War deg deg ah: Shariif Xasan oo ku dhowaaqay inuu iscasilay kana hadhay Doorashada Maamulka K/Galbeed

Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta iyo masuuliyiin kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo xil heynteeda maalmo uga harsaneyd, waxa uuna si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa damacsanaa in uu waqti dheeraad ah ku darsado xilkiisa uuna abuuro xiisado siyaasadeed, hasa ahaatee damaca Shariif Xasan ayaa fashilmay kadib markii cadaadis saartay Beesha Caalamka

Shariif Xasan ayaa tanaasulka uu sameeyay loo sababeeyay in ay ka dhalatay cadaadiska beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero balaaran siineysa qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (20)

  1. Dabshid says:

    Ului Alaaa – Alalaas waaye waxaas.

    ” Gobtu waa tanaasushaa oo taariikh dambey rabtaa.

    – Taangi Tigree kuma tiirsanoo tolkey u tanaasulaan

    – Afar faataxaa ka roon taariikh xumoon tirmeyn.

  2. xassan yare says:

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Furay Shirka Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada

  3. Dabshid says:

    Governor Waare horow Boondheere bun ugu dubtey

    Xaafna Shaakirow wakiishey

    Shariif Tanaasulow tolkiis ka yeelay.

    ( Kablalax Taangi Kuukuuyo iyo Cadkaa Qaranimo uga roon).

    * Taangi Kuukuyo waa tagaa sidow u tagey midkii Tigree, Taariikh xunse tirmi meeh.

  4. Mr BaHaL says:

    Wataa,wataa.wataa Gobtii!!!

    Sharifoow iska fadhiiso oo Cambaha iska dhuuq intii aad cararilahayd adoo da’daa jooga.

    Waxaa iigu daran koxdii uu ahaa Madaxwaynaha kkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Kooxdii Kablalax ee u doortay Madaxwaynaha Mooryaanta Kablalax ee ku jira dagaalka hunguriga.

    Dagaalkii ugu daba dheeraa ee Somaliya ka qarxa,kaasi oo ilaa haatan socda.

    Dalmida

  5. Dabshid says:

    Daanyeer ayaa ka didey libaax markaas ayaa waxaa la cararey Libaax yar oo muddo Biyo la cabahayey daanyeerta.

    Libaaxi weynaa ayaa gacanta soo qabtey markaas ayuu dhahey
    War bal halmar dhawaaq – Gaagggggg
    Daanyeertii ayaa didey, you see – waa adiga ninka daanyeertu ka carareyso markaas ayaad adiguna ayaga dabo ordeysaa.

    Xaaf
    Waare
    Shariif

    Ayaa fadhiyey meel lagu duminhayo Qarankii Soomaaliyeed ha iga harto.

  6. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Kkk

    Madaxweyne waxaa u ah oo Soomaali oo dhan ka jecelyahiin UHUURO KUUKUUYO

    soo maadan ogeyn inuu Kabo-qaad Ducaale lahaa Uhuuro waa walaalkey Kablalax Daarood ah.

    Horeyna C/llaahi Mahbar iyo Faroole ayaa lahaa Meles waa walaalkeen Jaberti Tigree

    – Meeshuu Cadku la galo ayaa Tol iyo Qaran u ah.

  7. somalijecel says:

    Waxaan filayaa in uu dumay geed hoos xun oo uu shariif somali u jiday,waxaan filayaa dhowr iyo toban sanno ayuu ka macaashay shacabka degaankaas wuxuu ahaa muqarib aan naxariis lahayn aaminsan in uu isagu un lacag ka haysto sidaa darteed uu iskaba leeyahay.
    Waxaa ku xigga Gaas isaguna shacabka Puntland ma soo celin doonaan.
    Axmed madobe meel dheer ma jiro isagu waa ka fudud yahay intan kale,duq xaaf na jilbaha ayaa dhulka loogu dhuftay walalaha galgaduud si hoose ayaa loo wada hadlay Carabay wuu tagayaa Xaaf 7 bilood buu dhamaysanayaa mana soo noqonayo frequecy walalaha galgaduud oo yara lumay waa la soo helay markaa waxaan ka rabnaa qoladaan Farmajo/Khayr af-cad oo Somalinimo.
    1-Amaanka gacan bir ah lagu qabto.
    2-Ciidan qaran oo qof kastaa isku aamin karo.
    3-Canshuuraha oo 1 count leh.
    4-Shacabka oo xaquuq nooc kastaa u siman yihiin.
    5-Cadaaladda oo wax laga qabto haddii intaa laga waayo
    WAA IN LAGU GUURAA DAAQADAHA LOOGA DHACAA DHAGAX LAGU DILAA.

    BYE BYE SHARIIF

  8. somalijecel says:

    kkkkk Abdullahi Sheekh Xasan ninkii ka cararay ESOL COURSE.
    Ninkaan wuxuu baran waayay course ESOL ah wuxuuna dhihi jiray eebow yaa hela 100,000 kun pound guri ooga gato Birmingham kkkkkk
    British passport ayuu sugaayay markuu helayna wuxuu aaday musuqmaasuq kkkkk
    damiin oo dhan baa tagay dalkaas ayaa la rabaa inuu cagadhiisa ku istaago.

  9. Dabshid says:

    somalijecel

    Abdullaahi Sh. Xassan wuxuu ka loo ku jirey -Kabo-qaadyadii Meles Tigree,

    Aniga, Eng Yariisow,Tarsan, Xildhibaan iyo Cumar Calasow ayaa ka ceyriney UK, asaga iyo Mid Xawaadle ahaa oo Xooshow la dhaho.

    Adeerkey Cali Jarmal ayaa dhahey, Kan naga daaya waa Lo’a giziye.

  10. Mr BaHaL says:

    Waar Odaygii Xaraamiga ahaa ee soo taagnaa ilaa wakhtigii Cabdullaahi Amxaar soo Xambaare wuu ku daayay.Waa in la xidhaa oo Dambiyadii uu galay dib loo eegaa.

    Somaliya waxay balaayo ku dhigtay – wixii dambi la galay lama hayo cidloo xidhayba.

    Shariif waa in laga bilaabaa

    Dalmida

  11. Maxamud says:

    Waxaa hada final isugusoo baxay kooxda farmaajo iyo labada maamulgoboleed ee daaroodka hawiyihii iyo raxanweyntii waa lasoo dardaray coyaarta harsan waa ciyaar adag wax lafiirsado ayeey leedahy kkkkkk

  12. Maxamud says:

    Coyaarta=ciyaarta

  13. Garqaad says:

    Intaasuba waa raganimo ninka ragga in uu maalin uun tanasulo. Wexey u geleysaa tariikhda.

    Bye bye shariif xasan.

    Kuleey kuwaan ogahay ma gartaan in ay tanasulaan in qoorta laga soo qabto moyee.

    Fashilkii federaalka hunguriga ayaa socdo

    Axmed madoobe tolow ma leeyahay xaniinyaha shariif xasan oo kale mise isagu kaare kukuuyo ayuu dugaashan yahay.

  14. Mr BaHaL says:

    Axmed Madoobe oo shir gudoominaya wasiiro ku sheegii Mooryaanta ayaa lagu kala yaacay Baydhabo kkkkkkkkkkkkkkkk

    Mr Sakiin Libaaxbaa raamsaday kkk

    Mr Madoobe waa nest victim.

    Dalmida

  15. Garqaad says:

    Mr bahal waan ku salaamay

    Shariif xasan isagaa ayaa shaqsi xun ah laakiin wuxuu kasoo jedaa dadkii gobta ahaa. Ashraaf aka samaale.

    Axmed madoobe in la dilo ama laga hantataqiya moyee firba uma lahan in uu kursi ama hunguri ciyaar uga tago. Kkkkkk

    Xasan cali kheyre ayaa isoo maagay mana cararin been dheh

  16. Land of Punt says:

    Shariif Xasan waad mahaxdsantahay hadaad isgaratay.
    Koofur Galbeed waji cusub iyo nin energi haya u baahan yihiin.
    Guul reer K Galbeed.🌎

  17. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Haa,waa nin Samaale ah,laakiin waxaa soo tababaray – Cabdullaahi Amxaar xambaare.Akhirkii waa kaa isdaba qabtay ee iska ragay kkkk

    Wuxuu ahaa Libaax Dayeer la qadhaabtay.

    15 sano ayuu ismoodayay inuu Dayeeryahay.
    Maanta ayuu Ogaaday inuu Libaax yahay.

    In la cunayo Shariif oo aanu isasoo sharaxayn waxaan maqlay,3 cisho ka hor,laakiin warkaasi aadbaan u sugayay inuu run noqdo.

    Dalmida

  18. Raamsade says:

    aniga fikir ahaan dagaal oogayaalka cusub iyo candho wadaag waa isku key mid intuba talo qaran ma hayaan eee ha is wada casileen oo dhalinyaro wadanka hore u socodsiinkarata xilka halagu wareejiyo

  19. somalijecel says:

    @Dabshid,Garqaad,Mr Bahal Lop waan idin salamayaa sidoo kale Maxamuud.
    Cayaarta 2 maamul ee daaroodka waa ugu sahlan tahay.
    1-Reer Puntand iyagaa isku maqan mana filaayo dabayshan in ay is hortaagi doonaan A-Ethiopia taageero lagama haysto
    B-International community(spoilers)iridaasna waa laga soo xiray.
    C-Kenya albaabkeeda wuu soo xirmay.
    Markii horeba meelo waaweyn ma aysan gaarsiisnayn ee itoobiya/kenya un baa jaajuusiin loo ahaa.
    D-Absame iyagaa la kala celcelinayaa oo Axmed madobe wuxuu la yimid sheekadii daanyeer Bare hiiraale,Morgan,iyo Jees.
    Ilkayar baa nasoo weeraraysa waana la waayay ankee meel 1 habeen weerar looga hadlay waliba nin kale oo Absame ah keena aan la shaqaynee ayuu diidan yahay.
    Anigoo ka mid ah taageerayaasha waaweyn ee Axmed madobe markuu fakar qabiil la yimid baan ka haray,isagu wuxuu ku xiran yahay inta Buaale ciidanka dawaladda ay ka qabsanayaan Kismaayo cid doorasho ku qabanaysa ma jirto Buaale waxaa laga soo galayaa 3 jiho-Mudul baraawe xamarka Jilib,dhinacaan Diinsoor iyo dhanka Baardheere Axmed isagoon illalo wadan ayuu imanaya Buaale ama wuu is casilayaa.
    Sidoo kale just last week illaa 50 qori ayaa lagala baxsaday Axmed ciidankii kuwii reer kilalka ayaa sameeyay ma aqaan sababta
    WAXAAN KA RABNAA QOLADAN VILLADA WAR QOF WEYN OO SOMALI AH, NADIIF KA AHA QABIIL IN AY NOO KEENAN.HADDII AY KEENI WAAYAAN QOFKA UGU HOREEYO EE KU JIHAADA AYAAN NOQONAYAA INSHA ALLAH

  20. Ali Zubeer says:

    Sakiin markii horeba mahayn nin meesha Xukuma. Xabashi iyo qadaadwayn ay maamushay Bay iyo bakool isagana wuxuu ahaa suurad qudha.

    Is casiladiisu waa been macna badan samayn karayn bal dan baan u gaysay.

    Axmad Madoobe isagana ma sii joogi doono waayo waxaa soo socdaa rag culus oo degaan ah oo doonahaya inay ka xoreeyaan degaankaasi.

    Abdiweli waxaan filayaa in reer Puntland meel saari doonaan meel dhow.

    Marka qabyaaladda halaga gudbo.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...