Shirkadaha SHIDAAL Baadhista ee badda Soomaaliya Xiisaynaya (Warbixin)

Hargeisa ( Kalshaale) Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah.

Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan.

Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo.

Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay.

Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen.

Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988.

Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn.

Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa.

Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa.

Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal.

Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland.

Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. mohamed abdi jama says:

    Laba bilood muddo ku beegan waxaan ku qoray wepsite kan kalshaale in shirkado shisaal ka danbeeyeen khayrlaawe iyo farmaajo madaxtinimadooda kana saxeewdeen ? Lamana oga wuxuu yahay heshiiskay labada masuul ee xamar la geleen shirkadaha shidaalka badda idian ? Lama yaqaan boqolkiiba intay qaadanayaan shirkadaha shidaalka iyo somaliya intay kala leeyihiin ? Laakiin war aanan hubin waxaan ku hayaa in ka badan80% in shirkadaha shisheeye ka saxeexdeen khayrlaawe iyo farmaajo

  2. mohamed abdi jama says:

    2017 kii na waxaan ku qoray wepe site kan kalshaale dib u baadha hadaad rabtaan in labadan nin oo keliyi la galeen hashiis qarsoodiya oon baarlamaan ku sheegga xamar ee aan caqliga badan lahayni waxba ka ogayn heshiiskaas iyagoo u dhago nugul jam somland horumarkeeda iyo wax qabsigeeda dadkaygaw ogaada inaan somaaliya ka dhaxalnay isku dirkeena dhexdeena oo ay caadaytaan isaaq oo lagu diro dhulbahante iyo qama roon warsangeli oo lagu diro isaaq ? Waa waxaynu ka dhaxalnay midawgii soomaliya? Markaynu ku biiraynayna waxaynu ahayn raas qudha oo ah jam somland? Aan soo celino midnimadii jam somland qabiiladeedu lahaayeen oo isu ah ab iyo abti wada dhashay

  3. mohamed abdi jama says:

    Shidaalka xamar la gashay kabaniyada shisheeye sharciyan hadaan labada ansixin waa waxba kama jiraan waa kuwan somaliya ee saaxday ee hurdada ka sootoosa marka jam somland wax qabsato

  4. mohamed abdi jama says:

    Soomaaliya inay jam somland wax kaga dayato oo waxay samayso jam somland somaliya ka daba samayso mooyaane ma awoodo inay kaligood wax curiyaan? Adeer dad badan baa u haysta inaan maago somaliya igama aha ee waa runtay matan ? Wadaan samaynaynaa waday samayn beeraan qodaynaynaa way qodan wadan baan tagaynaa isla wadankii bay tagayaan wadan baa wax nagu caawin wixiibay waydiisan gaadhibaanu samaynay loox ka samaysan xaaji khamsiin bay intay meel noo taageen yidhaahdeen baabuur aan xabadu karin baanu samaysanay hadda sarajoogay ku xaaran dadka waxaa shubayaa ? Waan u khajilaa waan ururiyaa waxaanan tusnaa caalamka ? Waxaanu ku nidhi waa dad curintu ka maqantahay sidaasay noogu dhegen yihiin ee maaha somali jacayl? Annakaa ka soolisan kana jaclayn jam somland 1960kii markaan la midawnay waxay noo bixiyeen soomali qaldaan? Aad bay u qosleen gaaladu somali liin waaye ? Waxay u jeedeen somali land lama goodle faradheer ? Waxaanuku qasabnay 1960 soomaalinimada ? Way ka dheregsan yihiin waanay imanaysaa aqoonsigii non doona iyo nin diidanba inshallaah? Waa yimi galadaan sugayniyo wakhtigii waa ina soo gaadhay

  5. mohamed abdi jama says:

    Habdhaqanka siyaasadeed ee eghiopa iyo jam somland wuxuu iku bedeli dhanka wanaagsan dhawaan? Mr biixi wuxuu u dhaqmaa sidii dal aqoonsi caalamiya haysta? Waxaa ka maqan madaxweynaheena inuu is daad raaciyo laakiin annakaa ku jirna hawshuu ka gaabiyey ? Dhawaana waxaydun arki oo maqli dpontaan inshalla isbedel fiican ? Mr biixi intuu ilduufay anagaa wadna waanay hagaagi inshalla waliba si wanaagsan oo degen ayey u dhici ? Waana siyaasadoo way nala qalibmi karkaa ? Kolayse dhanka wanaagaanu u badinaynaa




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...