SAWIRRO: Wasiir Cawad oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Turkiga

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya labbada dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka labba geesoodka ah.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labbada dal iyo labbada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka labba geesoodka ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. mohamed abdi jama says:

    Kolba wiil yar oo caano nuuga xisbiga ucid intuu soo hor fadhiisiyo kamarad kolba hadal haloo dhiibo ? Warqadan go home ka ee jam somland diisay waa sax wiilyarna uma sheegi karo sharciga dalka magu dhaqayo wasiirka arimaha gudaha mr mohamed kahinisagag isagay shaqadiisa tahay waanan ku hanbalyeynayaa goaankan geesinimada leh ee ay qaadatay wasaarada arimaha guduhu iyo guud ahaan dawladdu kuwa xamar uku xidhan ee laga soo maleego dhibkeena ayaa wiilkan yar ku yidhi sidaas dheh wasirka duulista iyo hawaduna jawaab waafiya ha siiyo wiilkan yar arimaha guduhuna ha xidho si asluubtiisa loo wanaajiyo? Inta waaweyn ee beesha …… ayaa ku xidhan xamar xagay laayihiin miyey wali arkeen nin reer xamara ama soomaaliya ah oo jam somland raba ? Xadhig bay istaahilaan wallee afarta oday ee ………. somaliya ku xidhani

  2. mohamed abdi jama says:

    Haykal dawladnimo kama muuqato waxa waxaad moodaa ciyaala jeeb foolxumaa alle magane sidaasaa idiin abadiyana ilko dhaadheeraydee




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...