MUUQAAL: Afhayeenkii Maamulada oo Iscasilay iyo Dhabar wayn oo Gaadhay Gollaha Kadib iscasilaadii Shariif Xasan

Baydhabo ( Kalshaale ) Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo, Wuxuuna go’aankan qaatay markuu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid, waxaana Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha.

Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xidhan dowladda dhexe ee Soomaaliya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (11)

  1. Abwaan deeq says:

    @waxaan sugnaaba Waa iscasilaada @Gaas teneg.wbt

  2. Ahmed Najaad says:

    Soomaali ninkii lugooya in laga qabto waa wax lagu farxo laakiin wali faanoole fari kama qodna.
    Anoo puntland jiritaankeeda taageersan haddana lama dhicin sida Gaas wax ku wado oo jafaajiraqa ah. Ahmed madoobe asagu sheegid ba ma leh oo maamulkiisu fadhiid bii nuqday aan kismaayo dhaafin

  3. Ahmed Najaad says:

    Guul nabad iyo nolol
    Guulo is dabajoog ah bay ka gaareen siyaasadda arimaha dibadda iyo gudaha

  4. Dabshid says:

    Ahmed Najaad

    Waan kugu amaaneynaa maskaxdaada furan een Qufulku saarneyn.

    Showdhe – adeer Xaaji Xersi Jaamac ayaad tahey.

  5. Laalays says:

    Shantii Garac ee koonfur dhashay, hada imisaa ka hadhay/nool?

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Laalays says:

    Waxaa dhaxalkooda yeelan alqushaash oo cali zubeer aka zero hogaaminayo!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Ali Zubeer says:

    Markii horeba waxa uu ahaa maqaar saar aan job description lahayn.

    kkkkkk

    Laalays

    Geed waxaa ugu ayaan daran kan biyaha ku dhex qallala. Waxaan cisha dhowayd arkahayay adigoo i xamanaya sidii habaraha gowza xiinka ah. Ogow Suldaanku waa nin aragti ku saabsan qarannimada iyo midnimada Soomaaliya leh. Unlike you oo ku indha beelay beenta labada habarood ama habar Xabuusheed oo maanta meel cidla dhigtay riyadii beenta ahayd.

    Alqushaash kulahaa

    Miskiin u xiisay ina Ileey ee daafida ku cuna xabsiyada Xabshida

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  8. Garqaad says:

    Mar ay ahaatadaba godka jilicoow waa lagu goynayaa doqonoow.

    Cabdulaahi sheekh xasan. dowladdi xasan sheekh ayaa gurigiisa ku weerartay si loo geeyo godka jilicoow nasiib darro waa ka baxsayay inkastoo shabaqaas axmed daaci ku dhacay. Hadana muhiimaddu isaga ayey ahayd. Maalintaas siduu xamar uga cararay wuxuu u galay shariif xasan.

    Hadana maalin ay noqotaba xabsiga waala geyn donaa.

    Tanasulkii shariif xasan. Iyo iscisalaadii afhayeenkii. Wexey cadeyn u tahay koofur galbeed in ay ka baxday kasii mid ahaanshihii golihii qiyaano qaran ee maamul gobaleedyada.

    Axmed madoobe oo iskugu yeeray wasiirada maamulada pudland iyo jubaland. Kkkkkkk

  9. Mr BaHaL says:

    Waar Ninkii loo doortay Madaxwaynaha Madaxwayneyaashaa Maamul Goboleedyada – Aka Shariiif Sakiin meel gaaban ayaa looga soo baxay kkk

    Kuye, ciidan ayaan dhisaynaa oo dawlada Somaliyeed nama matasho.

    Mabay ogayn inay dambi ku jireene waxay moodayeen meesha Somaliyadii hore ee wixii la doono lagu hadlayay.

    Caalami ahaan Dambi ayay ku jireen oo waxay dhisayeen ciidan aan sharci ahayn.

    Waar bal hala waydiiyo meesha uu ku dambeeyay ciidankii ay dhisayeen kkkk

    Waxbaa ka dhacay meesha

    Dalmida

  10. Land of Punt says:

    In gobolada ciidan dhistaan wax ku jaban ma jirto hadday amnigooda sugayaan..waana ciidan qaran Ciidamada gobolada.
    Danta ayaa keentay mar haddii daanyeerta Xamar jooga oo billions dolar hela ciidan dalka difaaca dhisi waayey ilaa 2004 dowladda Xamar fadhiday.
    In Ungandese jeedal la dhaco raali ku ah oo caruurta ka laayo oo dumarkooda horbooda ku bahdilan.
    Afka noolayaal.ūüôÄ

  11. Land of Punt says:

    Dad Alshabaab Xamar baad uga qaadan oo gobolada ku rafanaya..kkkkkkk
    Horta gurigiina xaaqa marka hore inta rag kale gurigooda ku mashquulin.
    Gaas 5 sano xitaa Puntland ma joogin, haddii laga guulaysto iyo hadduu guulaysto labadaba waan soo dhaweyn..
    Nabad iyo nolol in dadka loo raadiyo ayaa ii muhiin ah.
    Haddaad aqli leedihiin; Xamar waxaa nafta kusoo celiyey in gobol nabad ah jiray oo atleast meel Somalida ku wada hadlaan dalka dhexdiisa suurto geliyey.
    Gobolada hala qaso, Xamarna hore u qasnayd..
    Failed state iyo chaos lee fahmaayaan.
    Waa haddii la idinka yeelo.
    Daanyeer, by Cadaado.
    KkkkkkkkkūüĎĽ




Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...
Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa helay, Kana hadlay Shirqoolkii uu ka badbaaday + Kulankii Mustafe Cagjar
- Jan 21, 2019
Jigjiga  ( kalshaale ) Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin ...