Laga rabo Xildhibaannada Puntland

Garoowe ( Kalshaale ) Guddigii uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddiga oo xiganaya qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland oo qeexaya shuruudaha lagaga mid noqon karo golaha wakiilada Puntland, ayaa ku xiray xildhibaannada inay buuxiyaan lix qodob oo kala ah.

1- In uu yahay muwaadiin Puntland ah, Muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanagsan, Miyirkiisu dhan yahay ,da’diisuna aanan ka yareyn soddon sanno (30 Jir).

2- In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin 5tii sanno ee la soo dhaafay.

3- In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta

4- Inuu keensado habraacii soo xulista xubinnimada reerkiisa

5- Inuu keensado shahaado dugsi sare iyo wax udhigma

6- Inuu keensado labo sawir iyo taariikg nolaleedkiisa.

Qabashada araajida qofka buuxiyey sharuudahan waxay billaaban doonta 10/12/2018, waxayna ku eegtahay 15/12/2018, sida uu sheegay guddiga.

Guddigan ayaa shaqadiisa billaabay xilli uu jiro guddi kale oo u isna dhawaan magacaabay madaxweyne ku-xigeenka, wallow ay xubno iska casileen, haddana ma jiro ilaa hadda arrinta xal laga gaaray,balse warsaxaafadeed madaxtooyada ay shalay baahisay ayaa lagu sheegay guddiga shaqeynaya inuu yahay guddiga uu magacaabay madaxweynaha.

Doorashada Puntland ayaa la qorsheeyay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka, waxaana socda ololaha ay wadaan musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (14)

  1. Dabshid says:

    Guddigaan ma Guddii Gaasbaa mise guddigii Camey.

    Qodobka 4aad, waa inuu Keensado Waraaq uu u soo saxiixey Beel-daaqe xiriir wanaagsan la leh Mr Gaas ama Mr Camey (hadba kii guddigiisu meesha ku guuleysto).

    – 1960Kii markey isku Biireen Koofur iyo Waqooyi oo sharcigu ahaa inuu United Republic hogaamiyaan, nin Reer Waqooyi ah iyo nin reer Koofureed ah, ayaa 3 bilood loo xayirnaa Qabiil wax noogu qeybiya, iyo mayee Qabiil waan ka gudubney oo qaran ayaan noqoney ee aan Qaran iyo Cadaalad wax ku qeybsano.

    – after 60 years, wataas wali Beel-daaqe baadow ah laga Sugaayo inuu -SUULKA saaro calaamadda X.

  2. Garqaad says:

    Waa sidaasoo marka koofur laga hadlo. Pudland ay tahay meesha ugu roon. Ugu tunka weyn. Madaama ay 20 sano dal iyo dowlad ahayeen. Kkkkkkkk. Dalka pudland ku dayo.

    Waa sidaas koofur ay ku fikireyso in ay woqooyiga jajuubto oo xoog hargeysa xamar ku hoos timaado.

    Caqliga saliimka ah wuxuu na leeyahay kudayo qofka wax ku dheer. Xamar waa in hargeysa la hoos geyaa. Reer awoowayasheey wey naga horeyaan.

  3. xaange says:

    Danshid
    Mid uu yahayba adiga maxaa kaaga gidhiish ah dhulkaa saxarahaa oo aan cidina ku noolayn weeyee oo qiimaba malhee. Waa sidaad halkan uga hadaaqdid 24/7 ee.
    Mise waxaad tahay tukihii xagaa ee la yiri meel wax uga dhaceen ma xusuusto marka ay dabayshu afka iyo dabada ka gasho.
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  4. xaange says:

    Camay gudigiisu wuxuu ahaa mid laab la kac iyo docfaruur ah. Ragii ugu mihiiimsanaana iyagaa Camay runta u sheegay waa hore oo ku yiri war dadka ka fariiso wax aadan awood u lahayn anaga nooma magacaabi kadhide.

  5. xaange says:

    Dabshid
    Koonfur hawiye waxba kama ahayn xiligii gumaysiga. Idoorna Waqooyi wax kama ahayn xiligii Gumaysiga.
    Koonfurna Boqortooyadii Majeerteeniya ayaa wax laga waydiin jirey
    Waqooyina Garaad Maxamuud Cali Shire ayaa lagala xaali jirey.
    Dhulkaa kala qaybiyana waxaa fadhiyey Sayidkii iyo Daraawiish.
    Dagaalkii dhex maray Boqortooyadii Majeerteenia iyo Saldanadii Garaad Maxamuud cali Shire iyo halgankii Daraawiish oo isku biiray ayaa xoraynta Waqooyi iyo Koonfuri ka dhalatay.
    Talyaaniga iyo Ingiriis haddii aanay xoog ku muquunin lahayn saldanooyinkaa waan hubaa in gumaysigo wakhti dheer oo 1960 ka dambeeya in soomaaliya gacanta ugu sii jiri lahayd.
    Xilli dheer ka bacdi xoriyadii soomaali oo xor ah Gaalkacyo waxay ahayd halka warqadaha aqoonsiga looga kala qaato oo ninkii u socda dhankaa waqooyi warqad isagoon Gaalkacyo kasoo qaadan lama sii dayn jirin sidoo kale dhanka Koonfureed nin aan warqad sidin looma fasixi jirin

  6. Dabshid says:

    xaange

    Ma waxaad leedahey guddigii Camey daadkaa qaadey, Mukulaal minenkeeda joogto miciyo libaaxley.

    Waa runtaa inuusan Hawiye iyo Isaaq waxba ka aheyn Mogadishu iyo Hargeysa 1960, maxaa yeeley Jufo yar oo ku dhex jirto ayey ka yeeleen Qabiil in wax lagu qeybsado.

    Gumeystaha ayaa noo muuqdey waa maxey,

  7. Cadaado says:

    In eey Majeerteenka daanyeero yahiin (Somalida kale qaasatan Koonfurtana waaba kasii daanyeersanyahiin)bal arka waxaan eey soo xarxariiqeen.

    Hal sheey amaba qodob oo qof maskax fiican leh uu qoray Kuma jirro. Sida hadii aan kabilaabo, qodobka Koowaad, in uu Puntlander yahay! Yaa waaye Puntlander, ma qofkii 30 maalin Barri iyo Nugaalbaa, ma qofkii Dagan Hal sanno’aa, ma qofkii Dagan 10 Sanaa, mise waa qofkii ah qabiilka saxda ah? Sidaas owgeed, qof kale oo Somali ah oo aanan qabiilka saxda aheeyn masoo gali karro? Isla qodobkaas waxuu leeyahay “in uu qofkaas gutto waajibaadkiisa diiniga ah? Diintee, ma diinta Hindida, masiixiga, mise tan Islaamka? Qodobadda kale oo dhan sidaas iyo si kaxun ayaa waxaa uga buuxa caqli daanyeernimo. Hadde waa meeshii uu lahaa, professosr kii bugta ee caloosha weeynaa, Cabdiwali Gaas waa xukumaa, Meesha sidaaas wax loo qorra. Kudayo dowladda dalka pudhleeyn.

    Waa tan daanyeernimada aan ka hadlo. Wax eey sameeyaan dad karti yar, caqli xun, qabyaaladiistayaal ah, aragti kasareeysa qabiilka aan laheeyn, oo waligood fiicnaado majirto. Period.
    Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  8. somalijecel says:

    @Dabshid iyo Garqaad waxaan daba gal ku hayay sida wax loo magacaabo Puntland iyo maamuladdii ka horeeyay.
    Waxaa ila saxan Gaas dabagal badan ka dib.
    Markaa waxaan qabaa in Gaas looga danbeeyo howsha magacaabista markii hore Camaey ayaan taageeray waxaan u fahmay in sida dastuurka Galmudug/Jubaland uu yahay halkaas Puntland dadkii dhistay qaar baa la gaaday,sababtoo ah Qaswade Gaas wuu ku saxan yahay.
    Balse aan idinku raaco haddiiba Puntland 20 sanno ka dib oday inuu waalan yahay ay macquul tahay wax la weydiinayo Somaliya barake ma leh.
    Isbar-bardhig aan ku sameeyay Somaliland vs Puntland.Somaliland ayaa dhanka maamulka kaga wanaagsan,Puntland Koonfurta ayay buuratay wax looga daydaana dhanka maamulka ma leh qabaail un baa Puntland wax la isaga maqlaa waliba MS ayay u xiran tahay waqtigaan xaadirka ah.

  9. xaange says:

    somalijecel
    Maanta xiniin baad is sadhay oo runtaad ka sheegtay markaa aad tiri Gaas baa inuu wax magacaabo ku saxan.
    Puntland dastuur waliba sidii buugii u qoran isagoo kooban ayay leedahay oo meel walba puntland gudaheeda laga heli karo.
    Qodobka 81 ayaa Camay u diidaya inuu gudigaa soo magacaabo.Waa sababta ay isu casileen ragii uu u magacaabay gudigaa lkn ina Camay isagaa wax isu dhimay oo sharaftiisa meel uga dhacay mooyee Puntland aad ayaa looga dambeyn jirin wax yar ka hor intii aanu isu badelin inuu beenta Nabar iyo naxdin dhagaha u raariciyo.
    Maxamuud saleebaanka aad sheegayso kuwa ugu tunka weynaa ee reer boqor waa iyagii birta laga aslay xiligii C/laahi iyo Jaamac Cali Jaamac.
    Nin kasta oo docfaruur puntland ka dhex bilaaba meeshaa ayaa la marin qolo uu doonaba ha ahaadee

  10. Land of Punt says:

    Horta hadalka lama saarnaado!
    Dadka aqliga leh waxay fahmin Somalia waa dhulweyn oo faqri ah, hadaan caawa Xamar joogo oo Hargeysa u socdo xageen marin, jid, tareen iyo amni midna ma jiro!
    Dalkaas sidee mid ku noqon karaa..?
    Hadaan si kale u dhigo gaari Xamar ka timid oo LOP saaranyahay oo Gaalkacyo u socda dhulka ma mari karaa LOP nabad kubtegin Galkacyo?
    Sidee dalkaas mid ku noqon, waxaa kuu dheer in dhulka cadowga iyo Amisom joogto waxba ka qaban karin Farmaajo and company, laakiin waqti badan geliyaan in Jubbaland, Puntland iyo Bayland aka South West qasaan. Xitaa Lacag ku kala labaluushaan u hayaan!!!!!!🤐
    Sow kuuma cada in cadow u shaqeeyaan!
    Ma garan waayeen dhulka nabadda aan usoo noqono oo Somaliland goostay ku jirto ee bal horta daanyeerta Gobolada dhexe oo Khayre iyo Farmaajo kasoo jeedaan aan ka saarno cadowga Alshabaab Xaradheere, Ceelbuur, Ceeldheer etc.
    Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose aan ka saarno cadowga..
    Ka dib aan usoo jeesano gobolada nabadda ah.
    In Baydhaba, Garoowe iyo Kismaayo iyo kuwa hadda xukuma oo beri tegin ay shaqada ugu muhiimsan tahay daanyeerta dowladda dhexe maanta hogaamisa, ka waran?
    Puntland meel ugu soo hagaagto ayaa taqaan ee xagee Jowhar, Jilib, Xaradheere iyo Ceelbuur ugu soo hagaagnaa.
    In daanyeer cadow u shaqeeya Somalia u taliyaan ma fahamtay.
    Fuckinng daanyeer, car Baraxley iisoo dhaafa.
    😦

  11. Land of Punt says:

    Caryaa caawa ii sheega, sababta Somalia oo 25 000 cidan ajnabi ah jogaan oo gobolada aan kor kusoo sheegay haystaan daanyeerta Alshabaab, maxaa cadowga koowaad ka dhigay Puntland, Jubbaland, Baydhabo, Hargeysa iyo madaxdooda.
    Qof yiraada ma la waayey= kuwaan ayaga ayaa ismaamula oo cadow dhul ka haysta ma jiro ee dhulka gacanteena ku jirin xoog saarno. Ayaga aan usoo noqono!!!!!👊
    Sow ma oga in maanta caruurta xitaa u jeedaan in dalkii habaabiyeen oo Ugandese, Mooryaan iyo Shabaab oo xitaa ka hadlayn in Somalia laga saaro, muhiimadda koowaad tahay!
    Fucking idiots aniga car Baraxley iisoo dhaafa!

  12. Land of Punt says:

    Mideeda kale sheekadaan guddi khilaaf iyo niic ha ku mashquulina..
    Puntland waa parlemanterian democracy beelaha dega ayaa beelwalba keensan nin ku qanacsanyihiin oo madaxdhaqankooda ku raaceen.. 66 nin..
    Ninkay rabaan dooran marka sanadka cusub laga soo noqdo bisha januari 8deeda.
    Waad arkin ninkaas cidna ka daba hadli mayso, inta ka horeysa ismuuji, hadaad cadaalad daro aragto ka hadal, xitaa hanjabaad ku dar, barwaaqo u balanqaad waxaad wax ku heli karto.
    Adiga ayey ku jirtaa, sidaad kusoo bixi lahayd..
    Laakiin maalinta codka inta la tiro; qof helo..
    Sheekadii halkaas ku dhamaatay, qofwalba danihiisa raacan..
    Puntland has New president…run
    Yaan lagu madhquulin Boqortooyo aan weligood fawdo aqoon.
    Shacab kaladambayn lafaha uga jiro oo xitaa wiilkooda buuqa wada, ku oran= Boowe cidda meel ka fariiso, waad falantahaye.kkkkkkk.
    Run
    I Love reer Puntland
    Prove me wrong!👺 In hogaan isku raacsanyihiin samaysan karin.
    Vivo Dhul Udug… Ku dayda, hadaad aqli leedihiin..!

  13. Land of Punt says:

    Somalijecel
    Farmaajo, Khayre, Gaas iyo hogaan kale oo Somaliyeed macne kuma fadhiyaan, shalay yimaadeen berina bixin.
    Waxaad aaminsantahay shaqsi caabud, daanyeer ilkayar ah..kkkkkk
    Jaale Siyaad AUN ayaad caabudeen, maanta muxuu idinkaga dhintay xitaa jid ma ka dhisay dhul Mareexaan, Caabudwaq iyo Gedo?
    Waxaad ilaa maanta fahmi la’dahay shaqsi macne kuma fadhiyo ee danta guud ee ummada ayaa ka weyn..
    Shalay waxaad lahayd Maxamed Siyaad mareexnimo loo diidan yahay, maanta Farmaajo..
    Labadaba Majeerteen waa taageereen markii xukunka qabsadeen, laakiin ayaga ayaa socon waayey..
    Run
    Ka feker waxa ka wado..
    Dan Somali iyo mid Ilkayar midna ma taqaanin.
    Waxaad qortay: shacabka Majeerteen waa dad qabiil u jilicsan, taas waa beentaa, Majeerteen madaxweynahoodii CC Sharmarke ma dilin keliya, ee waagii Somalia democracy ahayd, Adan Cadde iyo Cabdiraaq isku Xisbi, Cabdiraashiid c. Sharmarke iyo Ina Cigaal isku xisbi, mucaarad isku ahaayeen.
    Maanta waxay ku wada noolyiin waa nidaam, aan dowlad ku heshiino, waayo qabiil iskuma raaci karaan Majeerteen ee nidaam keliya isku raaci karaan.
    Run.
    Taas Marexaan ma oran karaa? Mareexaan kulli Kacaan ahaa oo Siyaad Barre ku daba faysheen gar iyo gardaro.. Walaahi in taas Majeerteen ka suurtowdeen…!
    Mar hore dili lahaayeen oo umadda meel ka fariiso oran lahaayeen.
    Majeerteen qabiil iskuma raaco ee nidaam isku raacaan. Taas baro.
    Waxa ka hadlayso waa in taqaan saaxiib.
    Aqoondaro waa waxa lagaaga adkaan karo, Somali badan aaminsanyihiin in Majeerteen qabiil isku raaco.kkkkkkkkk
    Majeerteen iyo Puntland waxaad ka adkaan kartaa marka in qabiil aqoon oo nidaam isku raacaan oo nidaamka ka dumiso fahamto, waayo qabiil ahaan uma dumin kartid oo qabiilo Majeerteen iskuma diri kartid, kuba fahmi mayaan; kaalay qabiilkaan iska celi, adoo reer hebel ah…..!
    Bal kaalay adiga ka dhaadhici, nin Majeerteen ah, sidee reer kuu xumaan…..
    Dee Boowe ninka waa la doortay! Ee sug doorkaaga..
    Kkkkkkkkl.
    Kuye shacab Mateerteen qabiil isku raacaan.

  14. Land of Punt says:

    Caawa sir kashifay..kkkkkkkkkk
    Walaahi waa runtay in aadan Majeerteen qabiil u dumin karin inta qabiiladooda isku dirto.
    Beel kale oo Somali ah sahal reer reer la iskugu diri kartaa, no Majeerteen, waayo markii horeba qabiilnimo kuma wada noolayn ee xeer ku wada noolayeen. Ninka xeerkooda dumiya ayaa dumin kara…. Waana inta ku jeclahay, Somali xeer ku heshiiyeen tixgeliya ayaga ayaa hayaa!!!!😜
    Ninka raba in Boqortooyada Majeerteen dumiyo waa Nidaamka ku dhisanyihiin ka dimisaa oo ah dowladnimo iyo wixii lagu heeshiiyey la raaco, sida dastuur..etc.
    Taas iga warayso in Puntland qabiil ku dhisnayn oo dumisteeda meel cidla ah karaadinayso.
    Waa dad dowlad ku nool ah, waana sababta dowlad Xamar ka dhalo busy ugu ahaayeen.
    Qabiil ahaan uma noolaan karaan ee nidaam ahaan ama dowlad ahaan ayey u noolaan karaan.
    Waa dhaqanka meesha ka jira.
    Kkkkkkkkk
    Weligeed Garoowe ku duulimayso Galkacyo, taas iga qor, laakiin Cadaado waa duuli kartaa Dhuusamareeb ama Laascaanod waa ku duuli kartaa Buuhodle ama Burco waa ku duuli kartaa Hargeysa..
    Kkkkkkkk.
    Rag isku booloxooftayn waa meeshooda.
    Caare ayaa yaabay.
    Prove me wrong.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...