Dawladda Maraykanka oo Muqdisho ka Furanaysa Safaaradii, Kana hadashay Guulaha Dalka iyo Xidhiidhka wacan

Muqdisho ( Kalshaale) Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dhawaan dib ay u fureyso saafaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib u bilaabeyso dhaqdhaqaaqi diblomaasiyadeed ee joogtada ahaa ee magaalada Muqdisho.

Go’aakaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo hagaagtay xaaladda Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay, waxaana ay horseedeysaa in Mareykanka ay dib safaaradooda kaga furtaan magaalada.

Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeysay in dib u furashada Safaaradooda ay keeneyso sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu ku kalsoon yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka la wanaajiyo.

Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray waxii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii, xiligaasi oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay Weerarkii Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Nuurkanederland says:

    Wacade Balaayaad soo dhawaysateen!!!.
    Gacmaha Maraykan waxaa kumaqan
    Somaliyadii hore.
    Ciraaq.
    Suriya.
    Libya.
    Yemen.
    Falastiin.
    Afgaanistan.
    Doorashadii Masar.iwm.
    Maraykan waa Balaayo Balaayo kaa fogna lama
    soo dhawaysto.
    Safaaradda Maraykan ee Muqdisho imaanaysana kaliya waxay faa’iido u tahay ISIS & Alshabab why? si fudud bay kooxahaasi uga heli doonaan Hubka,Qarashka,Macluumaadka iwm.
    U.S.A.stop Funding trerest=Argagaxisada.
    Hadii kale Wigladda Tumo.
    Donald Trump says:Obama he founded of ISIS.
    ISIS=Israeli Secret Intelligence Services.
    ISIS they are Israelian toilet paper,sure.isn’t Muslims.
    Stop Propaganda:-
    ISLAM BAN.
    ISLAMO PHOPIA.
    Stop.stop.stop.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...