SAWIRRO: Raysal Wasaare Khayre oo La kulmay Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan (Faah-faahin)

Riyaad ( Kalshaale ) 
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Jaale ra’iisalwasaare adiga iyo madaxweeyne Farmaajaba joojiya safaradaan daanyeernimada ah, ee bishiiba meel diyaarad loo raacaya.

    Waa caqli daanyeernimo, in layiraahdo waa nala casumay iyo blah blah. Waxaanba u maleeyn sababta loo raadsado in laga noqda madaxweeyne iyo ra’iisalwasaare dalkaan baaba’ay ee Somaliya in safarro bilaash lagalo iyo sawirro la’isku soo sawirro wadamo kale, oo uusan qofka lacagtiisa baxsaneeynin, laakiin, waxeey caqlilaawayaasha Somalida hilmaansanyahiin, ma u qalantaa safar xun, oo 10 kun oo dollar camal ah oo lagu siiyo, in aad ku tumato aayaha, iyo jirritaanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka Somaliya?

    Ra’iisalwasaare Kheeyre, joojiya siyaasada “rooky” nimadda ah, ee taleefoon inta dirtaan, amaba la’idiin soo dirro, aad u carareeysaan wadamo kale. Sacuudigaan mother fuckers ah, ma’is weeydiiseen sida eey iyaga iyo Imaaraadka u wiiqayaan madaxbanaanida iyo qarranimada dalka Somaliya? Daanyeer. Sidaas oo eey tahay madaxda Somaliyeed kuma dhacaan in eey dhahaan “fuck you” imaaraadka iyo sacuudiga, oo eey ka raacdeeyaan wadanka. Sabab, sababtoo ah, waa daciif madaxda Somaliyeed ee hadeer. Madaxdii iyaga ka horeeyayna sidoo kale waxeey ahaayeen daciiif, waliba iyaga ayaa u sabab ahaa in khaniisiinta Imaaraadka wadanka ku xoogeeystaan, oo waxeey rabaan ka sameeyaan, oo qabiilada Somaliyeed la macaamilaan, oo eey isku diraan qabiilada Somaliyeed. Inta goori goor tahay waa in laga raacdeeyaa Imaaraadka wadanka Somaliya, sacuudigaan aabahiis wasaha ahna layareeysaa xariirka aan laleenahay.

    Daanyeero Somali ma fahmi karaan, carabka xunka ah waa kan aduunka noogu neceb. Waa kuwa hor istaagan in Somaliya iyo wadamada islaamka iska dhaaf barwaaqo iyo saliid in eey lasoo baxaane, nolosha xataa uma ogola shacabka Somaliyeed. Markaasaa laleeyahay casumaaad ayaa laga helay. Waa fucking tuusasho iyo magan allow magan rasuul.

    Daanyeero khashin ah oo raqiis ah waaye madaxda Somaliyeed.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...