Faallo Doorashada Puntland, Culimada, Federaalka iyo Saamiga Haweenka.

Garoowe  ( Kalshaale ) Maalmahan waxaa loolan doorasho ka socdaan maamul goboleedka Puntland, waxaana badhtamaha looga jiraa arrinta ugu adag ee soo xulida xildhibaanada Puntland oo tiradoodu dhan tahay 66 xubnood waxayna maraysaa xilligan xaaladdu goob xaasaasiya.

Federaalka : Ilaa xilligii xukuumaddii Carta dawlada dhexe saamayn ayey ku lahayd doorashada Puntland , xilligaas dawladdii lagu soo dhisay Carta iyo ilaahay hawnaxariistee Cabdilaahi Yuusuf col ayey ahaayeen, waxaa xukuumaddii Carta lagu eedeeyey 2002 in ay saamayn ku lahayd soo bixi taankii Jaamac Cali Jaamac iyo rididii Cabdilaahi Yuusuf, waxaa hadana lagu eedeynayaa in ay Murashaxiinta saamayn qaarkood ku leedahay waxaana aad loo hadal hayaa Jabiye iyo Diini.

Culimada : Puntland Culimada ku nool oo xilligan u badan ragga afkaarta salafiga xanbaarsan saamayn ayey ku leeyihiin soo xulista xubnaha golaha wakiilada iyaga oo og saamaynta ay ku leeyihiin bulshada iyo oday dhaqameedka ayey waxay aad ugu dhiiri galinayaan qabiiladu in ay keenaan rag ay kolkaasi u ishaaraan , kuwaas oo tilmaamtu tahay in la helo xubno hadhow doorashada saamayn ku yeesha xubinta ay madax weynaha u dooranayaana ay ahaato mid ka duwan kuwii hore u soo maray Puntland.

Saamayntan oo aan ka xidhiidh fogayn tan Federaalka oo aad moodid in ay labada dhinaca ee wadaadada saamaynta ku leh Puntland ay la shaqeynayaan dhinaca Federaalka, dhawaana qaarkood ay ka hadleen masaajidada iyaga oo tagaeeraya xukuumada Federaalka.

Haweenka : Haweenku waa laf dhabarta bulshada waxayna aad u raadinayaan in ay xildhibaanada ka helaan xubno , golahan Hadda xilka baneeyey tirada haweenka ku jiraa aad ayey u yarayd haddaanay hal gabadha ahayn, hasa yeeshee dhaqanka deegaanka iyo culimada arrintan oo xilligan saamayn ku lihi Ma soo dhaweyn in haweenka tiro looga qoondeeyo xildhibaanada golaha wakiilada Puntland.

Arrinahaas oo dhan marka laysku daro waxaa muuqata in Puntland ay ku soo fool leeyihiin xaalado isabadel mugweyn salka ku haya, doorashadan soo socotana ay noqon karto mid Puntland waddo cusub u furta, gaar ahaan dhinaca Federaalka faa’iido ugu jirto haddii ay ku guulaystaan xubnaha loo tiiranayo doorashada soo socota.

Isbadelada la filayo ayaa waxaa horseed u noqon kara dhalinyaro aan yarayn oo golaha wakiilada lagu wado in ay soo galaan, isbadeladan ayaa haba yaraatee la filayaa in aanay saamayn ku yeelan xaaladda gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn oo sidoodii sii ahaanaya, waana sababta aanay ilaa hadda xubno ka soo jeeda deegaankaasi isugu soo sharaxin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, inkasta oo lagu wado maalmaha ugu danbeeya in xubin deegaankaas ka soo jeeda madaxweyne ku xigeen lifaaqa xubin kasta oo Puntland usoo gogol fadhiisataa malxiis uga dhigan lahayd.

HALKAN  KA DAAWO MUUQAAL IYO OLOLAHA DOORASHADA 

Dhinaca qori isu dhiibka waxaa ugu cadcad Jabiye iyo Diini, Jabiye ayaa dhaqaale badan laga dareemayaa, goobaha uu booqdana deeq dhaqaale ayuu kaga tagaa, dhinaca kale waxaa ugu cadcad ee aan qori isu dhiibka ka soo jeedin Faarax Cali Shire.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Idoor liqe says:

    Puntland waa democracy, waxaan arka Rag reer Sool ah oo musharaxa ku soo dhaweynaya Gaalkacayo .

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Shaqsigaan waxaa taageerta YAHUUD. WBT




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...