Cajiib: Boqorka Sucuudiga oo Markii ugu horaysay Booqasho ku maraya Gudaha dalka Sucuudiga

Muqdisho ( Kalshaale ) Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan ayaa billaabay booqasho gudaha dalkiisa ah markii ugu horreysay tan iyo markii uu qabtay xukunka boqortooyada, xilli haatan uu wajahayo dhaliil caalami ah oo ku aadan dilkii wariye Jamaal Khaashuq-ji.

Maalin kasta wax cusub ayaa kasoo kordhaya xaaladda uu ku dhintay weriye Jamal Khashoggi, waxaana weli taagan cadaadis arinkaa ka haysta dowladda Sacuudiga.

Falcelinta arinkaasi ee dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ah in fadhiga laga kiciyo boqor Salmaanka 82 jirka ah, oo bilihii la soo dhaafay awood badan gacanta u galiyay wiilkiisa dhaxal sugaha ah.

Socdaalka uu ku marayo dalkiisa ayaa Boqor Salmaan fursad u siinayso inuu u muuqdo astaan mideyneysa Sacuudiyiinta.

Qaar ka mid ah shacabka dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay in isbedellada dhaqaale iyo kuwa bulsho ee uu soo bandhigay dhaxal sugaha ay khatar uga iman karto tuhunka ah inuu ku lug lahaa dilki lagula kacay wariye Khashoggi.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Wiilkii Reer Mudug ee xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey +Jacaylkiisa [Dhegayso]
- Jan 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku ...
Daawo: Sheikh Kenyaawi iyo Ciidanka Booliska Somalia Wixii dhexmaray iyo Dardaaran uu siiyey Maanta [Muuqaal]
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, Islamarkaana ...
Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...