Daawo: DFS oo u sameyneysa Xasuus Qaran dadkii ku dhintey Qaraxii Zoobe

Muqdisho ( Kalshaale ) Xubnaha golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheledii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sisoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadka ku dhibaatoobay qaraxyada kala duwan ee kooxaha argagaxisada ah ay dalka ka gaysteen.

Dhanka kale, Shir ay golaha wasiirada ayaa ka dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA SHIRKA 

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




War deg deg: Mooshinkii Laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo Bur-buray
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha joogtada ah ee ...
MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Booqday Jeel-ogaadeen iyo Dad lagu xidhay oo Arimo Naxdin leh ka sheegay (Daawo)
- Dec 11, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale)  Cabdikariim Sheekh Muuse ( Qalbi-dhagax ) iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawlad ...
Daawo Awliyo oo Afka Furtay “Mooshin Ma jiro, waa Shirqool Imaaraadku soo Maleegay” Hanjabaad Culus (Waraysi)
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Siyaasi AMB. Awliyo ayaa Waraysi uu bixiyey kaga hadlay xaalada ...
MUUQAAL: Ololaha Doorashada Puntland oo Xiiso yeeshay iyo Xaflad lagu Qabtay Minnesota
- Dec 11, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu ...
Xasan Sheekh Iyo Siyaasiyiin uu kula Kulmay Hoygiisa Muqdisho maxay ka wada Hadleen?
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula ...