MUUQAAL: Imaaraadka Carabta oo ku Xadgudubtay Cunaqabateynta Somalia

Laascaanod ( Kalshaale ) Telefishinka Al-Jazeera ayaa heshay qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo muujineysa in Imaaraadka Carabta uu ku xadgudubtay cunaqabateynta Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Golaha Ammaanka.

Warbixinta horudhaca ee ay heshay Al Jazeera ayaa sheegeysa in Imaaraadka Carabta inuu ku xadgudubtay cunaqabateynta Soomaaliya, arrinta dhismaha sharci darada ee Saldhigga Milateriga uu ka sameysanayo Berbera ee Somaliland, arrinta dhoofinta Dhuxusha oo Imaaraadka Carabta loo suuq geeyo.

Sidoo kale waxaa warbixintu sheegeysa in Shirkado laga leeyahay Iiraan ay ku soo biireen dhoofinta sharci darada Dhuxusha Soomaaliya, lana geeyo Dubai.

Waxaa kaloo warbixinta ku jirtay hub iyo qalab milateri oo laga qabtay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ka yimid dhanka Yemen, waxaana la sheegay in hubkaas laga soo iibiyay dalalka Bulgaria iyo Serbia, oo markii la weydiiyay ay sheegeen in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka iibsadeen

Labadii sano ee u dambeeyay warbixinada Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Hubka Soomaaliya ayaa ahaa kuwo aan la shaacin, inkastoo qeybo ka mid ah la daabacayay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. gaafaw says:

    kkkkk haye somaliland oo sihoose usmameysatay gantalaha ballastic ah iyo waliba nuclear war hayaay soomaaliyaay ,somaliland haladhaafo

  2. Laalays says:

    Habarta odayga wax loo saar.kkk

    Gaafaw baa yaabay!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. mohamed abdi jama says:

    Horaan ugu sheegay somaliya inay jam somland hub keensan karto heshiosna geli karto ? Qaramada midowbayna ay taqaan ciday saaran tahay iyo cidda kale somaliya jahligii 60kii baad lu jirtaan wali

  4. mohamed abdi jama says:

    Waa in madaxwaynuhu tagaa muse bixi new york oo uu ka cadeeyo jam somland iyo xaqeeda ? Somaliya horaan ugu sheegay ee caqmi badan ma leh

  5. mohamed abdi jama says:

    Heshiisyo caalamiya iyo mid saanada ciidanka military labadaba xaq bay u leedahay ee caqli ma leh somaliya

  6. Hassan Hussein says:

    Gaafoow dadka ha ka qoslin.iidoor wagaash oo xaarkiisa dirqi kaga kaca iskana maydhin ayaa buuxi halkaa s Gaafoow inta ka dhiman

  7. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Jaale ra’iisalwasaare adiga iyo madaxweeyne Farmaajaba joojiya safaradaan daanyeernimada ah, ee bishiiba meel diyaarad loo raacaya.

    Waa caqli daanyeernimo, in layiraahdo waa nala casumay iyo blah blah. Waxaanba u maleeyn sababta loo raadsado in laga noqda madaxweeyne iyo ra’iisalwasaare dalkaan baaba’ay ee Somaliya in safarro bilaash lagalo iyo sawirro la’isku soo sawirro wadamo kale, oo uusan qofka lacagtiisa baxsaneeynin, laakiin, waxeey caqlilaawayaasha Somalida hilmaansanyahiin, ma u qalantaa safar xun, oo 10 kun oo dollar camal ah oo lagu siiyo, in aad ku tumato aayaha, iyo jirritaanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka Somaliya?

    Ra’iisalwasaare Kheeyre, joojiya siyaasada “rooky” nimadda ah, ee taleefoon inta dirtaan, amaba la’idiin soo dirro, aad u carareeysaan wadamo kale. Sacuudigaan mother fuckers ah, ma’is weeydiiseen sida eey iyaga iyo Imaaraadka u wiiqayaan madaxbanaanida iyo qarranimada dalka Somaliya? Daanyeer. Sidaas oo eey tahay madaxda Somaliyeed kuma dhacaan in eey dhahaan “fuck you” imaaraadka iyo sacuudiga, oo eey ka raacdeeyaan wadanka. Sabab, sababtoo ah, waa daciif madaxda Somaliyeed ee hadeer. Madaxdii iyaga ka horeeyayna sidoo kale waxeey ahaayeen daciiif, waliba iyaga ayaa u sabab ahaa in khaniisiinta Imaaraadka wadanka ku xoogeeystaan, oo waxeey rabaan ka sameeyaan, oo qabiilada Somaliyeed la macaamilaan, oo eey isku diraan qabiilada Somaliyeed. Inta goori goor tahay waa in laga raacdeeyaa Imaaraadka wadanka Somaliya, sacuudigaan aabahiis wasaha ahna layareeysaa xariirka aan laleenahay.

    Daanyeero Somali ma fahmi karaan, carabka xunka ah waa kan aduunka noogu neceb. Waa kuwa hor istaagan in Somaliya iyo wadamada islaamka iska dhaaf barwaaqo iyo saliid in eey lasoo baxaane, nolosha xataa uma ogola shacabka Somaliyeed. Markaasaa laleeyahay casumaaad ayaa laga helay. Waa fucking tuusasho iyo magan allow magan rasuul.

    Daanyeero khashin ah oo raqiis ah waaye madaxda Somaliyeed.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...