SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi ka socday dalka Turkiga

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas Mudane Hulusi Akar ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, taasi oo asaas u ah in ciidanka Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay dadaallada Dowladda Turkiga ee tabobaridda Ciidamada Qalabka sida iyo sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey, iyaga oo xusay sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay joogtaynta xiriirka istaraatijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Turkiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Wiilkii Reer Mudug ee xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey +Jacaylkiisa [Dhegayso]
- Jan 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku ...
Daawo: Sheikh Kenyaawi iyo Ciidanka Booliska Somalia Wixii dhexmaray iyo Dardaaran uu siiyey Maanta [Muuqaal]
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana ...
Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...