Madaxweynaha Eritrea oo booqasho ku tegi doono Dalka Jabuuti (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa Isaias Afeworki dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadolu ku sheegay in Madaxwayne Isaias Afeworki uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

Isaias Afeworki ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaagga iyo nabadgalyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wadaxaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ku dagaalameen Jasiiradda Dumera oo dal walba uu sheeganayo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Iskaashi dawladdaha geeska Africa ee aysan ku jirin JABUUTI Waa midaan aniga i qusayn MARKA waxaan uga diga Farmaajo/Khayre inaysan qayb ka noqon meel SOMALI lagusii kala qaybina. WBT




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...