Muuqaal: Wararkii ugu Danbeeyey Iyo Turkiga oo Soo Bandhigay Ragii Dilay Wariyaha Caanka ah Jamal Khashoggi

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Saxafiga u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya Jamal Khashoggi oo la waayey , kadib markuu galay qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul, Waxaana Dawladda Turkigu ay shaacisay Xog cusub oo la Xidhiidha dadka lagu Tuhmayo, Xiliyadda ay soo degeen iyo Wakhtiga ay dhoofeen, taasi oo caalamka siwayn uga yaabisay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay jirto saacad nooceedu yahay Apple oo uu xirnaa saxafigan xilligii uu galayay qunsuliyada, waxayna sheegeen in saraakiisha baaritaanada ku sameynaya halka uu ku dambeeyay saxafiga ay u tahay saldhigga baaritaankooda saacada uu xirnaa Khashoggi.

Dhinaca kale Senataro Mareykan ah Warqad ay madaxweyne Trump u direen arbacadii, ayaa senatarada waxa ay adeegsadeen xeerka Global Magnitsky Act ee la sameeyey sanaddii 2016, ayaga oo ku baaqay baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi.

“Maqnaanshaha suxufiga Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post, Jamal Khashoggi, waxa ay muujineysaa inuu dhibbane u yahay xudugudb weyn oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri warqadda.

“Waxaan fileynaa in marka aad go’aan gaareyso inaad maskaxda ku hayn doonto akhbaar kasta oo arrintan la xiriirta, ayna ku jiraan saraakiisha ugu sarerysa dowladda Sacuudiga”.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




War deg deg: Mooshinkii Laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo Bur-buray
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha joogtada ah ee ...
MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Booqday Jeel-ogaadeen iyo Dad lagu xidhay oo Arimo Naxdin leh ka sheegay (Daawo)
- Dec 11, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale)  Cabdikariim Sheekh Muuse ( Qalbi-dhagax ) iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawlad ...
Daawo Awliyo oo Afka Furtay “Mooshin Ma jiro, waa Shirqool Imaaraadku soo Maleegay” Hanjabaad Culus (Waraysi)
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Siyaasi AMB. Awliyo ayaa Waraysi uu bixiyey kaga hadlay xaalada ...
MUUQAAL: Ololaha Doorashada Puntland oo Xiiso yeeshay iyo Xaflad lagu Qabtay Minnesota
- Dec 11, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu ...
Xasan Sheekh Iyo Siyaasiyiin uu kula Kulmay Hoygiisa Muqdisho maxay ka wada Hadleen?
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula ...