MUUQAAL: Madaxwaynaha ruushka oo la Kulmay Nin Muslim ah, una dhashay Ruushka oo Wacdaro ka dhigay Maraykanka

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Ruushka Vladimir  Putin  ayaa la Kulmay Khabib Nurmagomedov oo ah qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah oo ku guulaysta UFC ( Masaaricada ) Sidoo kalana ah qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaadha.

Khabib 1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka – waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla – wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da’da 8aad.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO KULANKA 

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Khabib Nurmagomedov ayaa Guul ka gaadhay  dagaalkii ay isaga hor yimaadeen Conor McGregor, magaalada Las Vegas,  kaasi oo  iska beddelay habeen cayaareed oo cajiib ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...