Puntland oo ka hadashay Doorashada iyo Xaalada Guud ee P.land kana digtay Faragelin DF Soomaaliya

Garoowe ( Kalshaale ) Warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo doorashada la filayo in ay dhacdo 8-Janaayo 2019.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha Puntland ay u dhacayso sidii loogu talo galay isla markaana aan lagu samayn karin wax farogelin ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray gudigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Gaas iyadoona shacab weynaha Puntland loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan kana qeyb qaataan amniga guud ee Puntland.

Lahjada loo adeegsaday warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland kasoo baxay ayaa laga dheehan karay digniin ku socota dowlada Federaalka iyo muujinta in aanay jirin haba yaraatee farogelin lagu sameyn karo doorashooyinka Puntland ay galayso horaanta sanadka Cusub inkastoo la qiray in ay jirto farogelin ay dowlada Federaalka ay ku hayso doorashada madaxweyne ee Puntland.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Dabshid says:

    Go’aamada DALKA PUNTLAND waxaa ka masuul ah Dowladda DALKA PUNTLAND. Dalka Puntland wuxuu leeyahey Madaxweyne ilaaliyo QARANNIMADA DALKA PUNTLAND.

    Waxaa jirey ayaamahaan in Dalka aan dariska nahey ee Soomaaliya wadey faro-galin lagu qalqalgelinhayo xasiloonida DALKA PUNTLAND.

    Madaxweyne kuxigeenkii DALKA PUNTLAND wuxuu noqdey mid u adeego Dalka aan dariska Nahey ee Soomaaliya, wuxuu noqdey mid fuliyo Amarada Caasimadda Dalka Dariskaa ee Mugadisho, kana daneystey Danahii hoos jooga Madaxweynaha DALKA PUNTLAND.

    Sidaas daraadeed waxaan u sheegeynaa Shacabka Dalka Puntland ineysan ku dhex milmin Shacabka Dalka dariskaa ee Soomaakiya.

    -Madaxbanaanida DALKA PUNTLAND waa DASTUURI aan lagu xad gudbikarin.

  2. Dabshid says:

    Dastuurka Dalka Puntland kuma qorna sharciga One man one vote, maxaa yeeley Calooshaada lama tuso cadowgaada. Nin la tiriyey talo farihiisa kuma JIDHO.

    Sidoo kale waxaa meesha ka baxahayo Kaltanka Dastuurigaa ee jufada Max’uu Saleemaan.

    Boowe anigoo Beel-daaqe heysto maxaa SANTUUQ QARSOON II GEEYEY.

  3. Mr BaHaL says:

    Dadka ayaa lagu qabooojiyaa hadalka ka soo horjeeda dawlada Somaliyeed.

    Waxaa jira wax ay Majeerteenka iyo Isaaqu wadagaan oo qayb ka noqday dhaqankooda.

    Labadaa Bulsho waxay jecelyihiin Beenta.Marka la rabo in wax loo sheego waxaa loo sheegaa inay yihiin dawlad,qaran iyo dad wax qabsaday.Marka ay jirto arin lagu kala jabsanyahay waa in la yidhaa”Dawlada Somaliya ayaa faragalin nagu haysa”.Xamarbaa wax laga soo abaabulay.Tani waa q

  4. Mr BaHaL says:

    Soory waa layga boobay.

    Madaxda maamulada Hargeisa iyo Garoowe eed kasta waxay saaraan Muqdisho si ay dadkooda u qaboojiyaan.Eeedaha ama dambiyada iyagu ma qirtaan.Tani waa qaabka ay dadkooda u hogaamiyaan.

    Waxa kale oo ay ka simanyihiin inay eeyar iska qaataan wixii lacag ah ee ka yimaada Muqdisho.

    Hadii xagaa iyo Muqdisho afka lagu taago Bulshooyinkaasi way degaan oo muddo ayaa lagu jiraa buuq la’aan.

    Labadaa Bulsho ma maqlikaraan dawlad Somaliyeed ayaa wax qabatay iyo maamulku wuu soo hagaagayaa.Labadaa Bulsho aadbay ugu farxaan qaraxyada ka dhaca koonfurta Somaliya.

    Dadku waaxay u tababaranyihiin qaab neceb wanaaga Somalinimada iyo wada jirka.Waxay u tababaranyihiin qaab uu qofku u diyaarsanyahay inuu basaas noqdo oo markasta cadow u ahaado Somalinimada.Waxay u dhismeen qaab ah in ay dhumanayaan hadii Ethopiya laga hoos baxo.

    Waxaarada wacyigalinta Somaliya waa inay qorshaha ku soo daraan sidii dadkaasi loo wacyigalinlahaa.

    Dalmida

  5. xaange says:

    Aboorkii iyo cayayaankii ma roob baa u da’ay
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. xaange says:

    Qaar ka mida qoladii Camay magacaabay ee docfaruurka ahayd oo waa horeba diiday wixii loogu yeeray gudiga khilaafaadka shaagayna inaanay waxba ka ogeyn magacowga ayna u arkaan ina Camay nin docfaruur iyo fawdo wada.
    Mr bahal iyo Dabshid hadaba roob ma di’ine gododkiinii isaga laabta kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...