Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay

Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay Ergooyinkii Nabadda ee ka tagey Gobolka Sool, Kadib markii uu Fidiyey Gogasha Nabadda si loo soo afjaro Colaadda deegaanka Dhumaay ee koonfurta gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaaa la magcaabay gudi ka kooban 15 qof oo soo dajiya ajendayaasha sida loo geleya hawsha laba dhinac , ergooyinkan oo kooban mid waliba 21 xubnood ayaa la dejiyey guriga martida ee Qaryaan dhoodaan .

Sidoo kale , Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa balan qaadey inuu hawshaa u dhameeyo si ay ku dheehan tahay Islaamnimo , Soomaalinimo iyo waliba ehelnimo , Wuxuuna guuldarro siyaasaddeed iyo mid dhaqan ku tilmaamay colaaddu inay degaanka Wakhti dheer ka jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Deeq Waxbarasho siiyey 30 Ardey, Wuxuuna horey kaalmo Bin’adannimo u gaadhsiiyey dadkii ay saamaysay Colaadda deegaanku.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (21)

  1. gaafaw says:

    rajmantiga 13aad ee ciidan gaara ah qeybta doolo oo gaadhey gobola sool walee nimanaa gavcanbaa utaagay
    shalaqe weyrax ayaa yaabey

  2. Garqaad says:

    Gafaaw waan ku salaamay.

    Iska iloow ileey kaba qaad amxaaro.

    Tageer hogaamiyahan sare.

    Waa ninkii iigu horeeyay oo kablalax ah oon ahayn kaba qaad. Kkkkkk

    Dhulmahaante hadda ayey heshiibayaan saa wexey heleen nimaan iyaga ahayn oo u kala garqaado. Hambalyo ayaan leeyahay mudane cagjar.

    Ileey meeqa sano ayaa lagu xukumay nasiib ayuu leeyahay in la daldalo ayey ahayd.

    • khaatumo haanoolaatoo says:

      Garqaad
      salan sare sxb dhulbahante iyo ogaaden marka
      laga yimaado Daarood mataqaana waxay isuyihiin
      sxb nimankan garta qaadaya waa isku kablalax
      laandheere ismayaqaan yacni iskuma xidhna
      sida laangaabka maylasocota

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Akhyaarey raalii iga ahaada, Abwaanki wuxuu yiri; “CADCEED SOO BAXDABA NOOLE WAA KU CIBRA QAATAAYE”. aan ku darsade WAXAAN horay u sheegay inaan marna aan 80tanki sanka u saaranahay MARNA aan 27jir ahay HADDABA 27jirnimadi ayyaa ila tagte WAXAAN cafis weydiisana Laalays & Garqaad intaan XAGXAGTAY. WBT

  4. gaafaw says:

    @ garqaad
    kablalax waa 10 million sadex wadan degan ,maraas hadeyna jirin darood majiro cabdi iley waa raaxysanaya,geesi geesi dhalay axmed gurey sayida cmc soomaali sadexdaa geesi ayaye leedahay

  5. Idoor liqe says:

    Gaafaw

    Salaan sare sxb .

    Dhulbahante iyo Ogaden Maxay isku yihiin ? Kkkkkkkkkkkkkkk

    Mida kale majeerteen iyo Dhulbahante maxay isku yihiin ????? Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Axmed Madoobe baa yaabay kkkk

  6. Garqaad says:

    Axmed somali asc
    Kkkkkk

    Sheekh cumar sheekh ibraahin cali gacal. Waa adeerkeey.

    Ma jiro qof aan qaldamin in lees wada cafiyo waa muhiim ragga golaha ku golaaftamo ayaan nahay. Marna is qaniino marna heshiis.

    War bal Anna iska keey cafi oday adeerkeey ah oo xishmad iga mudan ayaan mufaaq ku sheegay. Mugaan warkiisa u bogi waayay.

    Rag waa kii is qaniino hadana halkaas kaga tago.

  7. gaafaw says:

    @ iidoor liqe
    sxb your funy barigii devish1 mad xusuusataa allgalgaduud
    dhuloos iyo ogaden are kablalax,
    faarax laanjeer ayaa yaabey

  8. Idoor liqe says:

    Gaafaw

    Madaxweynaha Cagjar wuxuu deeq waxbarasho siiyey 30 arday oo ka imaneysa gobolada Sool iyo Cayn.

  9. Nuurkanederland says:

    Allaah Yahdiik.
    War caqligu hashaqeeyo.

  10. Idoor liqe says:

    Deg deg

    Dowlada puntland ayaa goor dhaweyd Degmo u aqoonsatay degmada Ceegaag ee gobolka Cayn .

  11. Dabshid says:

    Liqe

    Kkkkk

    Dowladda Puntland, Allow Max’ed Siyaad u naxariiso, ceel Biyood degmo ama Gobol loo magacaabo waa Cudurkii uu nooga tagey Qarankii Qabiiloobey.

    Degmo uma baahna soomaali, ee waxey u baahantahey NABAD iyo Horumar.

  12. Mr BaHaL says:

    Cagjar waa in lala shaqeeyaa Somaliyeed.

  13. Garqaad says:

    Gafaaw
    Kkkkkkk

    Maxaa tiri cabdi ileey waa raaxeysanayaa.
    Haa raaxo ayey u tahay in uu xabsiga canjeera xabashi ku cuno saa wexey ahayd in baabuur gadaal looga xiro ee jigjigo lagu soo wareejiyo si.ay arkaan dadkoow walaalahooda gowracay

  14. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Garqaad adeer, adna cafis & musaabax BALSE waxaan iga reebanayn inaan siyaasadda Somalia & Dawladda aan si xalaala ugu muranno. WBT

  15. Dabshid says:

    Nabadeyntii Celi Cumar iyo Mataan Cabdulle oo loo rarey Wajeer, markey wax ka qabanwaayeen Abgaal kale/Mudullood iyo Hiraab Guud.

    Nabaddu waa iney ka timaado dadka deegaanka wada degan, Cagjar miyaa geed ka waaban Sool uu ku kala ilaaliyo.

  16. Mr BaHaL says:

    Waar hayna wareerinina.Cagjar waxaa u taala hawl badan;onlf oo meesha Ordaysa,Heego oo huwatay calankii Onlf,dawlada uu Cagjar hogaaminayo oo masuul ka ah wadanka,Jidwaaq oo meel fadhiya,Somalidii kale oo yaaban iyo siyaasad la’aanta Somalida oo isku milmay.

    Cagjar wareerka la dhaafa oo Dagaalkiina iyo qayladiina la dhaafa Kililka.Reer Somalida,ma gartooda uunbaa lagu jirayaa?

    Embagati – ilaa Masar ayay soo martay garta loo naqayo dad Somaliyeed.

    Waar Somalida waa in la sumayaa oo meesha la dhaafiyaa – aduunyadii iyo aakhiradiiba dad seeegay ayay u egyihiin.

    Wax ay heshiis ku yihiin waan waayay.

    Dalmisa

  17. Jabhad says:

    Oo sowtu muuse biixi laha nabada sool iyo ergada

    Timada anaa masul ka ah hadalkaas aya sababay

    In cagjar iyo jigjigadii qabobayd gogosha la dhigo

  18. Idoor liqe says:

    Jabhad

    Ma Riwaayada Hargiesa baad run mooday kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  19. Idoor liqe says:

    Dabshid

    Sxb Cudur puntland la dhaho baa ku haya , ilaahay ha ka caafiyo. Mida labaad puntland la’aan Somaliya waa zero , hadey dhul tahay iyo hadey dad xadarad leh tahayba . Kkkkkkkkkk

  20. Jabhad says:

    Liqe

    War odayga muuse ah wuu riyoda marku rabo lool

    Sidan maqlay aad bey uga carodeen gogosha la

    Dhigay jigjiga doorka danbena gaarisa la gaynayaa

    Adan bare du.ale ayaa ergada la so hadlay war

    Reerkan ilaah baa ka dhigay laabdheraha geeska




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...