Danaysiga siyaasadeed ee Puntland iyo Sida Maamulada kale aysan u fahmin !

Garoowe  ( Kalshaale ) Puntland caadiyan waa maamul ku caan baxay laba wajiilenimada iyo daneysiga siyaasadeed, waxaana jirtay xilli ay dhibaato iyo arbush ku haysay dowladdihii KMG ahaa sida tii Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan iyo Shiekh Shariif Shiekh Axmed.

Hadda oo ay soo bexeen Maamulo kale, ma muuqataa mid ay hoos u dhacday saameynteedii siyaasadeed waxa ayna majaraha u qabatay saddex ka mid ah shanta Maamul ee Koonfurta Soomaaliya ka hana qaaday.

Marka laga reebo HirShabeelle, oo dhawaan fahantay ujeedka siyaasadeed ee loo unkay golaha Iskaashatada Maamulada iyo danaha hoose ee Maamulka Puntland, inta kale waxa ay u muuqdaan kuwo ka dhoohan oo ka indha la’a laba wajiilenimada siyaasadeed ee Garoowe.

Maxaa ugu dambeeyey oo taas caddeyn u ah?

Waxaa shalay Garoowe lagu soo gunaanaday shir u socday guddiga Dastuurka dowladda Federaal-ka iyo guddiyahada kale ee heer maamul!

Ogow shirku waxa uu ka dhacay Garoowe!? Waa yaabe, miyeysan Maamuladdii wada shaqeynta dowladda Federaal-ka hakin oo miyeysan Puntland hormuud arrintaas ka ahayn!

Ku darso, dhawaan waxaa xubin Baarlamaan lagu doortay Garoowe oo uu ku soo baxay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xassan!

Puntland waa ay diiday shirarkii kale, iyo in wasiirada dowladda tagaan ama ay shir u qabtaan Garoowe. Sababta ay shirka dastuurka u ogolaatay ayaa ah, in dastuurkan markii hore ee la sameynayeyba ay ayada afduubatay oo danteeda lagu salleeyey, haddana ma dooneyso inay seegto go’aanada la xiriira.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO SHIRKA GAROOWE 

Puntland waxay mar walba sameyneysa wixii ay danteeda ka aragto, waa yaabe, miyeysan Maamulada ka quusan laba wajiilenimada Puntland! Mise waligood wey dhoohnaan doonaan!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (14)

  1. Jabhad says:

    Dwlada puntland iyadoo ilalinaysa danta federalka

    Iyo tan dowlad gobeledyada waa inay xaqiijisaa

    Dib u egista dastuurka dalka shirkii hada ku soo

    Dhamaday garoowe waxaa jogay wakiilo ka socda

    Dowlad goboledyada iyo dowlada dharxe qoralka

    Kore waa qoraal aan xaqiiqda laga sheegin garowe

    Iyo puntland waa hormuudka nabada iyo somalia

    Madaxda qaranka sida madaxwayne farmaajo iyo

    Raisalwasaare khayre waa laga tager san yahay

    Puntland iyo garoowe lool

  2. Mr BaHaL says:

    Ninkaasi arinka Wuu asiibtay.
    Away xidhiidhii ay jareen

    Hadba sidii ay wax KU helayaan ayaa sax ah.Oday Xaaf waxba ma fahansana e waa iska Dameeri dhaan raacda

  3. Dabshid says:

    Reer BARI waxaa Talyaaniga looga reebay Wuxuu idin siiyo ayaan idinka siineynaa Xamar, waala ogaa markey Xamar yomaadeen Dowladdii C/llaahi Ciise waxaa kursigiisa Ku maslaxeeyey Cismaan Axmed Rooble oo Muuse Boqor uga kacey.

    1967 markey buuq iyo Talyaani noo soo celiyo bilaabeen waxaa loo dhiibey C/Rashiid Sharma’arke, ayagii ayaa diley oo dalkii qal qal geliyey.

    1977 ayadoo lagu jiro Xoreyntii dhulka maqan ee Somaligalbeed, waxey reer Bari ka doorteen Mahbareyn lagu curyaaminhayey Xoogii iyo Sharaftii Qaranka Soomaaliyeed

    1984 markuu Max’ed Siyaad u balanqaadey Luf Luf maslaxo oo uu qaarna ku jiheeyey Beerihii Mashruucii Biyo-xireenka Balcad

    Qaarna Dhul ka siiyey Xamar, xilal kala dywana looga magacaabey Qarankii Qabiiloobey, waxey ka soo xaroodeen Addiss Ababa, C/llaahi Yuusuf oo ku jirey isbitaalka Masjaxda maahane

    Markey waayeen Luf Luf kii Xamar oo ay duntey Dowladdii Kacaanka,
    Waxaa ku xigtey Biyo Qaadkii MELES Waqtiguu Soo weerarey Caasimaddii 5ta Soomaaliyeed. Xataa waligiin miyaad aragteen nin dareemey sharaf dhac iyo yaxyax waaba la soo taaganyahiin siduu sheegay Cabdi Xoosh.

    – Soomaalidu waa iney labo kala doorato-
    Ama iney u ogolaadaan u adeegudda shisheeye
    Ama iney quuraan Luf Lufka Shisheeyahu dhiibo ( Amaana ugu daraan ).

    * Jirac Maradaa lagu dilaa, maradey noo galeen.

  4. Zaki says:

    Ciddii ay puntland ka caqli badisay ee intay huruday faji u walaaqday waa inay iska aamusaan oo nacasnimadooda qarsadaan.
    Puntlandbaa dastuurka noo qortay oo waanu qaadannay,maamuladii bay Ku curyaaminaysaa oo kula dagaalamaysaa dawlad Ku sheegta xamar fadhida oo dameeri dhaan raacday u noqday,dawladday curyaaminaysaa
    Kkk
    Dee miyaanay ahayn caqli lays dheer yahay inaad dhulkaaga dhisato cid kalena u yeedhiso waxaad adigu doonto ee dantaadu Ku jirto.
    YAA HURDADA DHEER KU GELIYAY.

  5. Dabshid says:

    Zaki

    Soomaaliya malahan Dastuur aan aheyd midkii 60kii,

    Midkaan laga hadlahayo waa xeer hoosaad, waxaa muddo 7 sano ah lagu soo qorahayey Dalka jabuuti,

    Garowe waxaa geeyey Shiikh Shariif si looga wada qeyb qaato, maadaaba ay tahey Garowe qeyb weyn oo ka mid ah Koofurta, waqtigaas ayey ku doodeen waa in 3 qodob lagu daro oo ahaa.

    1. In maamul kasto oo la dhisahayo lagu saleeyo 2 iyo bay – Okay ayaa la dhahey

    2. In degmooyin wax lagu doorto- Maya ayaa la dhahey hadaan loo laabaneyn degmooyinkii 1967

    3. In aqal sare la dhiso oo lagu saleeyo 18kii Gobol -Okay ayaa la dhahey

    Danta Shiikhu waxey aheyd in loo gudbo Dowlad iyo Parliament Soomaaliya leedahey, oo laga tolaabo Isbaarada MELES iyo Itoobiya, sidaas ayey ku timid in maanta dowlad iyo safaarado yeelano.

    Dabcan meysan fileyn.

    Inuu Ninkale Oo Daarood ah Madaxweyne ka noqdo Villa Xamar -waa buuqa hadda Socdee, ama kii Rasalwasaare Saacid ee Sawir kabeynta.

    Inuusan imaan doonin Maamul la dhaho Galmudug oo labo Gobol ah

    Inuusan imaan doonin Aqalsare oo Jufo kasto ku leedahey tiro siman, taas oo aan lagu saleyn Tuulo Gobol ugu yeertey Qarankii Qabiiloobey.

    – Siduu Xassan Shiikh sheegay, Dastuur xeerhoosaadka cusub dantaa keentey aqbalkiisii hore, in labadalana danta dambe ayaa keentay oo aayad Quraana maahan.

    Hadde markey Waqooyi timaadana mid cusub oo laga yaabo dano dheeraad ah inaad sheegataan ayaan aqbaleynaa, wixii danta dambe keentana waxaan ku sameynayn doonaa DID U FIIRIN iyo sixitaan.

    * Siyaasaddu maahan GEEL muuqdo oo la kala dhacahayo, ee waa xeelado hadba Lagu saleeyo DEYRTA IYO XAGAAGA.

  6. Dabshid says:

    Ninbaa laga sheegay intaad qaleysay ana waan qeybinaayey,

    Waxaase ceeb ah INYOW – Waa diidmo Ciiyaalka Koofurta.

  7. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    ZAKI

    HAWIYE intuu bililiqada iyo kufsiga mashquul ku ahaa, baa PUNTLAND u tashatay.

    Berri baad arkin, MUQDISHA oo caasumadii laga raray.

    Waayo, MUQDISHU caasumad soomaaliyeed ma noqon karto.

    Waayo, MUQDISHU, cawaan baa deggan.

    Waayo, nin muslim ah, labo jeer mas god kuma qaniino.

    HAWIYE, reer abtiyaasheey baa yaqaan sida loola dhaqmo.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  8. Zaki says:

    Dabshid
    Waan fahmay ujeedada qoraalkaaga,lkn waxa somalia u dastuur ah kan dambe inkasta oo aanay afti u qaadin,
    Dastuurkii hore sidii ay u laashay xukuumaddii milaterigu dib looma eeginee
    Dee waxan in badan arkayay puntlandbaa dastuurka af-duubtay.
    IINYO INTAY CIYAALKU GARBAHA GUNDHIYAAN MARKAY WAX DIIDAYAAN
    KKK
    SIDAASI WAA IN LAGA TALO GELIYO EE MAAHA DASTUUR BAY NOO QOREEN,WAANA LAYSKU RAACAY.
    *ANNABA AMXAARKAAS WAA NAGUSOO HOGAAMIN LAHAAYEEN HADDAANU HURUDNO EE WAANU SOO JEEDNAY WEEYE NUXURKA HADALKAYGU.

  9. Zaki says:

    ABEESADU MARKAAD FAR U TAAGTAY FANAXA U BOODDAA.

    BARAWAANI KING
    WAXBA HA RIYOON MUQDISHO AYAA TALADIINU KA GO’DAAYEE.
    UJEEDKAYGUNA WAXA WEEYE
    DAWLADDA XAMAR FADHIDA SIDEE PL UGAGA GACAN SARAYSAA MAAMULADII DALKA.

    1-MIYAY KA SIYAASAD FIICAN TAHAY OO SIYAASAD XUMAA JIRTA,MISE WAY KA MUNAAFAQAD BADAN TAHAY OO MAAMULLADA SI KALAY WAX U TUSTAY?.

    2-MIYAY KA DHAQAALE BADAN TAHAY,MISE WAX KALAA JIRA?.
    MAXAY KULA TAHAY.
    MAAHA UJEEDKAYGU INAAD FIICAN TIHIIN OO CAQLI BADAN TIHIIN OO WAXA LAYDINKU SHEEGAAYO BEEN YIHIIN.
    NIMANKAANU DARISKA NAHAY EE XAALKOODA OGNAHAY AYAA BAARQAB KA AH SOMALIA BAAN LA YAABANAHAY
    KKK

  10. Saed says:

    Waxaa fiican markaad wax qoraysid in aad qortid wax aad aqoon u leedahay waa ninka webka qora oo qoraalka ka soo qaatay caasimada. Online. gudiga dastuurka waa qalaka sare.
    Aqalka3 sare wuxuu matakaa maamul goboleedyada oo Aqalka sare iyo dawlada fadaraalka hada xiriir kama dhexeeya
    Marka horta baro waxaad qoraysid dastuurka umada buu ka dhexeeya ee dawlada. Dhexe maleh ee sidaad ula soco maskiin baad tahay warka loo soo dhiibey

  11. Land of Punt says:

    Naagtaan daanyeerta oo meesha iska hadashay ma oga waxa ka hadlayso.
    Gudiga dastuurka waa heer gobol iyo nid qaran, dalka meesha rabaan tegi karaan.
    Ma metelaan dowlada markaas talada haysa laakiin wasiirka qorshaynta wuxuy toos iyo outomatic u metelaa dowladiisa pm Khayre.
    Habarwalba qalin iska qaadatay….
    Kkkkk
    Baayo waxa ka hadlaysid ka feker, colaad Dhabayaco sida dadka qaarkiis yey cudur kugu noqon.

  12. Land of Punt says:

    Danaysiga siyaasadeed ee Puntland iyo sida maamulada kale u fahmin..
    Kkkkkkkkkkkkkkkklkkkkkkkll.
    Wixii Puntland ahayn waa daanyeer aan aqli lahayn oo Gaas meesha rabo u leexado, ari Gaas iskadaba socda…kkkkkkkkkkkkkkk
    Qofka warkaan qoran Puntland weerar islahaa laakiin awood runtii lahayn siiyey, una gafay dowlad goboleeyada kale.
    Rag rag dhalay reer Puntland, marka Gaas arkaan madaxa wada ruxa!!!!! Kkkkkkkkkk
    Boqor Gaas iga dheh..
    Kkkkkkkkkkkkkk
    😝😬

  13. Land of Punt says:

    Yaab..kkkkkkkkkkkkkkkkkl
    Dabshid xitaa taariiq been ku rafanayaa!! Kkkkkkkkkk
    Sida taariiqda Somalia Kalshaale.ca lagu qoro..
    I indeed have fund, marka warkaan oo kale aqriyo..
    Jimce wanaagsan Maryooley.
    🇸🇴

  14. somalijecel says:

    Waxaan qabaa aqalka sare in uu tagi karo meeshuu doono.
    Saed ayaan la qabaa aqalka sare wuxuu matalaa maamulada.
    Arinka ah in Gaas uu dadkaan isku duba ritay dano gaar ahaan ka leeyahay shaki kuma jiro,ma aqaan nin weyn oo wixii la doono loo sheegayo siduu dad u tali karo.
    Sidoo kale nimankaan kale Puntland in ay isla meel dhigaan ma ahayn.Puntland waa ka hooseysaa maamulada kale sababtoo ah Puntland Somali oo dhan kama helaysid halka 4 maamul ee kale aad ka helayso somali badan waxaana qurux badan in dadku isku dhex jiro daruuftuba haka dhigto Puntland dad gaar ah in ay degaan,balse meeshii sidaa ahayd ayay reer Puntland wax ka dhigeen waana caqli aad u fiican balse ma ahayn sadburisiga ay ku doodaan in laga hoos qaado qaladka halkaa ayuu ka socdaa sida 3 xubnood ee dheeraadka ee aqalka sare waa qalad in qof gurigaygaan hagaajiyay ha la igu laaluusho kkkkkk.
    Nin baan la dooday wuxuu i leeyahay Somalidu waa 14million 9million Puntland ayay ku nooshahay marka 9million waa in aan wax ku helnaa kkkkk dhibkaa oo kale in la dhagaysto maba ahan etc. Balse reer Puntaland meelo ay ku fiican yihiin ayaa jira iyo meelo ay ku xun yihiin HUNGURI.COM XISHODLA’AAN.COM




War deg deg: Mooshinkii Laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo Bur-buray
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha joogtada ah ee ...
MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Booqday Jeel-ogaadeen iyo Dad lagu xidhay oo Arimo Naxdin leh ka sheegay (Daawo)
- Dec 11, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale)  Cabdikariim Sheekh Muuse ( Qalbi-dhagax ) iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawlad ...
Daawo Awliyo oo Afka Furtay “Mooshin Ma jiro, waa Shirqool Imaaraadku soo Maleegay” Hanjabaad Culus (Waraysi)
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Siyaasi AMB. Awliyo ayaa Waraysi uu bixiyey kaga hadlay xaalada ...
MUUQAAL: Ololaha Doorashada Puntland oo Xiiso yeeshay iyo Xaflad lagu Qabtay Minnesota
- Dec 11, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu ...
Xasan Sheekh Iyo Siyaasiyiin uu kula Kulmay Hoygiisa Muqdisho maxay ka wada Hadleen?
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula ...