SAWIRRO: Madaxwaynaha Kenya oo Danjire Maxamuud Tarsan Waraaqaha Ka gudoomay iyo Waxa laga filanayo

Nairobi ( Kalshaale ) Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u magacawday Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya.
Danjire  Tarsan ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ganacsi xor ah uu u dhexmari lahaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya, isagoo inta ku daray in dalka Kenya uu yahay midka ugu muhiim oo xiriir wanagsan ay la yeelato Soomaaliya.
Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta waxaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ilaa 17 danjire oo madaxweynaha Kenya uu waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay.
” Runtii waxaan la kulmay safaarad wanagsan nadiif ah oo qurxoon  , ma fileyn inay sida ahaato safaaradda..  Cali Bagadi iyo mas’uuliyiinta kale ee gacanta ku hayay aad ayaan uga mahadcelinaya.” ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
” Calaqaadka Kenya iyo Soomaaliya waa mid aan rabno inuu aad u xooggeysto,sababto ah markaad fiirisid xaaladda hadda dadka Soomaalida ah ee jooga Kenya dhaqaalaha ay ku heystaan, markaad fiirisid xaduudka naga dhaxeeya oo Shabaab ka ugaarsato dadka, markaad fiirisid dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba, waxay ila tahay aragtideyda inuusan jirin waddan Kenya nooga muhiimsan haddii ay jirtana uu yaryahay.” 
Safiirka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in siyaasada madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan dowladaha dariska ah oo ay Kenya ka mid tahay inay tahay inaysan wax shaqaaqo ah ka dhicin, ‘Kenyana kuma sii jirto waa waddan intaas oo Soomaali ah ay ku noolyihiin ganacsi badana ay ku leeyihiin” ayuu yiri.
Danjire Tarsan, ayaa sidoo kale sheegay in aragtidiisa ay tahay oo ay ka go’antahay in la dhiso safaaraddii Soomaaliya iyo dhulka ay ku leedahay magaalada Nairobi, isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka qaybqaadato dhismaha safaaradda, si loo helo safaarad iyo dhul ay leedahay Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. mohamed abdi jama says:

    Waxaan u sheegayaa soomaaliya mr baashe xinkiisa oo ah nin dhalinyaro xubin firfircoona baa idin keenay kenya jam somland waa hooyada inta afka soomaaliga ku hadasha waxaa sheegay sayid maxamed abdille xasan iyo intii caqli u saaxiiba buuryo qabku wax ma oga da walbana way leeyihiin 70jir buuryo qaba baa jira oo caqliga ka madhan oo waliba ku badan dalkaa aan jaarka nahay ee soomaaliya

  2. mohamed abdi jama says:

    Hasaladooda iyo fikirkooda intaan duubno ayaan maqashiinaa reer yurub iyo qaar ka mida qaramada midoobay ? Walaahi way ka cadhoodaan hab dhaqankooda waa halka aan ka keenay buuryo qab ? Iyagaa markay maqlaan een u sharaxno waxay yidhaahdaan waxay u hadlayaan sidii caruurta? Lama dhegaysan karo ? Eeg waa dad si fiican loo soo rabeeyey cadaanku oo garawshiyo leh? Qofku wuxuu caabudayo iyo yiqiintiisu isagay u taalaa oo waa lakum waliyadiin ? Ee macaamilka bulshooyinka iyo garawshiyaha bini aadanimo waa dad yaqaan? Diir mawadaagno diinna ma wadaagno derisnima ma wadaagno ? Dhalashadoodii bay na siiyeen xuquuq baanu wada nahay ab ka ab kii cadaa ee awoowyaashii dalkan aan joogo ay lahaayeenwaxba ima dheera qofka dalkan lihi ? Waan inaan ka baranaa inta wagaagsan waan hubaa kuwa qalbiga ka bulaa eexasadku ku badan yahay inaanay u ogolayn wanaagaa aan ku tilmaamay ee la macaamilka aduunyadan la joogo aan soo koobee xamar maaha meel dib loola midoobi karo inta aduunyada ka hadhay inshallah igana qora waxbaa layska qoraaye ininshalla

  3. mohamed abdi jama says:

    Wariyaha u shaqeeya saab tv ee yidhi hargeisa ayaan ka soo waramayey waa in isaga iyo waxa la socda wasiirka arimaha guduhu si arxan dara ah gudaha u dhigaa ama loo xidhaa waayo wuxuu garab maray dastuurka jam somland iyo hanaanka saxaafada waliba waa in la karbaashaa isagoo xidhan ? Waayo asluubtaa ka yar waa in la asluubeeyaa ?

  4. mohamed abdi jama says:

    Wadada galbeedka jam somland u baxda waa in si casriya oo balaadhan loo dhisaa waliba wadada waa in hoos loo dejiyaa way taagantahay oo carro tuulkaa ku badnaa waana tan dhimashada badan keenaysay? Baabuurta si xun wadada oo kor u taagan uga baxaysay? Adeer arabsiyo iyo gabiilay biriijyo u sameeyoo lacagta ha cunina ilaahay ka baqa reer yurub baa inagu caawisay ha kal shaxaadina wadadeedaacad u dhisa biriijyo casriya oo adag oo iska xejiya tareelayaasha maraya dhisa? Adeer daacad u dhisa oo ilaahay ka baqa

  5. Raamsade says:

    gggggggggg yarkan iska hadaqaya kaligiis waryaa ciyaalkii sida qaldan loogu shegay koonfurbaa naleysay miyaad tahay??

  6. Nuurkanederland says:

    Yes Tarsan.
    Gaal dil Gartiisana sii.
    Xaqiiq Tarzan waa ninkii shacabka reer Muqdisho tusay inaysan aqbalin rajo la’aan.
    Laamiyada Ku xirey Nalal Solar ah.Taalooyinkii dib u dhis kusameeyey.waxaan leeyahay Tarzan dad badan buu ka fiican yahay.
    ———000———–000000————-.
    Ha ilaawin DIGNIINTAYDII:-
    Who really is. iSIS!?.
    I=Israeli
    S=Secret
    I=Intelligence
    S=Services.
    Tusaale:-
    ISIS they never attack Israel!!!!.why not?
    ISIS made in Israeli.isn’t Islamic.sure.
    Isis leader Abubakr Albaghdadi magaciisa/saxda ah waa:-(Aka Elliote Shimon) 100% he was Mossad Agent.sure.isn’t Muslims.
    Donald Trump say:Obama he founded of Isis.
    Argagaxiso oodhan waxay hoos tagtaa Washington DC & Tel Avive.isn’t Muslims.sure!!!!!.
    OK.I Said:-Stop ISLAM BAN.

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Nuurkinederland, adeer caawa ka dib magacaagu waa DHASHI OFIIR, WIIL OFIIR mid kaad doonto, dadkaad magacooda wadato waa KUWII KISMAAYO dhallinyada Somali KU GUBAAYE. WBT

  8. mohamuud says:

    hanbalyo tarsan waad u qalantaa




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...