Madaxwaynaha Hirshabeelle oo ka digay Shirka maamulada ee Garoowe

Baladwayne ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garowe.

Waare ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ama talo ay gaar u gaaraan afar maamul

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nasiib darro ay mowqifkooda ka gedi waayeen Golaha Iskaashiga, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku raaci waayaan, balse aanay xaq u laheyn inay go’aan ka maqan tahay Hirshabeelle.

Waxaa uu soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aanay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

“Xaq ayaad u leedihiin in maamuladiina aad go’aan u gaartiin, laakiin talo kuma biirin kartaan anagoo ka maqan Hirshabeelle wax danaheeda ah, wixii wanaag ee la rabo waa soo bixi doonaan, shirka Nairobi wax matalaad kuma lihin, mana ka warqabin”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa bishii horay ka baxay go’aankii maamul goboleedyada ka soo saareen Shirka Kismaayo, kaasoo ay xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, waxaana uu dhankiisa heshiis la gaaray dowladda Federaalka, hase ahaatee Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa sheegay in aanay quseyn heshiiskaas.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. gaafaw says:

    adeer iskajoog waa lagaa maarmi karaa mooshin ayaa kugu socda ,kaa meel iskadhig

  2. Garqaad says:

    Ninka hogaamiyo dhulka wobiyada. Maaha in uu isku jumeyaa nin marwalbo isaga gacan uga baahan. U loofyoo sidii libaaxi ilaaheybaa kaa dhigaye.

    Waare hadalkiisa halla dhegeysto maamulo aan isku filneyn shirkoodu muxuu soo kordhin karaa.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    WAA in la bedelo magaca; “Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada” madaama aan loo dhammayn. *CMC ILAY & COLDOON noolaada. @Farmaajo/Khayre Waddanka Bandoow ku soo roga si ay tiinnu u hirgasho.
    ***1.Somalinimo!!!. Yoolku waa heshiis Isaaq & Dhulbahante DHAN Kastaba. 2. Waa inay ka guuraan magacyada Somaliland & Khaatumo State oo ay la baxaan magac mideeya. 3.Dabadeedna la xisaabtamaan reer Koofur IYYADOO 2ba arrimoodba ay yihiin Waqaf, Midnimada & Magaalo Madaxda. Xukunkuna waa inuu ahaado Wareegto Waqooyi/Koofur (sulux)
    *Hadduu Rooble la yimaado Laandhernimo & Buur isi saar ANNAGA waxaa na tababaray Maafiyadi Talyaaniga oo ma waynayno Jilaafo aan u dhigno oo MIITHAAL inaan u codayno ruux ka soo jeeda; Warsangeli, Ciise ama Samaroon saa waa wada reer Waqooyiye. DABSHID adeer halkaan ka iinto iga kab. WBT

  4. gaafaw says:

    @ garqaad iyo dabshid
    maxamed mederkicis aka ceyr,waa sideed laf
    afarta caroole axmed waa 1 cabsiiye 2 reer caalin,3 ayaanle,4 babaashe,afarta kalana waa ,1 habar aji 2 yibdhaale ,3 subuux yabardhwrlakacay

  5. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer maanta aniga iyo adigu isku aragti ayaan ka nahey arinta, Somaliland iyo Khaatumo oo la xisaabtamo Koofur.

    Xukun wareegto ah Caalamka kama jiro marka hore ayaa xisbiyo mideysan oo isku dhaf ah la sameystaa, tusaale – Guddoomiye Xisbi Farmaajo, Guddoomiye kuxigeen Dr Bayle hadey guuleystaan Waa madaxweyne iyo Rasalwasaare (ama Madaxweyne kuxigeen).

    Sidoo Kale Max’ed Cumar Carte Guddoomiye, Goodax kuxigeen, hadey guuleystaan ayagaa dalka hogaansho.

    — Bandow miyaad tiri, wali ma waxey kuujoogtaa adeer 1988 oo Hargeysa Bandow lagu soo rogey, oo duugtii Abuukaate Ismail Jimcaale Xamar Bandow lagu soo rogey. Dictatorkii waa ragee ama Tartan ama Tanaasul – Afkaaduna xor waaye ee Yoobsan Ka YOON oo ninkaad toonto Mucaarad.

    Adeer Dhiig iyo Maal ayaa loo hurey in Dowlad Rayid ah oo dadku codeeyo dib loogu soo celiyo Dalka, Farmaajo in Xamar lagu doorto dheel dheel kuma imaanin ee waa Tubtey Taagtey USC “” Afka dadku waa Xor, ninkii gacanta ka hadlana Godka jilicow.

    iley kumuu ahaa waan maqli jirey.

  6. Dabshid says:

    Gaafaw

    Kkk

    Ayeyday waxey aheyd qabiileyste only waxey dhihijirtey

    Afarta Caroole Axmed alow aan waayo, afarta kale dagaaladii ayaan bartey, Habar Aji waan aqaaney oo Jowhar iyo Marka ayagaa u badan

  7. Cadaado says:

    Aaway daanyeerkii hogaamiyaha Galmudug, M. Xaaf, aka waan qaraabtagnay. Isagna hakasoo harra qabyaaladiistaha Cabdiwalig Gaas aka uusbuur/calool weeyne. Misse, Sacadku waa daanyeero Majeerteenka kabaha u qaada. Nijaas.

    Hadii uu Xaaf kasoo harra calool weeyne Gaas. Oday Ahmed Madoobe, oo kaarka qabiilka lagu qaldayna waa uu kasoo harri doonaa. Taas oo ka dhigan, in eey dhacdo, “the emperror has no clothes” in dharka laga dhigo calool weeyne Cabdiwali Gaas.

    sidaas ayeey xukuumadii madaxweeyne Hassan Shiiq ugu sameeysay “containment” joojin sharta/xakameeyn maamulka Majeerteen, ee Garoowe.

    Laakin, caqli laawayaal madaxweeyne Farmaajo iyo ra’iisalwasaaare Kheeyre, ayaa sababay in Cabdiwali Gaas uu inta xargaha goosta, waliba xulufo sameeystay, oo isaga “on the offense” uuba weerar ku qaado dowladda dhexe.

    Waa siyaasada daanyeernimada oo eey ku dhaqmaan madaxda dowladda dhexe. Waa 4 sanno oo qasaaro ah. waa daanyeerta Hawiyaha, oo aanan fahmi karrin Majeerten, iyo munaafaqiinta Majeerteenka oo meesheeda kasii wada munaafaqada. Waa dal eey daanyeero hogaamiyaan. Waa dad been isku sheega. waa dad aanan is xisaabin.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...