MUUQAAL: Wasiir Qarjab oo la Saftay C.wali Gaas, Kana horyimid Go’aankii uu Qaatay Cabdixakiim Camey (Daawo)

Garoowe  ( Kalshaale ) Cabdi Xirsi Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa Saxafiyiinta Faray inaysan Khalkhal gelin Xaalada Puntland, Wuxuuna usoo bandhigay sida ugu Haboon ee la doonayo inay Wararka u tebiyaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Isagoo ka hadlayey Xiisada Hogaanka Puntland, Ayuu kula saftay C.wali Gaas, Wuxuuna  sheegay inuu Xaq u leeyahay Madaxwaynaha inuu soo saaro Gudiga Xalinta iyo Khilaafaadka, Wuxuuna sheegay inaan dadka lagu Wareerin  Gudiga uu magacaabay Cabdixakiim Camey Madaxwyane ku xigeenka Puntland.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. C/Raxmaan says:

    Qarjab si wanaagsan oo masuulnimo ka muuqata ayuu u hadlay . Tan ah mandate’ka gudiga qilaafaadka aqoon uma lihi , lkn hadana waxaad moodaa iney yihiin guddi uu soo xushay kaligii taliye . Waxaa kaloon meeshaba Lagu soodarin sharuudaha laga raba inuu buuxiyo qofka ka mid noqonaya gudigaas muhiimka ah iyo waliba cidda soo diyaarineysa gudigaas , oo ah kuwo iyana Lagu kalsoonyahay oon dhinacna u QALLOOCIN . Intaa Kadib cidkastoo xaq u leh ayaa MALMALUUQIKARTA saxiixa / sarciyeynta , jiritaanka iyo hawlgalka gudiga . Camey isagu waxiisa waa ku qabso ku qadimeyside!

    Aragtideyda shaqsi : Reer Puntland sidey waxyeelaanba ha isku dayaan iney si degdeg ah u tirakoobaan shacabkooda . Dabadeed ha sharciyeeyaan XISBIYO siyaasadeed . Doorashada bisha Janaayo kadib haloo hawlgalo sidii doorashada xigta ay u noqonlahayd 100 % xalaal . Dawladgoboleed 20 jirsaday oo wali ay odayaal JUHALA ah soo dooranayaan golihii xeerdejinta waa daayeernimo aad iyo aad u weyn .

    Kumaa wax laga bartaa kumaase wax la baraa , waxuba waa daayeer iyo daaxuurro FURDUDUGLEYNAYA’E.

    Hooyada federalka fadhiid bay dhashay !

  2. Xaange says:

    C/Raxmaan
    Gudiga khilaafaadka waxaa magacaaba Madaxweynaha intii madaxweyna puntland soo madhay kulli iyagaa gudigaa magacaabay.
    3 Desember iyana waa maalinta lagu dhawaaqo.
    Gudoomiye mar walba waxaa gudigaa ka noqda nin u dhasha beesha Axmed Harti Dashiishe.
    Waana inta Gaas sameeyey dhana ugama uu leexan sooyaalkii ragii hore.Camay wixiise arintiisu waa iska docfaruur jeebkiisa ah

  3. Dabshid says:

    Waa ninkii Kutub been ah kumarey in Tukoraq la xoreyn doorashada ka hore.

    Camey waa rèer Waqooyi, Garowena waa Koofur wixii isu keeney waa qabyaalad, Qarjabna dastuurkaas Qabyaalada ayuu fuliyey oo Gaas waa nin MJ ah, maamulkuna waa maamul MJ.

  4. Dabshid says:

    Gaas waa nin ku caano maaley Guddigii Qilaafadka ee doorashadii 2012,

    Guddigaana waa la mid oo waa guddiga kala saaridoono Xildhibaanada Golaha deegaanka Puntland, yacni ninkuu ogolaado Gaas ayey sii deyn, kuu diidana waxey ku fulin qodobka Shuruudihii ma buuxin.

    66 Xilmadhibe-Xamaalato ayuu rabaa Gaas iney codka dhiibaan oo uu dhamaantood – LABADA indhood uu ku scan gareeyey.

    – Kii nala jiraan la jirnaa kii naga jiraan ka Jirnaa.

    Anigu nin Majeerten ah oo aan ka aheyn, Cali Xaaji Warsame kuma ogi reer Bari. Asaga waan siin lahaa xataa Donation inkastuu u dhuran lafo abeeso.

  5. Dabshid says:

    Waa su’aal fiican Mr Qarjab, Candidate sax ah waxaad noqoneysaa 2022, waqtigaas oo ku aadan KALTANKA CIISE MAX’UUD.

    Qarjab waa musharaxa 2022, inta laga gaarahayana waa wasiirka Ciise Max’uud uga wakiilkaa Maqaayadda MS.

    Waxaan ku tilmaamikaraa Xariif Dhaar badan. Dastuurka kaltanka hala ilaaliyo.

  6. xaange says:

    Gudugu waxba kalama badeli karo xildhibaada wax soo dooranaya xildhibaan walba horaa beeshiisu usoo dooratay oo madax dhaqameedkiisu usoo ansixiyey.
    Gudiga shaqadiisu waa hubin iyo inay qabtaan aqoonsiga xildhibaankaas oo kaliya.
    Gudiga khilaafaadka madaxweyne walba oo soo maray isagaa doortay wax coda iyo guul midna uma soo hoyin madaweynayaashii ka horeeyey Gaas iyagaana wada magacaabay gudigaa. Puntland nidaan iyo dow loo maro iyo sooyaal bay wax walba leeyihiin maaha dameero iska biqlaynaya

  7. C/Raxmaan says:

    Xaange ku mahadsanid faahfaahinta arrinka gudiga . Sxb waa ayaandarro inuu madaxweynaha isku darsado soo xulista , magacaabista iyo sharciyeynta gudiga qilaafaadka doorashada . Gudigani waxuu noqonayaa MARJACA kala saaraya xildhibaanada , oo waxay go’aan ka gaarayaan qilaafka u dhexeeya laba musharax-xildhibaan . Waxayna marwalba u xaglinayaan musharaxa uu ka raaliyahay madaxweynihii sameystay gudiga gacan ku rimiska ah .

    Malaheyga waxaa fiicney iney seddaxdan hay’adood midkood magacaabaan gudigaas , madaxwenuhuna uu lahaada ogolaanshaha iyo saxiix-sharfeedka ugu dambeeya.

    _ Baarlamaanka .
    _ Golaha fulinta
    _ Midowga xisbiyada / qabaa’illada .
    Lkn nin isagiiba ah musharax madaxweyne hadana kaligii ha magacaaba gudiga KALAHUFIDDA xildhibaanada waa un KU SHUBO.

  8. C/Raxmaan says:

    Xaange hadaba malaheyga waxaa qaldan magaca gudiga . Hadeysan inaba wax ka badelikarin dadkii ay soodoorteen oday-dhaqameedyada maxaa gudiga loogu bixiyey gudiga-qilaafaadka doorashada ?

    Xaange waa runtaa oo gudigani waxuu isku xirxiraa ULO iyo XARGO lkn ABEESO weyn oo HALQAFTA ayuu Alle ku soo daayaa , waana sababta uusan wax uga faa’iidin kii sameystay gudiga !

    Xasan Sheekh Maxamuud baa yaabay !




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...