TURKIGA oo gacanta ku dhigay cod iyo Muuqaal Dilkii suxufi Jamal Khashoggi

Istanbul ( Kalshaale ) Qaar kamid ah Warbaahinta Dowlada Turkiga ayaa xaqiijiyey in si qarsoodi ah laamaha amaanka u tuseen qaar kamid ah muuqaal iyo cod laga duubay jirdilkii iyo dilkii loo geystay suxufigaasi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbul 2dii bishan Oktoober.

Cadeyntan ayaa la sheegay in laga helay Saacada uu watay Suxufi Jamal oo ku xiriirsaneyd telefoonkiisa oo uu usii dhiibay xaaskiisa intuusan gelin xarunta Qunsuliyada.

Sida ay sheegayaan warbaahinta xiriirka dhaw laleh dowlada Turkiga muuqaalka iyo codka ay saacadaasi duubtay lagana helay telefoonka Suxufi Jamal Khashoggi iyo akoonkiisa telefonka Appel ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan cododka su’ aalo ay weydiinayaan sirdoonka, qeylo iyo waliba jirdilkii loo geystay suxufiga kahor intaan la dilin. Balse xogtan iyo cadeyntan maaha mid weli ay baahiyeen laamaha amaanka ee Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa horey u shaaciyey sawirada kooxda ka timid Riyadh ee la sheegay inay dileen suxufiga.

Turkiga ayaa codsaday in loo ogolaado inay baaraan Xarunta Qunsuliyada iyo Guriga uu degen yahay Qunsulka Sacuudiga ee Istanbuul, balse weli baaritaankan ma dhicin.

Waxaa isa soo tareysa cadaadiska saaran dowlada Sacuudiga iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salman, qaar kamid ah Xildhibaanada Maraykanka ayaa ku baaqay in cunaqabateyn lagu soo rogo Boqortooyada Sacuudiga.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...