War deg deg ah: Xaalada Baydhaba iyo Warar sheegaya inuu Shariif Xasan ku dhowaaqayo Iscasilaadiisa (Warbixin)

Baydhabo ( Kalshaale ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaasoo ku saabsan hadal heyn iyo xan hoose oo sheegeysa inuu is casilayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyay uu saarnaa cadaadis siyaasadeed uga imaanayay Siyaasiyiinta kasoo jeeda iyo dowladda Federaalka.

Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana warka ugu badan ee Baydhabo laga helayo ayaa ah in Shariifka uu ku dhawaaqi doono inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kana haray tartanka Doorashada Koofur Galbeed.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in galabta 4-ta galabnimo looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed shir jaraa’id oo aan loo sheegin cida qabaneysa, balse loo badinayo in Shariif Xasan qabanayo, si uu ugu dhawaaqo is casilaadiisa.

Wararka ka soo baxaya Baydhabo aad ayay u kala duwan yihiin, xaalada siyaasadeed weli waa mid aan sal laheyn, marka loo eego is bedelada saacadba saacada ka dambeysa dhacaya.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii uu soo shaac baxay warka ah inuu Shariif Xasan is casilayo, balse waxaa lama filaan noqotay oo dhinac kale siyaasadda isku bedeshay, markii ay is casileen Guddigii Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay iska casileen 15 xubnood ka mid ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. Dabshid says:

    Waa macquul inuu is casilo maxaa yeelay intaan reer Qurac aheyn Casilaada iyo Tanaasulka Ceeb lama ahan.

    Reer Qurac waa in lagu dilo ama lagu xiro, kii aqli lehna Carar maxaa dhaamo.

    * Cadka rag isku raaco/dilo ama cuney ama u dhintey waaye warkoodu.

  2. Dabshid says:

    Farmaajo ayaan ka sugeynaa inuu ku soo biiro taariikhda Masuul Shanta Soomaaliyeed oo xilka wareejiyey asagoo garab taagan ninkii xilka kala wareegey.

    1. Rasalwasaare C/llaahi Ciise to Aadan Cadde

    2. Aadan Cadde to C/rashiid Sharma’arke

    3. Cali Mahdi To C/qaasim

    4. C/qaasim to C/llaahi Yuusuf

    5. Nuur Cadde to Shiikh Shariif

    6. Shiikh Shariif to Xassan Shiikh

    7. Xassan Shiikh to Max’ed Farmaajo

    8. Max’ed Farmaajo …… ? Waa Taariikh UGUB AH.

    Nimaan Hiraab aheyn oo Kursiga 5ta Soomaaliyeed wareejiyey (without blood and Exile) ninkii sheego waa beenlow.

  3. Laalays says:

    Shariif Shir jaraa, id haduu qabto wuu ku cadayn in mudu uu xilka sii haynayo. is casilaad ma samaynayo!

    kkkkkkkkk

  4. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Ama Xabsi ayuu Aabihii ku wasaa sida Ina Ilay.
    Ama orod ayuu ku tagaa U xaduudka Boranta.
    Adigu aqlaad leedehee carar maxaa dhaamaa !!!

    kkkk

    Shariifku hayska tago oo sida dadka xorta ah ha u fikiro.

    Dalmida

  5. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Shariif Xassan asagaa choice leh, inuu tanaasulo oo Xamar Cambe ku dhuuqo sida Faroole ama inuu Cararo oo Nairobi Kabar yar Qaad ku cuno sida Moorgan, ama inuu Xassan Daahir UGUS shaaha kula cabo Godka Jilicow.

  6. xassan yare says:

    shariif xasan haduu tago kukale oo raxanweyn ayaa kursiga ku fariisanhaya kolkaa mooryaan hawiye iman maayo dawlada koonfur galbeed madaxna kanoqon maayo ama mooryaanta habargidir iyo abgaal iskadaa shiiqaal sheegatada hawiye iney wasiirka helaan dawlada federaalka
    viva shariiiiiif xasan shekh aaaadan

  7. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Waxaan maqlay in Shariif Sakiin la siiyay digniin.In amar lagu siiyay inuu iscasilo oo uu doorashada ka hadho.Hadii uu sidaa yeeli waayo la xanibidoono lacagahiisa Emaaratka.

    Waxaan maqlay in dawlada Somaliyeed saartay cadaadis run ah oo la keenay cadaymo la hubo inuu musuq badan ka macaashay muddo dheer.

    Iyo inuu Alshabaab la shaqaysto.Cadaybo ayaa la soo hor dhigay.

    Dalmida

  8. Mr BaHaL says:

    Waar xagee loo kacay?

    Guushii ugu waynayd ayay gaadheen Madaxdii Somaliyeed.

    Dabaal dega ka soo qayb gala kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Inangumeedyadii oo sii dabar go’aya.

    Dalmida




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...